Saturday, November 10, 2012

Aan kala xadayno



Aan kala xadayno si aayatiin loo helo. W/Q: Prof. Cabdi Cali Jamac.

Halkeebay siyaasaddu ka bilaabantaa, halkeebayse ku dhammaataa?  Halkeebaa xirfaddu ama shaqadu ka bilaabantaa, halkeebayse ku egtahay? Waxa jirta in aynu waddankii oo dhan,  laga soo bilaabo halka u sarreysa illaa waardiyaha ku dhammooqnay siyaasad.

Ma inkirayo in hay’adda shaqaaluhu daddaal  ugu jirtay siddii shaqaalaheenu u noqon lahaayeen kuwo lagu soo xusho aqootooda laakiin waxa jiidhay oo hafiyay dhaqankeena tusmada ku dhisan ee indhaha  la’  kaasoo aan dheg u dhigayn hay’ad shaqaale iyo cid kale toona. Arrinku waa wixii miyir qababa la hadal!!!!

Qaladku ma aha mid immika bilaabmay ee waa soojireen illaa intaan garanayo. Waxa qalad ah in laga bilaabo Agaasimo guud iyo wixii ka hooseeyaha ee shaqaalaha dawladda ah in loo eego siyaasad sida xisbi ama reer. Waxay ahayd runtii ama immikaba la rabaa in laga bilaabo heerkaas aynu soo sheegnay lagu soo xusho qofka muwaadinka ah xirfadiisa iyo waxa uu yaqaanno ee aan wax kale loo eegin.  

Sidaynu wada ognahay agaasimayaasha guud waxa loo magacaabaa sida wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada. Waxayse ahayd sid saxda ahi in agaasimaha guud uu noqdo qofka ugu sarreeya shaqaalaha meesha jooga marka laga eego xagga khibradda iyo tacliinta labadaba. Farqi weyn baa u dhaxeeya isaga iyo wasiirka oo ah qof siyaasi ah. Wasiirka waxa lagaga danbeeyaa oo lagu ixtiraamaa waa madaxweynaha soo cugtay ee wareegtada ku magacaabay, markaa waa mid haybadiisa ka soo dheeganaya ta madaxweynaha, laakiin agaasimaha guud waxa lagu qaddarinayaa oo shaqaalaha oo dhan iyo dadweynuhuba kaga danbeynayaan waa aqoontiisa iyo khibradda uu u leeyahay shaqadan  uu hayo.

. Laakiin haddii ay sheekadu noqoto qof siyaasi wax ka dhigo mooye, qof kale oo wax noqonayaa ma jiro. Taasi waa gef aayatiin xumo ina dhaxalsiinaya. waxa jira dad badan oo aan rabin in ay siyaasadda galaan laakiin jecel in lagu ixtiraamo aqoontooda, shaqsiyaddooda iyo kartidooda. Halkan ma mooddaa in siyaasigu rabo inuu dadka oo dhan wada gumeeyo oo aynu dhammaanteen ku faruur xidhnaano isaga. Taasi waxa kale oo ay dad badan ku kallifaysaa in ay siyaasadda galaan sidii gabaygii “rag siyaasi wada noqay” uu cabbirayay. Sababtana innagaa leh oo waxaynu abuurany qiimi(Values) odhanaya waxa wax lagu noqdaa waa siyaasadda inaad ka muuqato. Waar anigu waxan odhan lahaa qiimayaal kale aynu samayno maxaa yeelay waddanku wuxu u baahan yahay xirfadlayaal, mutacallimiin, ganacsadayaal hal abuur leh, shaqaale hoose iyo kuwa saraakiil ah iyo ciidan aamminsan shaqadooda oo aan u hanqal taagin siyaasad xataa haddii loo soo bandhigo fursadda. Tusaale,  waxa la rabaa(Ideally) sarkaal militari ah oo iimaansan shaqadiisa ciidannimo oo xataa haddii ay soo marto fursad uu inqilaab ku samayn karo aan samayn isagoo fali kara sidaa. Tusaale kale, waxan la rabaa bare sare oo jamacadeed ama professor aqoonta ku wadhwadhay oo ka santaagaya siyaasadda wasakhda ah kaasoo caashaqsan aqoonta iyo cilmi baadhista si uu u noqdo marjaciyad  kan siyaasiga ahi wax weydiiyo oo talada ula noqdo isagoo aan ka baqayn inuu damco booskiisa.

Dhinaca kale, waxan runtii aan innagu bogaadinayaa in aynu mid garanay; taasoo ah in shaqaalaha dawladdu aanay ololaha siyaasadda xisbiyada ka muuqan, kii ay doonaanba codka ha siiyaane. Inkastoo taa lafteeda aanay sidii la rabay u fulin, haddana aragti ahaan waxaad mooddaa in  aynu isla qaadannay laakiin dhaqangalintii ayay dhibaato ka taagan tahay; middase inoo dhuumatay waxa ay tahay shaqaalaha gaar ahaan saraakiisha xafiisyada oo aynu ku xulanno ficil ahaan tusmo reereed.
 Maalin dhawayd ayaan waxan ku idhi nin aanu saaxiib nahay, waar ninkii hebel ee bilayska ahaa shaqadii ma lagu celiyay. Markaa wuxu ahaa ninkani nin aqoon iyo khibrad u leh bileyska oo marna jago sare hayn jiray laakiinse laga qaaday oo buulka la dhigay. Wuxu iigu jawaabay waar mayee waa kii taliyihii bilaysku ku yidhi afar reerkiina ah ayaa meelo sarsare jooga’e ma idinkaan meesha idinku taxaa.  Kalmadahaasi aniga si gaar ah ayay ii damqayeen, laakiin saaxiibkay daw buu u arkayay.  waayo haddii bilayskii oo ah xirfad ama  shaqo  u baahan aqoon, tababar iyo khibrad  ay dheer tahay hufnaan aan lagu salleyn sifooyinkaas, maxaan sugaa ee  hadhay,  akhriste,  aan adiga ku su’aale.  Ta kale, aniga waxay ila tahay in marka hore si qaldan loo qaatey waayo haddii si sax ah loo qaato way adag tahay siday isugu soo beegmaan afar isku qoys ah oo ugu sarreeya meel.

Bal sidii la doonaba ha lagu soo xulo wasiirada ;ama qabyaalad ha lagu soo xulo ama gobol, ama saaxiibtinimo, inkastoo halkan lafteeda aan jeclaan lahaa in degaamo iyo gobollo lagu saleeyo, haddana bal taasi waa siyaasad oo waa yeelkeeda’e, maxaynu shaqada iyo shaqaalaha ula daba soconaa  tusmada iyo qabyaaladda. Ma waxaynu rabnaa in aynaan waligeen boodhka ka kicin oo aynu galgalimadaa fadhino!!!!! waar miyaynaan aayo ka damcsanayn waddankan!!!!!Waar miyaynaan rabin in aan dhaxal uga tagno caruurteena!!!!!, ma waxaynu nahay macaan jecel eegta uun dhadhamada maanta, mise waxaynu nahay ciil kama korihii la sheegi jiray ee aan waligii tashan jirin. Ma sidaas baa innaga bes ah oo garasho ayay innaga tahay. Fili maayo , ee waynu is hagranaynaa!!!!!

Taas sare waxan uga jeedaa, marka laga yimaaddo wasiirada iyo wasiir ku xigeenada,  wixii ka hooseeya laga bilaabo agaasimah guud, haddii aynu ku xulanno aqoon, khibrad iyo karti, waxay taasi dhiirigalinaysaa dhalinta doonaysa in ay dadaalkooda meel ku gaadhaan. Waxay keenaysaa in ay wax bartaan, oo  u dhabar adaygaan jidka dheer ee tacliinta, marka danbe ee shaqada la qorona ay u adkaystaan oo u sabraan jidka dheer ee jaranjarada shaqada isagoo og in waxa uu ku dallacayo iyo wuxu halka ugu sarreysa ku gaadhayaa ay tahay dadaalkiisa iyo aqoontiisa. Markaa,  akhriste,  aayaha aan sheegayaa waa kaas. Haddii la diido oo la yidhaa wiilkii ama gabadhiiba mid reerkiina ah ayaa qeybtaa heysta ee adigu iska joog isagoo u qalma meeshii, ka dibna booskii madhnaa loo sadqeeyo mid reer hebel ah, waa kii meesha reerkoodu ka maqnaaye, kaasoo ay dhici karto in aanu u qalmin booskii dhan kasta marka laga eego, ogaada foosto gun la’ ayaynu dhaaminaynaa. Ubadkeenana dhaxalka aynu uga tagaynaa waa in ay bartaan afminshaarnimada, qabyaaladda iyo qabqablaynta; maxaa yeelay, waa dariiq gaaban oo kuwii ka horreyay ku ceesheen oo maal iyo mansabba ku heleen. Maxaa daalinaya isaga ee jidka dheer ee tacliinta iyo jaranjarada dhibka badan ee shaqada uu uga baahan yahay.
W/Q: Prof. Abdi Ali Jama.
Profabdiali.blogspot.com