Friday, August 23, 2013

Halkan ayuu ka dhaw yahay ictiraafku.





 Halkan ayuu ictiraafku ka dhaw yahay.   W/Q: Prof. Abdi Ali Jama

Intii bani’aadamku soo jirayba waxa jiray cudurro kala duwan oo ku dhacayay, kuwaasoo dhammaantood u baahan daawayn. Xanuunadaas  haddii la iska dawayn waayo, waxa dhici karta in qofku u dhinto ama uu iska daafaco, laakiin goor uu digada ka dhigay. Si kataba ha ahaatee way badan tahay tirada xanuunada aanu qofku iska daafici Karin illaa uu helo dawo.

Waxa jira cudurro badan oo illaa immika aan loo hayn dawo meesha ka saaraysa Sida macaanka, dhiig karka iyo Aids-ka. Xanuunada ceynkan oo kala ah qofku wuu la noolaadaa, waxana la siiyaa dawooyin lagula tacaalayo xanuunka si uu qofku ula noolaan karo , laakiin ma jirto—illaa imika-- dawo aad kaga bogsanayso cudurka. Taasi waa farqiga u dhaxeeya daawaynta(treatment) iyo bogsiga(curement). Cudurada qaarkood waa loo hayaa labadaba, macnaha dawo lagula tacaalo iyo mid lagu bogsiiyao labadaba.

Haddaba, markaa sidaa xaalku yahay, waxa jira boqolaal shirkadood iyo xarumo cilmi baadhiseed  oo ku filiqsan dunida oo dhan oo ku mashquulsan sidii daawo lagaga bogsado xanuunadaas loo heli lahaa. Waxay ku qarash gareeyaan malaayiin doolar si ay ugu guulaystaan cilmi baadhistooda. Ciddii ku hor guulaystana waxay ogthay in ay macaash fara badan suxullada ka leefi doonaan.

Haddaba, innagu maxaynu isugu dayi waynay in aynu wax ka tarno ama soo saaro dawo loo baahan yahay? Waxa laga yaabaa in qaarkeen qosol u dhacaan iyagoo leh sidee baan innaga oo kale oo ah waddan yar oo aan la icitiraafsanayn ugu fikiri karnaa in aan soo saaro dawada macaanka ama Aidska. Waxan se anigu qabaa in aan cidi innaga xigin in aan isku dayno arrintaas. Haddii lagaaga horreeyo xagga sayniska iyo teknolojiyada waxa jirta in adiguna aad ku horrayso xagga dabiibka dhaqanka, taasoo ay dhici karto haddii aynu isku mashquulino in aynu helno dawo dhaqameed xal ama dawo u noqon karta xanuunada aynu soo sheegnay.

Haddii aad ku guulaysato dawadaas ama xalkaas inta badan la raadinayay, waxa dhacaysa in aad dhiisha faqriga tuurto, taasoo keeni karta in aad ictiraafkaba ka maaranto. Sidaa darteed adigoo xal u keena mid ka mid ah mashkiladaha ama cudurada daashaday banii’adamka waxay keeni kartaa in adiga laguu baahdo, halkii aad adigu dadka u baahanayd.






Saturday, August 10, 2013

Trajectory redirected.



Trajectory redirected; By: Prof. Abdi Ali Jama.

National economic pillars comprise public, private and charity sector including international aid. When it comes to fighting against public epidemics, only public sector and NGO’s are involved. The question is: where is private sector?. The private sector is pivotal constituent for health issues as well as for other national priorities.

We need to redirect the trajectories of all the three pillars in terms of roles and responsibilities that they might play in contributing towards achieving national health policies. When it comes to public sector, there is always ministry of health and other national health agencies.  There is some budget allocated. They try to carry out their mandate with collaboration of national and international NGO’s.

However, private sector does own private hospitals that provide health services, but naturally to non epidemic diseases. They could contribute to non governmental charity organizations especially to local ones by donating funds that are very much needed in the sector. In this domain, only international NGOs do provide funds. In here, we mean by private not only private hospital but wider business people in different industries.

Private sector are supposed to play role in plague-like diseases, not only by making money from their private hospitals that provide non-epidemic health services,  but also to change direction by giving money to charity organizations that are devoted to fight against epidemic diseases. Simply because, such diseases are primarily public health issues and cannot be, naturally, business projects that yield profit.

However, charity organizations (local NGO’s) should be trustworthy and credible, so much people would entrust donations to them. This would take time and entail certain fundamental changes in attitude, motives and perceptions. Notwithstanding, the prospective of doing this is not bleak.

Finally, thanks to general public or tax payers that do pay taxes to the government.  They are also required to donate money to charity -- non governmental organizations--, which in their turn would fight against epidemic diseases, knowing the fact that such culture of donation is somehow alien to us.

Dhaqaalaha Iyo Caafimaadka




Dhaqaalaha iyo caafimaadka, W/Q: Prof. Abdi Ali Jama.

Waxa muddo aan yarayn aan muxaadarooyin dhaqaalaha la xidhiidha ka jeedinayay Jaamacadaheena. Biyuhu markay gororaan waxay isugu tagaan meel godan. Nuxurka muxaadarooyinkaasi oo dhami ku soo urureen waxay noqotay in kheyraadka loo yaqaan dadku(Human resource) yihiin lafdhabarta dhaqaalaha ummad kasta.  Sida loo kala horumarsan yahay waxay noqotay mid la xidhiidha tirada iyo tayada xoogga shaqeeya ee waddan waliba leeyahay.

Dadka waddan leeyahay wuxu u qeybsamaa saddex raac. laba Raac waxay kala yihiin inta duqowday iyo ubadka yaryar ee aan qaangaadhin. Raaca saddexaad waa kan u dhaxeeya labada. Waa raaca xoogga ah ee u shaqeeya ama masruufa labada kooxood ee kale. Sidaasi waa sax marka qoys la eegayo iyo marka qaran laga hadlayo labadaba.

Saddexda kooxoodba waxay u baahan yihiin, xaqna u leeyihiin in ay helaan nolol fiican oo tayo leh. Waxay u baahan  yihiin caafimaad, dhaqaale ay ku noolaadaan iyo qaddarin la siiyo. Waxase jirta in labada kooxood ee kale tayada iyo daryeelka noloshoodu wuxu ku xidhan yahay waxsoosaarka ay samayn karaan kooxda xoogga ah ee shaqaysa, waa da’da dhexe’e. taasina waxay ku xidhan tahay kooxdani dhexe sida ay u haystaan adeeg caafimaad, sida ay u tababarn yihiin oo noqonaysa waxbarashadii iyo sida ay tahay tayada maamulkoodu, oo noqonaysa kartida iyo hogaaminta ay leeyihiin.
Cudurka dilaaga ah ee Hiv-aids-ku wxu si gaar ah u abbaaraa da’da dhexe oo ah xooggii dalka u shaqyanayay. Markasta tirade dadka qaba xanuunka waxa ugu fara badan dadka xoogga ah ee da’da dhexe. Qoys kasta cidda u kallahda ee masruuftaa waxa ay ka mid tahay raacan dhexe.

Haddii xanuunkan laga hortagi waayo, wuxu keenaa in dhaqaalaha dalkaasi burburo, ka dib marka dadka xoogga ahi meesha ka baxaan, taasina ay keento in waddankaasi jilbaha u dhaco oo af-weynta goosto. Taasi waxay ku dhacday waddamo dhawr ah oo Afrikaan ah, kuwaasoo ku sigtay in ay burburaan illaa markii danbe ay qaateen tallaabo adag oo ay kula dagaalamayaan cudurkan. Dalalkaas waxa ka mid ah Ugandha.

Ugu danbayntii, dadaal kasta oo aynu  ka samayno kor u qaadidda daryeelka caafimaadka iyo wacyigalinta dadkeena, waxaad ogaataan in uu badbaado u yahay dhaqaalaheenna iyo tayada nolosheena. Dhalinyarada xoogga ah oo la ilaashadaa waa dhaqaalihii  oo la dhawrayo inuu hoos u dhaco. Sidaa darteed caafimaadka iyo dhaqaaluhu waa laba isku xidhan oo isu dhimanaya.

HIV aids-ka iyo mukhadaraaka




 Hiv aids-ka iyo mukhadaraadka By: Prof. Abdi A. Jama.

Marka laga yimaaddo hababka kala duwan ee sida tooska ah loogu kala qaado cudurkan halista ah ee Hiv aids-ka, waxa jirta in mukhadaraadku ka mid yahay mid qeyb weyn ka qaata fiditaanka xanuunkan. Wuxu uga qeyb qaata si toos ah iyo si aan toos ahayn.

Marka la soo hadal qaado mukhadaraadka iyo Aids-ka waxa maskaxda dadka ku soo dhacda irbadaha ay isticmaalaan dadka isku muda mukhadaraadka. Dadkaasi waxay dabeecad u leeyihiin in ay irbad kaliya ay wadaagaan dhawr qof, sidaas oo ay isugu gudbiyaan cudurkan masiibada ah.

Markaa taas laga yimaaddo, waxa jirta in mukhadaraadka uu ka mid yahay khamriga, xashisshadda la cabbo iyo  mararka qaarkood qaadka aynu isticmaalo in ay ka qeyb qaataan khatarta xanuunka. Macnaha dadka isticmaala mukhadaraadkan waxay u bandhigan yihiin xaunnuunkan si ka badan dadka aan isticmaalin.

Waxa laga yaabaa, akhriste inaad is weydiinayso, side bay dadkani ugu bandhigan yihiin khatarta xanuunka?. Runtii sababtu waxa weeye iyadoo qofka isticamaala daroogooyinkan ay ka lumayso qiyaasta saxa ah ama go’aan qaadashada  saxda ah(Sound judgment), sidoo kale waxa qofka ka luma xishoodka ama iscalinta(inhibition) taasoo keenaysa inuu qaato go’aano qaldan oo aanu qaateen sida inuu isku qaado qof aanu la sameeyeen galmo haddii uu saaxi yahay. Waxa dhici karta inuu la qurux bato ama uu soo jiito qof aanu waxba weydiiyeen haddii uu saaxi yahay. Jaadka ama qaadka laftiisu wuu lumiyaa qiyaasta saxda ah ee quruxda iyo soo jiidashada.

Sidaa darteed, anigoo ah masuulka dhawaan loo magacaabay hay’adda la dagaalanka Aids-ka waxan ku fikirayaa in aan hawsha ku darsano sidii arrinkaa wax looga qaban lahaa. Taasina dabcan waxay u baahan tahay in marka hore loo sameeyo siyaasad iyo xeerar. Haddii ay jiraana dib loo eego. Idinkana waxan idinka codsanayaa in aad wixii talo ah ama tusaale ah aad iigu soo dirtaan email-kaga oo ah abdirrahman99@hotmail.com