Dhaxalka iyo isbeddelka. W/Q: Prof.
Abdi Ali Jama.
Mar kasta waxa is barbarsocda oo loo
baahan yahay in aynu isu miisaanno isbeddelka iyo dhaxalka ma- guuraanka. Waa
laba iska soo horjeeda. Lamana joojin karo isbeddelka dhacaya . lama ogolaan karo in ma- guuraanka si degdeg
ah looga diga rogto. Markaa sirtu waxa weeye sida la isugu dheelitirayo
labadooda. Tusaale, nolosha iyo dhaqanka qabiilku waa asal ma guuraan ah oo
aynu leenahay, dhinaca kale dawladnimada, sharcigeeda iyo habkeeduna waa
isbeddelka aynu illaa lixdankii rabnay in aynu samayno.
Dhaqankeenu waa dhaxalkeenii. Inta bandanna waa lagu qasban yahay in la
raaco. Hase yeseeshee marku ku daashado,
isla markaana uu fursad siin waayo isbeddelkii loo baahnaa, su’aal baa
imanaysa. Su’aashu waxa weeye: maxaa keenay in aan u xidhnaano dhaqanka
dhaxalka ah, gaar ahaan kan bulshada ee
ina daashaday? Ma fikirkeena ayaan sax ahayn mise weynaan fikiraynba?
Shaki kuma jiro in sababtu tahay sdia
aynu u maamulay siyaasaddena, dhaqankeena iyo dhaqaalaheena oo aan lagu hagayn
aragti dheelitiran oo dhan walba xeerinaysa, tiiyoo batilmaameedku yahay horumar, kaasi oo ah
isbeddelka la rabo. Waxa muuqata in dhaqanka dhaxalka ah oo ay ugu horayso
qabyaaladdu uu inoo jiidanayo si ka baxsan dadnimada iyo ilbaxnimada , taasoo
aanay suuragal ahayn in lagu sii jiro.
Si kastaba ha ahaatee, waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo
isbeddelka loo baahana yahay oo aynu
iska dhaafno fulaynimada aynu ka baqanayo isbeddelka, kaasi oo ah in hore loogu socdo sharciga iyo dawladnimada,
lagana gudbo qoqobka qabiilka ama reernimada iyo siyaasadda adeegsata
hannaankaas. Su’aasha u weyn ee madaxa
dadkeena daalisay, gaar ahaan inta daacadda ka ah in laga baxo qabyaaladda waxa
weeye: sidee baa looga baxayaa qabyaaladda? Dad badani waa bay ka quusteen in
jawaab loo heli karo su’aashan, taasoo
ay ku qanceen in qabyaaladdu tahay cudur aan dawo lahayn.
Anigu waxan qabaa sidaa aan kor ku
soo sheegnay lidkeeda oo ah in xalka qabyaaladdu uu yahay mid fudud . Looma baahna in qabiilka ama qabyaaladda
lafteedaba la karaahiyaysto ama la hiifo oo la haaraamo iyadoo dhinaca kalena
aynu ognahay—waa yaabee--in dhammaanteen aynu isticmaalo iyada. Sidaasi iska
daa in qabyaald ay wax ka tarto’e, dadnimadeenna iyo iimaankeena
(Ethics and morals) ayaa bay halis ku tahay. Waana dariiqa loo maro
burburka ummadaha. Waa marka ficilkaaga iyo carrabkaagu is kilaafo. Sidaasi waa
sida ummaduhu ku duqeeyaan sida mishiinka gaadhigu u duqeeyo oo kale.
Ugu danbayntii , si looga baxo
qabiilka iyo qabyaaladda waxa loo baahan yahay innaga oo aan is duqayn,
saliiddana cunin in marka hore aynu garwaaqsanno in qabyaaladdu hayso hawl ama
xil bulsho iyo mid siyaasadeed-ba, taasoo aanay suragal ahayn in la joojiyo
illaa inta la helayo wixii lagu bedeli lahaa oo ah sharciyo dhaqan gal ah oo
hay’adahoodii wata. Markaa waxa loo baahan yahay in si aayar aayar ah looga
guuro hannaanka qabiilka tiiyoo la raacayo sharciyo lagu hagayo hab dhaqanka
muwaadiniinta. Macnaha, waxa la soo saarayaa sharciyo lagu saxayo hab dhaqanka
qabyaaladysan. Tan waxa ina faraya cilmiyada bulshada, kuwaasoo isku
mashquuliya barashada dhaqanka dadka—Behavior science. Marka la rabo in dhaqan
la saxo—Behavior—waxa loo adeegsadaa samaynta xeerar, taasina waxay u baahan
tahay in la abuuro bii’adii xeerarka ku dhaqmi lahayd. Maxaa yeelay wey
fududahay in xeerar la soo saaro, laakiin ma hawl yara in la dhaqan galiyo.
Sida loo abuuro jawiga sharcigu ka dhaqan gali karo, waxaynu kaga hadli maqaal
kale, haddii Allle idmo. Laakiin mid waa la hubaa oo ma aha sida aynu maanta u
naalo.