Halkan ayuu ictiraafku ka dhaw yahay. W/Q: Prof. Abdi Ali Jama
Intii bani’aadamku
soo jirayba waxa jiray cudurro kala duwan oo ku dhacayay, kuwaasoo dhammaantood
u baahan daawayn. Xanuunadaas haddii la
iska dawayn waayo, waxa dhici karta in qofku u dhinto ama uu iska daafaco,
laakiin goor uu digada ka dhigay. Si kataba ha ahaatee way badan tahay tirada
xanuunada aanu qofku iska daafici Karin illaa uu helo dawo.
Waxa jira
cudurro badan oo illaa immika aan loo hayn dawo meesha ka saaraysa Sida macaanka,
dhiig karka iyo Aids-ka. Xanuunada ceynkan oo kala ah qofku wuu la noolaadaa,
waxana la siiyaa dawooyin lagula tacaalayo xanuunka si uu qofku ula noolaan
karo , laakiin ma jirto—illaa imika-- dawo aad kaga bogsanayso cudurka. Taasi
waa farqiga u dhaxeeya daawaynta(treatment) iyo bogsiga(curement). Cudurada
qaarkood waa loo hayaa labadaba, macnaha dawo lagula tacaalo iyo mid lagu
bogsiiyao labadaba.
Haddaba,
markaa sidaa xaalku yahay, waxa jira boqolaal shirkadood iyo xarumo cilmi
baadhiseed oo ku filiqsan dunida oo dhan
oo ku mashquulsan sidii daawo lagaga bogsado xanuunadaas loo heli lahaa. Waxay
ku qarash gareeyaan malaayiin doolar si ay ugu guulaystaan cilmi baadhistooda.
Ciddii ku hor guulaystana waxay ogthay in ay macaash fara badan suxullada ka leefi
doonaan.
Haddaba,
innagu maxaynu isugu dayi waynay in aynu wax ka tarno ama soo saaro dawo loo
baahan yahay? Waxa laga yaabaa in qaarkeen qosol u dhacaan iyagoo leh sidee
baan innaga oo kale oo ah waddan yar oo aan la icitiraafsanayn ugu fikiri
karnaa in aan soo saaro dawada macaanka ama Aidska. Waxan se anigu qabaa in aan
cidi innaga xigin in aan isku dayno arrintaas. Haddii lagaaga horreeyo xagga
sayniska iyo teknolojiyada waxa jirta in adiguna aad ku horrayso xagga dabiibka
dhaqanka, taasoo ay dhici karto haddii aynu isku mashquulino in aynu helno dawo
dhaqameed xal ama dawo u noqon karta xanuunada aynu soo sheegnay.
Haddii aad
ku guulaysato dawadaas ama xalkaas inta badan la raadinayay, waxa dhacaysa in
aad dhiisha faqriga tuurto, taasoo keeni karta in aad ictiraafkaba ka maaranto.
Sidaa darteed adigoo xal u keena mid ka mid ah mashkiladaha ama cudurada
daashaday banii’adamka waxay keeni kartaa in adiga laguu baahdo, halkii aad
adigu dadka u baahanayd.