Waa illaa goorma kubbaddan
sharabaadka ahi?: By: Prof. Abdi Ali Jama.
Innagu
waxaynu u haysanaa in aynu ciyaarayno kubbad hagaagsan, laakiin aniga waxay ila
tahay in aynu dheelayno kubbad sharabaad ah. Waagii aanu dhallaanka yar yar ee soo koraya ahayn umaanu nasiib badnayn sida ubadka maanta
nool ee sida sahlan u heli kara kubbad raqiis ah oo ay ku ciyaari karaan. Sidaadarteed,
waxay dantu nagu qasbi jirtay in aanu farsamaysanno kubbad ka samaysan
sharaabaad, oo lagu cabbeeyay walxo kala
duwan. Laakiin ujeedadu waxay ahayd uun inaanu ku ciyaaro, may jirin ujeeddo
kale oo sidaa u sii ridan inkastoo goolal lakala dhalin jiray.
Tan iyo
intii aynu calanka qaadanay 1960kii, waxad mooddaa inaynu ciyaarayno kubbaddaas
sharabaadka ah. Haddaba waxa is weydiin leh goormaynu u gudbaynaa kubaddii caadiga ahayd ee
ujeeddada lahayd ee istaraatiyadda iyo shuruucda lahayd. Annagu markii aanu
kornay waxanu u gudubanay kubbadii hagaagsanayd. Si kastaba ha ahaatee, ma diidani in aynu ku bilawno kubbadda
sharabaadka ah, laakiin waxaa wax lala yaabo ah rag waawayn—dumarku awalba
kubbada iyo siyaasadda midna may ciyaari jirine—oo kubbad sharabaad ah ku
ciyaaraya hadh iyo habeen oo aan ka daalayn,
kana dallacayn.
Immika ayaa
sidii ugu weyneyd loogu saftay kubbadii
sharabaadka ahayd. Waa doorashada golaha degaanka oo sida xisbiyadu ugula soo
baxayaan musharaxa qabiilka ay I xasuusisay sidii labada hoggaamiye ee caruurtu
u cugan jireen ciyaartoyga mid walba kooxdiisa u ciyaaraya. Alla
astaqfurallah!!! Taas baa caddaaladda iyo runta uga dhawayd. Haa waayo? Wuxu ku
soo xulan jiray aqoon iyo garasho uu u leeyahay inanka uu rabo inuu kooxdiisa u
dheelo, halka kuwan xisbiyadu ay iska qaadanayaan qof reer hebel u soo duuduubeen
oo aanay waxba ka aqoon, ama waabay
yaqaannaan laakiin arrinku waa awrka aan isku kacsano oo meesha qiyaastii digo
iyo danbas baa la kala iibsanayaa!!!!
Taasi waa
xulashadii iyo doorashadii, ee waxa igaga sii daran halka ay u socdaan oo aan
aan xogogaal u ahay sida xaalkeedu yahay
iyo in aanay maanta u baahnayn kooxo
kubbad sharabaad ah ku ciyaara. Waa meel ay dishootay kubbadda caruurta ee aynu
ka hadlaynaa. Tusaale ahaan, gole degaan
oo aan ka mid ahay ayaa loo doortay Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 2002.
Maayar iyo maayar xigeen ayaanu annaguna iska sii dhex dooranay. Intayada kale ayaa laga rabay in aanu ka diidno in ay meesha
ku ciyaaraan kubbadda caruurta, laakin golaha laftiisii ayaa ka mid noqday
kooxihii ciyaarayay kubbada sharabadka ah.
Haddii aad isku daydo inaad wax u sheegto ama u caqli celiso waxa ka
dhacday wixii miyir qababa la hadal. Waayo, akhriste, arrintu ma aha meel soke ee waa sida qofku u fikirayo iyo waxa u
qiimeynayo(values and attitude). Faan weynaa!!!! ma adigaa ka joojin kara nin u
arka inuu helay fursaddii cimrigiisa oo aan malaha dib usoo marayn.
Mar mar baan
is idhaa malaha waxa roon in aynaan is daalin oo aynu iska dooranno madaxweyne
iyo maayarro kaliya mar haddii aynaan dheelayn ciyaarta runta ah, taas oo ah marka golayaasha degaanka iyo
barlammanku miisaankii loo baahnaa leeyihiin; waa marka ay qaadan karaan doorka
siidhiwalaha iyo calanwalaha, taasoo ciyaarta ka dhigaysa mid nadiif ah oo
sharciyo leh, ujeeddo iyo ka jeeddana leh.
Waa marka uu ogyahay ka ciyaaraya in uu jiro siidhiwale siinaya huruud
ama casaan haddii uu ciyaarta si fiican oo hufan u dheeliwaayo.
Prof. Abdi
Ali Jama
Profabdiali.blogspot.com