Warqad furan oo ku socota Wasiirka Qorshaynta
iyo lacagta lagu soo rogayo qurbajooga. By: Dhaqaalayahan: Abdi Ali Jama.
Salaan ka
bacdi, waxa aan holladay qalinka si aan waxooga talooyin iyo iftiimin ah uga
soo jeediyo qorshaha qurba jooga laga
rabo in ay bixiyaan lacag yar oo dheeraad ah,
markasta oo ay xawaalad soo dirayaan. Qorshahaas wuxu u baahan yahay in
laga baaraandego oo aynu lafagurno sida uu u hirgalayo iyo saamaynta taban ama
togan ee uu ku yeelanayo dhinacyada uu khuseeyo.
Waxa jira saddex
dhinac oo aasaas u ah hirgalinta mashruucan, kuwaasoo ah xawaaladaha, dawladda
iyo muwaadiniinta lacagta bixinaya.
Anigu waxan qabaa in arrintani ay tahay fikrad qurux badan laakiin
gidaarka waaqaca madaxa ku dhufan doonta marka la is yidhaa fuliya. Bal aan mid
mid u soo qaadanno saddexda dhinac ee mashruucani taabanayo.
Dawladda:
Haddiiba
qurbajoogu u hogaansamo mashruucan, dawladdu ma laha awood farsamo oo ay ku
xisaabin karto lacagta ay qubojoogu soo dhigeen. Tani waxay la mid tahay
cashuurta iibka ee lagu soo rogay illaa hoteelada cuntada taasoo wasaaradda
maaliyaduu aanay haysan farsamo iyo hannaan ay kula xisaabtanto meheradaha,
taasina waxay keentaa in qofkii muwaadinka ahaa laga qaado lacagtii, isla
markaana aanay lacagtaasi wada gaadhin qasnadda dawladda. Taasina waxay ka
dhigan tahay tiiyoo meheradaha loo fasaxay in ay baadhaan jeebadaha
muwadiniiinta marka horeba ka dakhli
hooseeyay kuwa meheradaha leh ee ladan(negative impact on income
distribution)
Shirkadaha xawaaladaha.
Dhinaca labaad
ee arrintani khusayso waa xawaaladaha, kuwaasoo dawladda u qabanaya lacagta.
Way adkaan doontaa in ay ina siiyaan macluumaad sax ah oo lagu ogaado lacagtii
la soo diray, waayo waxay ka baqanayaan in la ogaado xaddiga lacagta ay soo xawilaan taasoo sidaynu
ognahay immikaba dawladdu dhibaato kala kulanto inay ogaato tirada lacagta
dhabta ah ee ay soo xawilaan xawaaladuhu, si looga qaado cashuurta loo yaqaan cashurrta
daqliga(income tax). Haddi ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta ay
dawladda u soo direen qurba joogu marka mashruucani hirgalo, waxay ka baqanayaan
in aynu xisaabin karno lacagta guud ee ay soo xawileen dabdeedna ay halkaa ku
dhammato dhibatadii kala haysatay iyaga iyo wasaaradda maaliyadda. Haddii boqol dollar oo kasta qofka qurba
jooga ahi soo raaciyo hal dollar oo kaliya, oo aynu ogaano wadarta lacagtaas, waxa si sahlan loo xisaabin
karaa lacagta guud ahaan xawaaladduhu soo xawileen. Shirkadaha xawaaladuhuna ma aha qaar intaa aan
fahmayn, sidaa darteed waxan qabaa in
aanay xaggooda ka suuragalayn in ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta
qaadhaanka ah ee la soo diray. Haddii ay sidaasi dhacdana, waxay noqonaysaa in
aynu iyaga marti uga noqonno inta lacag
qurbo- joogu dawladda u soo direen, si la mid ah sidii awalba w.maaliyaddu ugu
qasbanayd in ay la xaajooto xawaaladaha si ay uga qaaddo cashuurta.
Muwaadiniinta.
Ugu danbayntii
dhinaca saddexaad ee mashruucani khuseeyo
waa muwaadinka taasoo arrintani ay keenayso saamayn aan fiincayn oo caddaalad
darro ku ah muwadiniinta lacagta soo diraya, maadaama lacagtu ay ka imanayso dad u badan
danyar oo qurbaha jooga, isla markaan ay ku dhacayso shirkado xawaalado
oo marka horeba ladnaa ama si kale haddii aynu u dhigno, maadaama lacagtu ka imanayso dad fara badan oo
baahsan isla markaana ay ku soo dhacayso gacmo tiro yar oo ah mulkilayaasha xawaaladaha
taasi waxay keenaysaa in la sii kala fogaado xagga qeybsiga dakhliga(inequality
gets worse by the project). Bal ka
warran haddii aniga immika qof kasta oo muwaadin ahi ii soo diro hal dollar,
saw daqiiqad ku taajiri maayo!!!! Waxaba
aan soo jeedin lahaa inta aynu wan weyn subag ku shubayno, in aynu isla
qaadanno mashruuc aynu maalinba muwaadin inaga mid ah aynu taajirino; aan
waliba codsigayga raacsadee, aniga ha la iigu horreysiiyo sacadutul wasiir!!!!!!!!!!
Sidaa
darteed waxan ku soo koobayaa talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa, ee aynu isaga nimaadno marka hawlaha ceynkaas
oo kale ah la galayo, waayo ma aha dadka aan xilka haynin in ay u fekeraan in
laga xigo talada waddanka, kuwa talada hayaana ay is xigsiiyaan talada. Waxan
qabaa in arrin walba cidda u ehelka ah ee aqoonta la bidayo ay isaga yimaaddaan
oo ay lafaguraan inta aan laga dhigin sharci ku soo baxa amar dawladeed oo aan
markaas waxba laga odhan Karin.
W//Q: Prof. Abdi Ali Jama.
Abdi
ReplyDeleteThat was a great read!