Maxaa laga sugi karaa hoggaan
mucuurtoon ah?W/Q.Prof.cabdi cali Jamac.
Maamulka iyo
qaab dhismeedka shirkad, haya’ad ama dawlad waa isku mid. Board-ka shirkadda
ama hay’addu wuxu ka dhigan yahay barlamaanka dawladda. General manager-ku waa
madaxweynihii, halka managers-ka laamuhuna ka dhigan yihiin wasiirada
xukuumadda. Haddii laga tagi waayo, garsoorka ayaa ka maqan shirkadaha iyo
hay’adaha, inkastoo la odhan karo iyaga laftoodu waxay leeyihiin guddiyo
anshaxmarin iyo wixii la mid ah.
Si kastaba
ha ahaatee uma baahna in ay garsoor gaar ah yeeshaan waayo garsoorka qaranka
ayaa ka dhexeeya waddanka oo dhan. Hadddii ay dhacdo in is qabsi sharciga la xidhiidha ka dhex dhaco shirkadaha ama hay’adaha, halka
ay isla tagayaan waa maxkamadaha dalka. Sidaa darteed garsoorku wuxu leeyahay
dabeecad gaar ah oo ah in uu u dhexeeyo cid walba, dawlad iyo shicibba. Sidaa
darteed, waxaad halkaas arkaysaa in cid kasta ku shaqayso saddexda dhardhaar ee
fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka.
Haddaba, maqaalkan waxan kaga hadlaynaa dhardhaarka
xukuumadda oo aad mooddo inuu u shaqaynayo ama uu u hawlgalo qaab ka dhigtay
hawlwadeenada xukuumadda, gaar ahaan halka u sarreysa, madaxtooyada, mid mucuurtoon ah, marka aad aragto culayska hawsha ku dhacaysa
masuuliyiintaas oo uu ku jiro
madaxweynuhu. masuuliyiin naftii hayso
oo culayskii ka batay, lagama sugi karo iny u fikiraan si istraatiji ah. Waxa
laga fili karaa oo kaliya inay la tacaalaan maalin walba waxa soo kordha,
taasoo midiba mid masaxayso.
Su’aasha
laga yaabo inaad is weydiinayso waxa weeye: ma iyagaa isugu wacan arrintan mise
duruufo kale ayaa keenay culsyskan xad-dhaafka ah? Si kooban haddii aynu uga jawaabno suaashaas,
waxaynu odhan karaa waxa sababay arrintan waa habka maamul ee soo jireenka
noqday xukumadihii kala danbeeyay, taasoo shimbirtii dhaqaaqdaba aan qasriga
la’aantii waxba laga qaban Karin. Haddii
ay ka tahay wax walba adiga ha kaa go’aanna, taasi waa korriinkeena xagga
garaadka oo aad u danbeeya, maxaa yeelay hawsha meesha taallaa waa mid ka weyn
wax qof iyo laba ka go’a.
Sidee baa
looga bixi karaa mashkiladdan? Waxay ila tahay sida looga bixi karaa waa
macruuf laakiin innaga oo kale inooma sahlana. Taas macnaheedu ma aha lama
samayn karo. Qaab dhismeedka maamul ee
Shirkad, hay’ad ama xukuumad wuxu u qeybsamaa heer sare, mid dhexe iyo mid
hoose. Afka ingiriisiga waa: strategic
level, supervisional level and
operational level. Labada hoose ayuu
culaysku ku dhacaa, taasoo keenta in xagga sare ay hesho fursad iyo waqti ku
filan si ay u gudato qeybta ay shaqada ku leedahay oo ah in ay dejiso
istriraatijiyadaha, xeeladaha iyo diyaarinta xeerarka waddanka lagu
hoggaaminayo. Taasi innaga oo kale oo xero- ka- bax ah inooma dhib yara.
Waxay u
baahan tahay in la soo celiyo iimaanka iyo kalsoonida ay dadku ku qabaan heerarka
hoose iyo dhexe ee maamulka taasoo beri
hore luntay. Si loo soo celiyo kalsoonidaas waxay u baahan tahay in si taxadir
leh loo soo xusho kaadir hufan, karti iyo aqoonna leh ka dibna awood la siiyo. Taasina
waxay u baahan tahay in la dejiyo qaabdhismeed is jeeg garaynaya, taasoo
suuraglinaysa in masuul kasta ay jirto cid looga ashkatoon karo. Dadkeennu
waxay moodaan in maxkamadaha oo kaliya laga qaato ambiilka, laakiin sidoo kale
go’aanada maamulkana waa laga qaadan karaa. Haddii tiro kala sarreysa oo
dadkaas hufan ay isku raacaan go’aan idaariya, waa in sidaa lagu socodsiiyaa.
Halkaas
waxaad arki kartaa in ay arrintani u baahan tahay mashruuc dib u habayn ah oo
dhidibada loogu aasayo maamul hawl kar ah oo wax tar ah. Haddaan lagu dhiirran oo
immika la bilaabin waa qabyo ina sugi
doonta. Waxan rajaynayaa in aynaan caruurtieena u dhaafi doonin hawshaas, saa
inta kale ee sugaysa ayaaba ciiddaas ka badan.