Maxaa ugu Qiimo iyo Qaayo Weyn?W/Q:Prof.
Abdi Ali Jama.
Ma dahabkaa,
ma dheemantaa, ma moodkaa mise waa noolka. Intaa midna ma aha ee waa dadka. Foqorka ugu xun waa ka dadka.
Haddii aad qani ka tahay xagga dadka, wax subaxaa saaka ah kaa maqan ma jirto. Sidaa
darteed waa in aynu tacabka ugu badan galino dadka gaar ahaan dhallinta, rag
iyo dumarba.
Waxa laga
yaabaa inaad su’aal is weydiinayso. Talaw ma tirada dadka ayuu u jeedaa mise
tayada. Runtii labaduba waa muhiim. Laakiin, aniga aragtiyada, waxa horraysa
tayada. Haddii aanad labada isku helayn tayada raac. Haddii aad isku heli
karayso labadaba ka sii fiican. Xagga cilmiga dhaqaalaha, labaduba macno weyn
bay sameeyaan. Tirada badani waa suuq, dhinaca kalena waa xoog wax soo saar.
Laakiin, haddii jeebku ka xun yahay, ceydhi suuq kuu noqon maso, saa waxba ma
haystaan; sidoo kale, haddii aanay waxba baran, xooggoda laftiisu waa bar kuma
taal. Taasi waa sababta aan u I idhi, tayada raac haddii aanad labada isku
helayn.
Waxaynu wada
ognahay waddamada dunidu inaanay sinnayn dhincac kasta oo laga eego. Shaki la’aan, waxa is dhaafiyay waa tayada dadkooda (marka aynu tirada iska dhaafno) ee
ma aha qaaradda ay ku yaallaan, ama indhahooda oo kala waawayn ama kala yaryar.
Japan ma aha waddan ku yaal Yurub. China oo immika soo baxdayna ma aha caddaan.
Waxa laga
yaabaa in aad is weydiinayso su’aashan:
maxaa looga jeedaa waxa la isku dhaafay waa dadka. Miyaanay sagaal
bilood ku wada dhalan dadku? Waa runtaa, laakiin tayada dadka ayaan isku mid
ahayn. Tayadaasina wax kale ma aha ee waa Tacliinta iyo rabbaayada oo lagu kala
horreeyo. U fiirso maynaan odhan tacliin oo kaliya.
Rabbaayadada
ayaa ka muhiimsan tacliinta. Iyada waxbarashada garanay oo waxa laga helaa
dugsiyada iyo Jaamacadaha. Rabbaayadda iyada xaggee laga helaa. Waa dhaqan soo
jireen noqday oo facyada kala danbeeyaa isu gudbiyaan. Oo maxaa ka mid ah?
Waxaa ka mid ah shaqo jacaylka, run sheegga, daacadnimada, ixtiraamka iyo
xaqdhawrka. Halka ummadi milgahaas isu gudbinayso, ummad kalena waxay isu
gudbinaysaa shaqo nacayb, been sheegid, khiyaamo, xaqdhawr la’aan, damaacinimo
iyo wixii la mid ah.
Dhaqanadaas
aan kor ku soo sheegnay xaggee la isu mariyaa marka la isu gubinayo. Casharadan
la isuguma dhigo sabuurad, wacdi iyo waanana waxba kama tarto. Waxase la isugu
gudbiyaa ficil iyo dhaqanka qofba qofka kale uu ka arko . Waligaaba I wacdi oo
I waani, anigu waxan daalacanayaa ficilkaaga ee qawlkaaga dheg u dhigi maayo.
Laakiin,
waxbarashada iyadu waxay kaga duwan tahay waxa la isugu gudbiyaa qalin iyo buug
ama wax sheegid. Iyada lafteeda, waa waxbarshada’e, waa ta la isku dhaafay,
laakiin haddii aanay wehelin rabbaayaddii ama barbaarintii saxda ahayd, iyada
lafteedu waa hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa ugu qiimaha iyo qaayaha weyni
waa rabbaayadda oo ah dhaqanka dadkaasi leeyahay.
No comments:
Post a Comment