Waa Maxay Hoggaamintu? W/Q. Prof. Abdi Ali Jama.
Hoggaamintu
waa iyadoo la isku dayo in la xaqiijiyo ujeeddooyin cayiman tiiyoo la hawlgalinayo dad. Sida ka
muuqata qeexdan, marka hore waa inay jirtaa ujeeddo iyo higsi la gaadhayaa.
Taasi waxay keenaysaa in la samaysto qorshe istiraatijyadeed(Strategic Plan)
iyo miisaaniyad(Budget). Haddii aanay jirin intaas aan kor ku soo sheegnay
markaa wuxu xaalku noqonayaa waraabe dhankii loo eryaaba waa u toos.
Waxa kale oo
ka muuqda qeexda kor aan ku soo sheegnay in waxa la hawlgalinayaa ay yihiin
banii-aadam. Waxa xoogga la saaray dad.
Qeexdan lama xusin kheyraadka kale ee maadiga ah ee la hawlgalinayo.
Sababtu waxa weeye xataa haddii dadku ama waddanku aanu lahayn kheyraad kale
ama adduun kale, weli dadku waxay u baahan yihiin hoggaamin. Haddii dad la
hayona, adduun ha yaraado ama ha
badnaado’e waa jiraa.
Arrinta ugu
muhiimsan ee hogaamiyaha u taallaa waa sidii uu isu cunsiin lahaa ujeeddooyinka
uu rabo in la gaadho iyo kheyraadka weyn ee loo yaqaan dadka ee markaa uu
haysto. Taasi ma hawlyara, qofkastaana ma hoggaamin karo banii-aadam waayo ma
aha waxaynu ka hadlaynaa maamul(managament) ee waxaynu ka
hadlaynaa(leadership). Inkastoo labadu wadaagaan waxyaalo badan, haddana aad
bey u kala duwan yihiin.
Astaamaha hoggaamiyaha
waxa ka mid ah: indheergaradnimo(visionary), aftahanimo(eloquence), soo
jiidasho(charisma) iyo qaar kale oo badan. Laakiin intaas oo dhan isagoo leh,
haddii uu ku guuldraysto inuu helo kalsoonida dadka wey adag tahay inuu ku
guuleysto hoggaamiyuhu hawshiisa hoggaaminta.
Maxaa yeelay sidaynu qeexda ku soo sheegnay waxa la hawlgalinayaa waa
bashar. Dadkana haddii aad weydo kalsoonidooda kuma hoggaamin kartid
ujeeddoyinka aad higsanayso. Markaa waa in aftahinimadaada, heybadaada iyo
indheergaradnimadaada aad ku heshaa kalsoonida dadka. Haddii ay kuu jari waydo
intaasoo dhami kalsoonida dadkaaga, waxaad noqonaysaa hogaamiye aan loo qorin
inuu najaxo.
Taasi waa ta
keenaysa in xidhiidhka ka dhexeeya hoggaamiyaha iyo dadkiisu uu noqdo mid
dareen caadifadeed ku dheehan yahay sida labada qof ee jacaylku ka dhexeeyo.
Taasi macnaheedu waxa weeye ummadu hoggaamiyaheeda wey caashaqdaa isaguna sidoo
kale wuu jeclaadaa iyada. Markay is
doortaana waa sidii laba is jeclayd oo is guursatay. Xidhiidka noocan oo kale
ahi waa mid ku dhisan kalgacayl iyo ujeeddo mid ah. Waxa jirta hal khatar oo haddii labada dhinac
iska jiri waayaan, xidhiidhkani noqonayo mid cimrigiisu soo gaabto. Taasi waa
khiyaamada ama daacad darrada. Sidaa darteed hoggamiyuhu intuu daacad yahay,
wuxu heli karaa kalsoonida dadkiisa, taasoo haddii kale uu halkaas ku waayoyo
joharadda ugu qaalisan….Kalsoonida.
Prof. Abdi
Ali Jama.
No comments:
Post a Comment