Waa intaas oo loogala sii dhawaado
uun; W/Q. Prof. Abdi Ali Jama.
Waxa muuqata
in aynu dhabadii jabsanay oo doorashadu immika aanay ahayn wax innagu adag
ficil ahaan. Maaliyad ahaan lafteeda waxan qabaa in aynu samayn karo oo aanay
jirin sabab aynu gacanta u hoorsano shisheeyaha si ay inooga caawiyaan
qabashada doorashada. Waa arrin ceeb iyo gunnimo ah in aynu sugno gacantaas
maadaama waxa laga hadlayaa ay tahay doorashadaadii oo ah gobonimadaadii iyo
madaxbanaanidaadii(sovereignty).
Dhinaca kale,
waa markii labaad ee aynu qabsano doorasho gole degaan taasoo immika gabogabo
ku dhaw. Taasi waa isku day fiican. Waa intaas oo loogala sii dhawaado uun,
sidii uu yidhi odaygii wiilkiisa rabay inuu sii dhiirigaliyo.
Si kastaba
ha ahaatee, markaad dheehato natiijada xildhibaanada ka soo baxay xisbiyada
waxaad arkaysaa in xisbinamadii la dabamarteeyay(circumvented) oo loo
xuubsiibtay reernimadii. Haddaba waxaynu
u baahanahay in haddana mar kale aan u fikirno sidii aynu jidgooyo ugu geli
lahayn qabyaaladda dabin ka boodka ah. Haddii aynu u khadidno waxan qabaa in la
quusin karo si aanay mar danbe dhabarjebin tan oo kale ah u suurtoobin
qabyaaladda iyo kuwa ku adeegta. Laakiin taasi waa haddii iyo haddii loo fikiro
iyadoo daacad laga yahay.
Markaynu
runta isu sheegno, waa bilaw arrinkeenu oo fari kama qodna. Laakiin waxaynu u
baahan nahay in aynu helno ka sakaw siyaasiyiinta kursi doonka ah, cid inoo
fikirta oo musdanbeed(Think tank) inoo
noqota oo aan hunguri siyaasadeed lahayn. Ma jiro adduunka waddan tisqaaday oo
dawladnimadiisu adkaatay oo aan lahayn musdanbeedkaas aan kor ku soo sheegnay.
Qalad hayga
fahmin. Uma jeedo siyaasiga looma baahna. Waxan qabaa in uu ku jiro kaalin loo
baahan yahay. Si kastaba ha ahaatee, haddana laguma wada aamini karo aayaha
waddanka oo dhan.
Taas waxa u daliil ah waddamada hanaqaadaay
ama tisqaaday. Tusaale: Japan, China and USA. Ma kula tahay Mr Bush iyo Obama ayaa waddanka mareykan lagu
wada aaminay aayahiisa. Xaqiiqadu waxay tahay in ay yihiin jilayaal fiican oo
fuliya ujeeddooyinka istiraatijiga ah ee ay degaan ama miiqaan musdanbeedkaasi.
Ma aha
ciddaasi siyaasiyiin congress-ka ku jira ama senat-ka , inkastoo qaarkood ay ku
jiri karaan. Waxay u badan yihiin cid aan siyaasiyiin aheyn oo ku xidhan ama
leh maxadyo cilmi baadhiseed oo inta badan hilaadiya mustaqbalka iyo sidii
looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan waddankooda .
Prof. Abdi
Ali Jama.
No comments:
Post a Comment