Siyaasaddu ma wasakhadbaa? W/Q: Prof. Cabdi Cali Jamac.
Jawaabtu waa haa iyo maya. Siyaasaddu ma aha
wasakh asal ahaanteeda laakiin waxa sahlan sida ay u wasakhowdo, waxanay ku xidhan tahay qofka siyaasiga ah qiimigiisa, aqoontiisa ama daacadnimadiisa iyo nidaamka
maamul wanaagga ee xakamaynaya ama hagaya.
Siyaasadda
aan ka hadlayaa waa waxa loo yaqaan afka ingiriisiga Politics. Kama hadlayo waxa la yiraa policy. Waa laba aad u kala duwan. Tan danbe iyada lafteedu marka
afkeena loo turjumo waa siyaasad uun, laakiin micnaheedu waxa weeye: habka loo maro si loo xaqiiyo ujeeddo cayiman.
Waxa ay isku macno dhaw yihiin strategy
inkastoo farqi yari u dhaxeeyo. Intaa waxa dheer, mararka qaarkood erayga policy waxay noqotaaba xeer ama sharci. Si kastaba ha ahaatee, macnaheedu
waxu ku xidhan yahay kolba
dulucda laga hadlayo.
Tan aan
qormadeenan kaga hadlaynaa waa waxa loo yaqaan politics oo halkan macnaeedu
yahay hogaaminta ummad ama waddan ama u tartankeeda. Markaa
cinwaankeena haddaan u soo noqonno wuxu
noqonayaa micnihiiusu: politicsku ma
wasakhbaa ama hogaamintu ma wax xun baa?.
Waxan
filayaa in jawaabta weydiintani immika fududaatay ka dib markii aynu yara
buhabuhaynay waxay tahay siyaasadi ama innagu waxaynu halkan uga jeedno. Sida
aad garan karto siyaasaddu ama hogaamintu ma aha wax sideeda u kharriban;
sideebay u noqon kartaa wax xun iyadoo hoggaamintu ah waxa wax lagu hagaajiyo
ee dadka lagaga raro guri cas aan baad iyo biyo toona lahayn ee loogu guuro
meel barwaaqo iyo badhaadhe leh.
Su’aashu
waxay tahay haddaa maxaa had iyo jeer loogu tilmaamaa inay tahay wax aan
fiicnayn oo wasakh ah? Waa run oo magac ama naanaysi ciyaar ciyaar kuma baxo’e
wax baa ka jira in ay tahay wasakh, maxaa
yeelay sida iyada iyo saaxiibkeed u leexdaan ee u dhooqoobaan baa sahlan. Oo
waayo?. Waa weydiin aad fu fiican.
Jawaabtu
waxay thay meesha waxa la hogaminayaa waa dad, waxa wax hoggaminayaana waa dad,
meesha waxa la maamulayo ee la meelaynayaa waa adduun, awood iyo sed ama
fursado. Haddii siyaasiyiintii dad yihiin, waxa meesha yaallaan xoolo, awood
iyo fursado yihiin, saw garan maysid bani’iidam iyo damacii.
Taas aan kor
ku soo sheegnay waxay keenaysaa in
hogaamiyaasha dunida saddexaad ee maamul wanaagga ka qatan ay meesha ku
wasakhoobaan waayo ma jiraan wixii
maamulka ama hoggaaminta toosin lahaa. Markaa sidaas bay ku dhooqoobaan inta
badan marka ay waayaan wax ka qabta waxa ay dhex dabbalanayaan. Waxaad arkaysaa
uun ninkii weynaa oo isku dhammooqay qudhun iyo wasakh oo haddana dadkii oo arkaya ku leh miyaanan xariir ahayn, side
baa wax idinka noqdeen?!!!!!!!!
W/Q. Abdi
Ali Jama
Abdiali.blogspot.com
No comments:
Post a Comment