Aan kala xadayno si aayatiin loo
helo. W/Q: Prof. Cabdi Cali Jamac.
Halkeebay
siyaasaddu ka bilaabantaa, halkeebayse ku dhammaataa? Halkeebaa xirfaddu ama shaqadu ka
bilaabantaa, halkeebayse ku egtahay? Waxa jirta in aynu waddankii oo dhan, laga soo bilaabo halka u sarreysa illaa
waardiyaha ku dhammooqnay siyaasad.
Ma inkirayo
in hay’adda shaqaaluhu daddaal ugu
jirtay siddii shaqaalaheenu u noqon lahaayeen kuwo lagu soo xusho aqootooda
laakiin waxa jiidhay oo hafiyay dhaqankeena tusmada ku dhisan ee indhaha la’
kaasoo aan dheg u dhigayn hay’ad shaqaale iyo cid kale toona. Arrinku
waa wixii miyir qababa la hadal!!!!
Qaladku ma
aha mid immika bilaabmay ee waa soojireen illaa intaan garanayo. Waxa qalad ah
in laga bilaabo Agaasimo guud iyo wixii ka hooseeyaha ee shaqaalaha dawladda ah
in loo eego siyaasad sida xisbi ama reer. Waxay ahayd runtii ama immikaba la
rabaa in laga bilaabo heerkaas aynu soo sheegnay lagu soo xusho qofka
muwaadinka ah xirfadiisa iyo waxa uu yaqaanno ee aan wax kale loo eegin.
Sidaynu wada
ognahay agaasimayaasha guud waxa loo magacaabaa sida wasiirada iyo wasiir
ku-xigeenada. Waxayse ahayd sid saxda ahi in agaasimaha guud uu noqdo qofka ugu
sarreeya shaqaalaha meesha jooga marka laga eego xagga khibradda iyo tacliinta
labadaba. Farqi weyn baa u dhaxeeya isaga iyo wasiirka oo ah qof siyaasi ah. Wasiirka
waxa lagaga danbeeyaa oo lagu ixtiraamaa waa madaxweynaha soo cugtay ee
wareegtada ku magacaabay, markaa waa mid haybadiisa ka soo dheeganaya ta
madaxweynaha, laakiin agaasimaha guud waxa lagu qaddarinayaa oo shaqaalaha oo
dhan iyo dadweynuhuba kaga danbeynayaan waa aqoontiisa iyo khibradda uu u
leeyahay shaqadan uu hayo.
. Laakiin
haddii ay sheekadu noqoto qof siyaasi wax ka dhigo mooye, qof kale oo wax
noqonayaa ma jiro. Taasi waa gef aayatiin xumo ina dhaxalsiinaya. waxa jira dad
badan oo aan rabin in ay siyaasadda galaan laakiin jecel in lagu ixtiraamo
aqoontooda, shaqsiyaddooda iyo kartidooda. Halkan ma mooddaa in siyaasigu rabo
inuu dadka oo dhan wada gumeeyo oo aynu dhammaanteen ku faruur xidhnaano isaga.
Taasi waxa kale oo ay dad badan ku kallifaysaa in ay siyaasadda galaan sidii
gabaygii “rag siyaasi wada noqay” uu cabbirayay. Sababtana innagaa leh oo
waxaynu abuurany qiimi(Values) odhanaya waxa wax lagu noqdaa waa siyaasadda
inaad ka muuqato. Waar anigu waxan odhan lahaa qiimayaal kale aynu samayno
maxaa yeelay waddanku wuxu u baahan yahay xirfadlayaal, mutacallimiin,
ganacsadayaal hal abuur leh, shaqaale hoose iyo kuwa saraakiil ah iyo ciidan
aamminsan shaqadooda oo aan u hanqal taagin siyaasad xataa haddii loo soo
bandhigo fursadda. Tusaale, waxa la
rabaa(Ideally) sarkaal militari ah oo iimaansan shaqadiisa ciidannimo oo xataa
haddii ay soo marto fursad uu inqilaab ku samayn karo aan samayn isagoo fali
kara sidaa. Tusaale kale, waxan la rabaa bare sare oo jamacadeed ama professor
aqoonta ku wadhwadhay oo ka santaagaya siyaasadda wasakhda ah kaasoo caashaqsan
aqoonta iyo cilmi baadhista si uu u noqdo marjaciyad kan siyaasiga ahi wax weydiiyo oo talada ula
noqdo isagoo aan ka baqayn inuu damco booskiisa.
Dhinaca
kale, waxan runtii aan innagu bogaadinayaa in aynu mid garanay; taasoo ah in
shaqaalaha dawladdu aanay ololaha siyaasadda xisbiyada ka muuqan, kii ay
doonaanba codka ha siiyaane. Inkastoo taa lafteeda aanay sidii la rabay u
fulin, haddana aragti ahaan waxaad mooddaa in
aynu isla qaadannay laakiin dhaqangalintii ayay dhibaato ka taagan
tahay; middase inoo dhuumatay waxa ay tahay shaqaalaha gaar ahaan saraakiisha
xafiisyada oo aynu ku xulanno ficil ahaan tusmo reereed.
Maalin dhawayd ayaan waxan ku idhi nin aanu
saaxiib nahay, waar ninkii hebel ee bilayska ahaa shaqadii ma lagu celiyay.
Markaa wuxu ahaa ninkani nin aqoon iyo khibrad u leh bileyska oo marna jago
sare hayn jiray laakiinse laga qaaday oo buulka la dhigay. Wuxu iigu jawaabay
waar mayee waa kii taliyihii bilaysku ku yidhi afar reerkiina ah ayaa meelo
sarsare jooga’e ma idinkaan meesha idinku taxaa. Kalmadahaasi aniga si gaar ah ayay ii
damqayeen, laakiin saaxiibkay daw buu u arkayay. waayo haddii bilayskii oo ah xirfad ama shaqo
u baahan aqoon, tababar iyo khibrad
ay dheer tahay hufnaan aan lagu salleyn sifooyinkaas, maxaan sugaa ee hadhay, akhriste, aan adiga ku su’aale. Ta kale, aniga waxay ila tahay in marka hore
si qaldan loo qaatey waayo haddii si sax ah loo qaato way adag tahay siday
isugu soo beegmaan afar isku qoys ah oo ugu sarreeya meel.
Bal
sidii la doonaba ha lagu soo xulo wasiirada ;ama qabyaalad ha lagu soo xulo ama
gobol, ama saaxiibtinimo, inkastoo halkan lafteeda aan jeclaan lahaa in degaamo
iyo gobollo lagu saleeyo, haddana bal taasi waa siyaasad oo waa yeelkeeda’e,
maxaynu shaqada iyo shaqaalaha ula daba soconaa
tusmada iyo qabyaaladda. Ma waxaynu rabnaa in aynaan waligeen boodhka ka
kicin oo aynu galgalimadaa fadhino!!!!! waar miyaynaan aayo ka damcsanayn
waddankan!!!!!Waar miyaynaan rabin in aan dhaxal uga tagno caruurteena!!!!!, ma
waxaynu nahay macaan jecel eegta uun dhadhamada maanta, mise waxaynu nahay ciil
kama korihii la sheegi jiray ee aan waligii tashan jirin. Ma sidaas baa innaga
bes ah oo garasho ayay innaga tahay. Fili maayo , ee waynu is hagranaynaa!!!!!
Taas sare
waxan uga jeedaa, marka laga yimaaddo wasiirada iyo wasiir ku xigeenada, wixii ka hooseeya laga bilaabo agaasimah guud, haddii aynu ku xulanno aqoon,
khibrad iyo karti, waxay taasi dhiirigalinaysaa dhalinta doonaysa in ay
dadaalkooda meel ku gaadhaan. Waxay keenaysaa in ay wax bartaan, oo u dhabar adaygaan jidka dheer ee tacliinta,
marka danbe ee shaqada la qorona ay u adkaystaan oo u sabraan jidka dheer ee
jaranjarada shaqada isagoo og in waxa uu ku dallacayo iyo wuxu halka ugu
sarreysa ku gaadhayaa ay tahay dadaalkiisa iyo aqoontiisa. Markaa, akhriste, aayaha aan sheegayaa waa kaas. Haddii la diido
oo la yidhaa wiilkii ama gabadhiiba mid reerkiina ah ayaa qeybtaa heysta ee
adigu iska joog isagoo u qalma meeshii, ka dibna booskii madhnaa loo sadqeeyo
mid reer hebel ah, waa kii meesha reerkoodu ka maqnaaye, kaasoo ay dhici karto
in aanu u qalmin booskii dhan kasta marka laga eego, ogaada foosto gun la’
ayaynu dhaaminaynaa. Ubadkeenana dhaxalka aynu uga tagaynaa waa in ay bartaan
afminshaarnimada, qabyaaladda iyo qabqablaynta; maxaa yeelay, waa dariiq gaaban
oo kuwii ka horreyay ku ceesheen oo maal iyo mansabba ku heleen. Maxaa
daalinaya isaga ee jidka dheer ee tacliinta iyo jaranjarada dhibka badan ee
shaqada uu uga baahan yahay.
W/Q: Prof.
Abdi Ali Jama.
Profabdiali.blogspot.com