Reer xamarkaw, ma aha sidaas. W/Q:
Prof. Abdi A. Jama.
Miyaanay dhici karteen in xaggiina ba ay ka
timaaddo aan iska kala tagno!!!! Haa…….haa…Annaga ayaa go’aansanay oo ku adag
in aan la soo noqonno dawladnimadayadii
oo madax bannaan. Haddii aan nala icitiraafin illaa immika ma aha , wax sidaad
mooddeen, annaga gaar noo ah. Waa arrin
idinkaba idin ku dhici kari lahayd, haddii aad halkayaga oo kale taagan tihiin.
Haddii hindisaha gooni isu taaggu idinka xaggiina ka iman lahaa, Matalan,
suuragal idiin may ahaateen marka la eegayo sharciga caalamiga ah in aad iska
tagtaan. Macnaha, Hargeisa iska may daan jari karteen illaa dadka Hargeisa
idinka yeelaan. Si kastaba ha ahaatee,
immika Hageisa ayaa codsigu ka yimid in ay iska jarto Muqdisho. Lamana icitiraafin
wali, markaa maxaa ku jaban?
Makaan intaa
sare idhaa, ma aha inaan ka xishoonno inaan idin weydiisanno in aan iska tagno,
idinkuna ma aha inaad is mooddaan inaad cid wax dheer tihiin maadaama wax la
idin weydiistay. Maxaa yeelay, arrinku wuxu noqon karayay sidan lidkeeda.
Tusaale ahaan Moosko oo xaurun ama caasimad u ahayd dawladdii weyneyd ee
Sovietkii buruburay, markii ay rabtay in
ay iska jarto jamhuuriyadaha kale, is ka may tagin uun ee mid kasta waxay la
gashay heshiis ah aan iska kala tagno. Haddi aanay sidaa yeelin suuragal umay
noqoteen Moscow In ay iska tagto oo iskaga dhawaaqdo dawlad gooninya. Maxaa yeelay,
taasi waxay ka soo horjeedda curfiga qeynuunka dawliga ah.
Markaas ,
waa wax iska caadi ah in sidan loo macaamilo oo lays weydiisto aan iska kala
tagno, laakiin waa mid subxaanalah, haddii dhinaca kale qalad fahmo oo uu u
qaato in fadli uu dheer yahay kan kale awgiis wax loo weydiisanayo. Waliba reer
xamarku in ay sidan qaldan u fikiraan oo ku saaqidaan fahanka sheekadan aad bey
ugu nugul yihiin. Markaan arday ka ahaa Muqdisho muddo shan sano ah, waxan
fahmi karaa sida ay u fikiraan. Xataa marka sheeko caadiya uu ka sheekaynayo
qofka reer xamarka ahi waxa ku jirta hadal micnihhiisu yahay cid baa laga
takhalusay, loo dhammeyay, aakhiro loo diray IWM. Markaa waxad fahmi karta in
ay nolosha u arkaan meel lagu kala aargoosto oo lagu kala reeyo. Waa sida aan u
qiimeeyay anigu. Waanan qaldanaan karaa. Dabcan, waxa laga hadlayaa, had iyo jeer, waa isku celcelis ee lama caam yeeli karo,
maxaa yeelay waxa jira dad badan oo fiican oo reer xamar ah.
Dadka u
fikiraya sidaa aynu kor ku soo sheegnay, waxay si qaldan u fahmi karaan
qadiyadda Somaliland. Ma aha inay dafirayaan midawgii aynu wada galay inagoo
laba dawladood ah oo kaliya, laakiin waxay u fahmi karaan weydiisashada aynu
nidhi aynu iska kala tagno in ay iyaga u tahay guul iyo awood , innagana guul
darro iyo jilayc. Taasi waxay keenaysaa in ay is adkeeyaan oo ay u qaataan in
ay wax gaar ah Muqdisho ay Hargeisa u hayso. Nassib darro , tani waxay
keenaysaa in Somaliland ay weydo cid ay la xaajooto oo garawshiiyo leh. Taasi
waa sababta aan u qoray maqaalkan. Waxa la arkaa in kuwooda wax bartay ee ka
xoroobi kara dhaqanka fikirka liita, in ay inoo soo joogsadaan oo ay u caqli
celiyaan kuwo kale.
Ugu
danbeyntii, Hargeisa waxba uma hayso
muqdisho, Muqdishona waxba uma hayso Hargeysa. Waa wax iska caadi
ah oo dhex mara banii’aadamka. Shalay
waxay ahayd aan midowno, maantana waa ma iska kala tagnaa. Midkeen uun baa
bilaabi lahaa, markaa ka kale waa inuu si masuuliyadi ku jirto ula shaqeeyo kan
kale. Haddii kale dariiq adag ayaynu labadeenuba afka saari doonaa. Bal weydii
taariikhda sida arrimahan oo kale ku
danbeeyaan haddii si masuuliyadi ku jirto labda dhinac u wada shaqayn waayaan.
Dheegasho: www.profabdiali.blogspot.com
Magac-qalin:
Abdo
No comments:
Post a Comment