Somaliland iyo Kala kaca siyaasadda
Somaliya.W/Q:Prof.Abdi A.Jama
Shaki kuma
jiro in wadahadalladii London, Dubai iyo Ankara ay yihiin kuwa taariikhiya oo
aan rajaynayno in ay ku dhammadaan guul dhinac kastaba ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa soo ifbaxday in dhinacyo ka mid ah
dawladda Somaliya oo aan ahayn reer Banaadir ay ka biyo diideen sida
wadahadalladu u socdaan. Dadkani waxay ku andacoonayaan in Somaliland loo
sameeyay waxyaalo aanay ahayn in laga yeelo. Iyagu waxay malaha u fadhiyeen in
si duuddub ah oo degdeg ah loogu sheego Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah
Somalia, midnimada Somaliyana muqaddas tahay. Sidaasna muu samayn wafdiga
Somaliya ee Ankara tegay.
Haddaba, muxuu
daaran yahay warwarka ciddan aynu kor ku soo sheegnay? Runtii, aniga aragtiyada,
wuxu warwarkoodu la xidhiidha laba arrimood . Waa ta hore, in wadahadalladani
ku dhammaadaan arrin aanay jeclayn oo ah Somaliland oo gooni isu taagta. Waa ta
labaade, in haddiiba ay ka badbaadaan qalladaa ama ballaayadaa hore (gooni isu
taagga), waa sida ay u arkaane, in dawladda Somaliyeed ee mustaqbalku noqoto
mid isu booddo ah—South-North arc—taasoo ka shidan ama ka nool Muqdisho iyo
Hargeysa, halka waddanka intiisa kale uu noqonayo soo raac—Annex-- waa sida ay
u arkaane.
Si aanay u
dhicin ama ay uga hortaagaan suuragalnimada labadaa arrimood ee aynu kor ku soo
sheegnay, waxay ciddani bilawday in ay ku eedeeyaan dawladda Somaliya in ay
meel kaga dhacayso nidaamkii fedraalka ahaa ee lagu heshiiyay iyagoo u u jeeda
wa mare: marka Somaliland loola xaajoodo
sidii dawlad madax bannaan waxa meel lagaga dhacay federaalkii maxaa yeelay
waxay ahayd in loola macaamilo sidii gobol ka mid ah Somaliya. Wa marka kale’e:
haddiiba Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Somaliya, wali ma aha in la siiyo
ahmiyad ka badan tan gobolada kale, macnaha in meesha laga saaro in Somaliland
ay lixdankii ahayd dawlad gooniya oo ku soo biirtay Somaliya, balse loo arko
gobol la mid ah Kismayo ama Baydhabo oo kale’e, si aanay meesha u iman
jeegaanta waqooyi-Konfur ee ay ka dabin dhawrayaan.
Waxan u
sheegi lahaa ciddaas kor aan ku soo sheegay:
Waa ta kowaad’e, Caqliyadda aad ku fikiraysaan waa mid gabawday ama waqtigeedii
dhacay, maxaa yeelay, haddaan tiina idiin raaco, labada arrimood ee aad ka
baqanysaan, waa ta hore’e, haddii wadahadladu ku biyo shubtaan ictiraafka
Somaliland, taasi idiin ma dara oo ma ha sida moodaysaan, maxaa yeelay bal is
weydii oo maanta Djibouti ma dhib bay kugu haysaa. Bal iskaba daaye, Somaliland baa kaaga sii fiicnaanaysa, waayo
iyada waxbaad ku leedahay. Waa ta labaade, haddiiba la is raaco—dood
ahaan—wixii is doonaya cidina ma kala celin karto, marka doorashooyin la galo
Matalan, waxa dhici karta in reer Garoowe iyo reer Hargeyasa is raacaan sidii
horeba u dhacday markii ay is raaceen A/rashii Ali Sharmarke iyo Ina Cigaal.
Taas macnaheedu waxa weeye wuxu waa siyaasad oo khasab ma aha in laba degaan ay
waligood is caashaqsanaadaan.
Haddii
arrinku sidaa sare yahay, waxan idiin soo jeedin lahaa in aydaan inoo horseedin
balaayo iyo colaado hor leh oo aan Alle ina badin, maadaamaa maanta ninna aanay waxba ka maqnayn.
Waa haddii aynu gar-waaqsannahay inuu dhammaaday cahdigii is muquuninta iyo sadbursiga banii’aadan sameega
ah.
Magac-qalin:
Abdo.
Dheeagasho: www.profabdiali.blogspot.com
No comments:
Post a Comment