Su’aal
la xidhiidha ictiraafkan bilaa xiisaha ah. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.
Ictiraafku
ma masalo siyaasadeed-baa mise waa mid sharci ah. Jawaabtu waa haa labadaba.
Laakiin inta ay tahay masalo siyaasiya ayaa ka badan inta ay tahay masalo
sharci ah. Halkan sharciga aynu ka hadlayaa, akhriste, waa sharciga caalamaiga ah(International law),
siyaasadda aynu ka haldynaana waa siyaasadda arrimaha dibadda(Foreing policy).
Labadoodu waxay isula falgalaan si joogto ah, taasoo marar badan ka dhigaysa
sharciga caalmiga ah mid ku sifooba la jiifiyaana bannaan. Mararka qaarkood
waxa ba aad is odhanaysaa ma jiro wax la yidhaa sharci caalami ah ee arrinkuba
waa dano siyaasadeed oo ay dheelayaan quwadaha waawaayn ee adduunku.
Ictiraafka
Somaliland marka aynu raadinayno ma waxa aynu u marnaa dariiqa sharciga ah mise
ka siyaasiga ah? Jawaabta oo kooban wax weeye: mid kastood raacdo ba, wuxu
arrinku ku biyo-shubanayaa siyaasadda caalamka iyo sida aad ula jaan-qaaddo. Si
kastaba ha ahaatee, waxa fudud dariiqa siyaasiga ah. Maxaa yeelay isagu kula gali
maayo iska hor imaad meletari ama arrimo sharci oo adag. Tani waxay u baahan
tahay in aad la bahawdo qaar ka mid ah dawladaha gobolka iyo kuw caalamka,
kuwaasoo iyaguna dan geo-political ah kaa leh. Laakiin ma sahlana in aad la
bahawdo, waayo waxay arrintani u baahan tahay taxadar iyo calool adayg wadajir
ah.
Dariiqa
sharciga ahi wuxu ku bilaabmayaa in Muqdisho la la hadlo—sida immika la wado.
Taasina waxay ku danbayn doontaa laba mid: waa ta kowaade, in Muqdisho ina aqoonsato. Tani waxay meesha ka saaraysaa
dhibkii ku xeernaa arrinka o odhan. Haddii ay ina diido, tani waxay keeni
kartaa iska hor imaad melatari muddada dheer. Waxana ay dhalin kartaa khasaare
laxaad leh oo soo gaadha labada dhinacba. Waa in laga hortagaa sidii aanay
taasi u dhici lahayn wax kasta oo ay ina kallifayso.
Haddii isku
dhacaasi yimaaddo, waxa dhacaysa in dawladaha shisheeye soo faro-gashadaan
iyagoo ku marmarsoonaya dhexdexaadin. Laakiin tani waxay had iyo jeer dhacdaa
goor labada dhinacba isla baab’een.
Haddaba,
maadaama Somaliland ay ka go’an tahay in ay iska tagto, reer xamarka ayay u taallaa in ay ka leexdaan dariiqaa dhiiga badan iyo burburka
keeni kara. Hadday sidani dhacdo oo la iska hor yimaaddo, arrinku wxu gaadhayaa
heer gobol ama caalami. Waxa lagaga hadli doona OAu iyo jimciyadda quruumaha ka
dhaxaysa. Waxa arrinku xagga danbe ka noqonayaa siyaasad iyo in dawladaha
danaha inaga lihi ay uga faa’iidaystaan sida dantoodu ku jirto, iyada oo laga
yaabo in dhinacyada is haya ay kala taageeraan, xataa meliteri ahaan.
Calaa kulli
xaal, waxay taariikhdu ina baraysaa in arrinka noocan oo kala ahi uu ku
danbeeyo in la kala gurto oo la kala go’o, gaar ahaan marka adduunku soo faragashado.
Maxaa yeelay kala guridda iyo kala goynta ayaa had iyo jeer ka sahlan in la
isku qasbo dad aan is doonayn. Haddii intaa ay fahmi kari waayaan reer xamarku,
gu’ ba may jirin ee aniga ayuun baa iska daalaya.!!!!!!!!
No comments:
Post a Comment