Wali maqaal aad qortay ma lagaa raacay?!!!W/Q: prof.Abdi A. Jama.
Muddo laga joogo qiiyaastii shan
bilood ayaan qoray maqaal. Waana kan hoos ku qoran ee akhriste bal ila eeg:
Warqad furan oo ku socota Wasiirka
Qorshaynta iyo lacagta lagu soo rogayo qurbajooga. By: Dhaqaalayahan: Abdi Ali
Jama.
Salaan ka
bacdi, waxa aan u holladay qalinka si
aan waxooga talooyin iyo iftiimin ah uga soo jeediyo qorshaha qurba jooga laga rabo in ay bixiyaan lacag yar oo
dheeraad ah, markasta oo ay xawaalad soo
dirayaan. Qorshahaas wuxu u baahan yahay in laga baaraandego oo aynu lafagurno
sida uu u hirgalayo iyo saamaynta taban ama togan ee uu ku yeelanayo dhinacyada
uu khuseeyo.
Waxa jira
saddex dhinac oo aasaas u ah hirgalinta mashruucan, kuwaasoo ah xawaaladaha, dawladda
iyo muwaadiniinta lacagta bixinaya.
Anigu waxan qabaa in arrintani ay tahay fikrad qurux badan laakiin
gidaarka waaqaca madaxa ku dhufan doonta marka la is yidhaa fuliya. Bal aan mid
mid u soo qaadanno saddexda dhinac ee mashruucani taabanayo.
Dawladda:
Haddiiba
qurbajoogu u hogaansamo mashruucan, dawladdu ma laha awood farsamo oo ay ku
xisaabin karto lacagta ay qubojoogu soo dhigeen. Tani waxay la mid tahay
cashuurta iibka ee lagu soo rogay illaa hoteelada cuntada taasoo wasaaradda
maaliyaduu aanay haysan farsamo iyo hannaan ay kula xisaabtanto meheradaha,
taasina waxay keentaa in qofkii muwaadinka ahaa laga qaado lacagtii, isla
markaana aanay lacagtaasi wada gaadhin qasnadda dawladda. Taasina waxay ka
dhigan tahay tiiyoo meheradaha loo fasaxay in ay baadhaan jeebadaha
muwadiniiinta marka horeba ka dakhli
hooseeyay kuwa meheradaha leh ee ladan(negative impact on income
distribution)
Shirkadaha xawaaladaha.
Dhinaca
labaad ee arrintani khusayso waa xawaaladaha, kuwaasoo dawladda u qabanaya
lacagta. Way adkaan doontaa in ay ina siiyaan macluumaad sax ah oo lagu ogaado
lacagtii la soo diray, waayo waxay ka baqanayaan in la ogaado xaddiga lacagta ay soo xawilaan taasoo sidaynu
ognahay immikaba dawladdu dhibaato kala kulanto inay ogaato tirada lacagta
dhabta ah ee ay soo xawilaan xawaaladuhu, si looga qaado cashuurta loo yaqaan cashurrta
daqliga(income tax). Haddi ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta ay
dawladda u soo direen qurba joogu marka mashruucani hirgalo, waxay ka
baqanayaan in aynu xisaabin karno lacagta guud ee ay soo xawileen dabdeedna ay
halkaa ku dhammato dhibatadii kala haysatay iyaga iyo wasaaradda
maaliyadda. Haddii boqol dollar oo kasta
qofka qurba jooga ahi soo raaciyo hal dollar oo kaliya, oo aynu ogaano wadarta lacagtaas, waxa si sahlan loo xisaabin
karaa lacagta guud ahaan xawaaladduhu soo xawileen. Shirkadaha xawaaladuhuna ma aha qaar intaa aan
fahmayn, sidaa darteed waxan qabaa in
aanay xaggooda ka suuragalayn in ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta
qaadhaanka ah ee la soo diray. Haddii ay sidaasi dhacdana, waxay noqonaysaa in
aynu iyaga marti uga noqonno inta lacag
qurbo- joogu dawladda u soo direen, si la mid ah sidii awalba w.maaliyaddu ugu
qasbanayd in ay la xaajooto xawaaladaha si ay uga qaaddo cashuurta.
Muwaadiniinta.
Ugu danbayntii
dhinaca saddexaad ee mashruucani khuseeyo
waa muwaadinka taasoo arrintani ay keenayso saamayn aan fiincayn oo caddaalad
darro ku ah muwadiniinta lacagta soo diraya,
maadaama lacagtu ay ka imanayso dad u badan danyar oo qurbaha jooga, isla markaan ay ku dhacayso shirkado xawaalado
oo marka horeba ladnaa ama si kale haddii aynu u dhigno, maadaama lacagtu ka imanayso dad fara badan oo
baahsan isla markaana ay ku soo dhacayso
gacmo tiro yar oo ah mulkilayaasha xawaaladaha taasi waxay keenaysaa in
la sii kala fogaado xagga qeybsiga dakhliga(inequality gets worse by the
project). Bal ka warran haddii aniga
immika qof kasta oo muwaadin ahi ii soo diro hal dollar, saw daqiiqad ku taajiri maayo!!!! Waxaba aan soo jeedin lahaa
inta aynu wan weyn subag ku shubayno, in aynu isla qaadanno mashruuc aynu
maalinba muwaadin inaga mid ah aynu taajirino; aan waliba codsigayga raacsadee,
aniga ha la iigu horreysiiyo sacadutul
wasiir!!!!!!!!!!
Sidaa
darteed waxan ku soo koobayaa talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa, ee aynu isaga nimaadno marka hawlaha ceynkaas
oo kale ah la galayo, waayo ma aha dadka aan xilka haynin in ay u fekeraan in
laga xigo talada waddanka, kuwa talada hayaana ay is xigsiiyaan talada. Waxan
qabaa in arrin walba cidda u ehelka ah ee aqoonta la bidayo ay isaga yimaaddaan
oo ay lafaguraan inta aan laga dhigin sharci ku soo baxa amar dawladeed oo aan
markaas waxba laga odhan Karin.
Haha, Abdi did you get into trouble for going against the Ministers idea?
ReplyDelete