Haddaba, maxaa kiciyay shidaalka (Q.
2aad). w/q: Prof. Abdi A. Jama.
Maadaama
meeshii uu tartan jiro, kaasoo gaar ahaan u dhexeeya labada shirkadood ee u waaweyn,
maxaa kiciyaya shidaalka?. Waaa su’aal muhiim ah. Jawaabtuna waa dhawr arrimood
oo is biirsaday.
Waa ta hore’e,
waxa la celiyay tiraba dhawr markab oo shidaal ah xagga tayada awgeed. Waa la
dadaalay, laakiin mar baa jirta waxtarkaagu noqon karo waxyeello. Waxa loo
baahnaa in go’aan qaadashada la hagaajiyo(decision making process) taasoo ah in
go’aan kasta oo aad qaadanayso aad isu eegto dhibkiisa iyo dheeftiisa. Waliba
markaad ogaato ka warran shidaalkii la celiyay inuu ahaa mid la aqbali karayay,
yaanu gaadhin ba heerkii tayada laga rabaye. Celintaasi waxay keentay shidaalkii oo
yaraaday(shortage of supply), taasina waxay keentay in sicirku kaco. Sidaasi
waxay waafaqsantahay xeerka dabiiciga ah ee dhaqaalaha.
Taasi waxay
dhacdaa marka suuqu yahay mid tartan ku dhisan, halkaasoo dalabka iyo bandhiga(Demand
and supply) oo kaliyi ka adeegayaan, dawladduna aanay faraha kula jirin, ha
yaraato ama ha badnaato farogalintaasi ye.
Haddaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay, dawladdu faraha miyay
kula jirtaa suuqa shidaalkeenna?. Jawaabtu waa haa. Sdiee?. Dawladdu waxay
maamushaa haamaha shidaalka, sidaa darteed saamayn ayay ku leedahay suuqa
shidaalka. Tani waxay u suuragalinaysaa dawladda in ay saamayn ku yeelato
xaddiga iyo sicirka shidaalka(Quantity and Price). Mar haddii ay weelkii heyso
kaasoo –monopoly-- u ah , dawladdu waxay kantaroli kartaa xaddiga shidaalka iyo
tayadiisa, sida immikaba ay yeeshay iyadoo celisay shidaal.
Sidaas oo
kale, weelku wuxu siinayaa dawladda in ay saamayn ku yeelato sicirka. Waagii
Total joogtay, may dhicin marna in shirkaddaasi shidaalka keligeed kor u
qaaddo(sicirka) iyadoon dawladdu kula socon ama ka ogolaan. Maanta oo aanay
Total joogin, wax iska baddalay xaalkii ceynkaas ahaa ma jiro. Maxaa yeelay,
dawladdu wali haamihii iyadaa iska leh, halkii Totalna waxa gashay wasaaradda
ganacsiga. Waliba muddadii u danbaysay Total wax shidaal ah may keeni jirin ee
haamaha ayuunbay maamuli jirtay. Taasi waxay ku tusaysaa in xaalku xaalkii uun
yahay.
Waxa intaa
dheer, culaysyo ku soo kordhay shirkadaha shidaalka, gaar ahaan intii Total ka
baxday meesha, ha ugu horrayso cashuur kordhin, celin shidaal iyo culaysyada
aad garan karto ee madax dawlad innagoo kala ah. Taasi waxay keentay in
wasaaradda ganacsigu maadaama ay ogtahay xaalka shirkadahaas in ay u garaabto
ama ugu yaraan u bislaato in aanay ka hor iman kordhinta sicirka shidaalka. Waxa
midhkaa laga fahmi karayay dooddii telifishanka qaranka, halkaasoo wasiirku
dooddiisa uu xoogga saarayay sida aanay isugu miisaanayn inta sicirka shidaalku
kordhay iyo inta leydhka iyo adeegyada kale kordheen isagoo leh intaasaa ku korodhay
shidaalkee, maxaa intaasuun u kordhin weydeen. Rutii waa dood caqli ku dhisan,
waxan se ka xumahay suuqa oo isaguna caqligiisa u goonida ah is ka leh.
Wasiirku wuxu la garnaqsaday shirkadaha leydhka oo madasha fadhiyay, laakiin
maan maqal isagoo la garnaqsanaya shirkadaha shidaalka ee meesha fadhiyay oo
leh maxaad u kordhiseen sicirka, maxaa yeelay iyaga war iskuma seeganayn
qiyaastayda, haddii aanan qaldanayn.
Si kastaba
ha ahaatee, waxa jira keyd shidaal oo shirkadaha laga dhigo, kaasoo loogu talo
galay laba arrimood:
1-in
dawladdu qiimo nasilan ku iibsan karto, haddii baahi degdeg ah oo qaran
timaaddo.
2-in laga
iibiyo adeegyada halbawlaha ah sida shirkadaha leydhka iyo basaska, haddii
shidaalku kala go’o.
Maanta waxay
ahayd maalintii qodobka danbe la fulin lahaa ee shidaalka keydka ah laga iibin
lahaa shirkadaha leydhka iyadoo loo xisaabinayo sicirkii hore. Mayse dhicin.
Waxa isaguna war xiiso leh noqon kara—haddii uu sugmo-- in shirkadaha leydhka
ee Berbera iyo Hargeisa ee dawladdu leedahay laga iibiyay shidaalkii keydka
ahaa iyadoo loo xisaabinayo qiimihii hore halka kuwii gaarka loo lahaa ay ku
qasban yihiin in ay sicirka kacay ku iibsadaan. Waa yaabee, miyaanay ujeedada
ugu danbaysaa ahayn in loo daneeyo qofka muwaadinka ah. Boqolkiiba inteebay
adeeg leydh siiyaan shirkadaha dawladda ee ka jira Hargeysa iyo Berbera oo
kaliya. Halkaas mays tidhi fahanka dawladnimada ayaa naaqis ah. Shirkadahaas oo awalba aan is bixin jirin oo
aynu aragnay lacagta miisaniyadda ku jirta ee lagu kabay, miyaan ogolaan karnaa
haddana in lagu naasnuujiyo keydka shidaalka. Allaylee, waxay ahayd in la daayo
oo ay suuqa iska celiyaan sida kuwa gaarka loo leeyahay ba ay beerka ugu
dhigayaan. Markii horena daw may ahayn in lacagta cashuur bixiyaha lagu kabo.
Balse waxay ku fiicnayd in aan la kabin ee la daayo ha kacaan oo ha la arko
tamar-darradooda(inefficiency) iyo maamul xumadooda(poor management). Yaase yidhi, xoolaha cashuur bixiyuhu waa
timir xabaal taal.
Guntii iyo
gabogabadii, suaasha is weydiinta lehi waa: side baa looga gaashaman karaa in
aanay tanoo kale mar kale dhicin. Yaase lagala xisaabtamayaa oo masuul ka
noqonaya, waayo ma rabno in la isku tuurtuuro—macnaha shirkadaha iyo dawladda
dhexdooda.
Jawaabta
suaasha hore waa in la hubsado in shidaal yaraan aanay dhacayn haddii la is
yidhaa shidaal celiya. Maxaa yeelay,
waxa jirta mar aad is leedahay wax taranso laakiin ay ka daran tahay
waxyeelada aad geysanayso, gaar ahaan haddii shidaalku uu yahay mid tayadiisa la
aqbali karo, yaanu ba gaadhin heerkii tayada la rabay.
Ta kale,
keydka shidaalka ee awalba jiray ee aan ka soo hadalay in la sii xoojiyo. Isla
markaana laga qeyb galiyo shirkadaha leydhka gaarka loo leeyahay ee aan lagu
koobin uun kuwa dawladda, marka sidan oo kale shidaal yaraw dhaco.
Yet another great article. Please keep writing!
ReplyDelete