Friday, March 29, 2013

Maxaa dhaqaalaha adduunka hoos u riday?




Maxaa dhaqaalaha adduunka  hoos u riday?W/Q: Prof.Abdi A. Jama.


Mashkilaada dhaqaale ee ka taagan Maraykan iyo Yurub waxay bilaabantay sannadkii 2008. Waxa sababay dhawrkan arrimood ee is huwan:

1-Kobocii dhaqaale oo istaagay.

Kobocii dhaqaale oo hoos u dhacay, isla markaana diiday inuu korba u kaco. Ugu yaraan koboc dhaqaale oo 3% ah ayuu u baahan yahay waddan kasta haddii la rabo inuu dhaqaaluhu deganaado, oo wax waliba caadi noqdaan. Haseyeeshee, waddamada yurub iyo mareykan waxay la’yihiin xataa 1%. Suaasha is weydiinta lehi waxa weeye: maxaa joojiyay kobocii dhaqaalaha? Jawaabta oo kooban waxay noqonaysaa: dhaqaalayaasha mareykan iyo yuruba wey duqoobeen. Duqina ma korto. Waddamada Asia iyoAfrica ayaa ah kuwa dhaqaalayaashoodu da’yar yahay. Sidaa darteed, fursadda iyagaa leh maanta. Bal ka warran mareykanna wuxu la’yahay  1% koboc ah laga soo bilaabo 2008, halka Ehiopia la sheegayo illaa 10% inuu dhaqaaleheedu ku kobacayay dhawrkii sannadood ee ina soo dhaafay.


2-Bangiyada oo darjiidhay.

Bangiyada ayaa iyagana lagu canaantaa in ay qeyb weyn ka qaateen busaaradda iyo hoos u  dhaca dhaqaale ee maanta taagan. Sidaad la soctaan, waxay mashkiladdani bilaabantay markii ay kaceen labadii bangi ee mareykan ee loo yiqiinay Lemons brothers. Bangiyada oo had iyo jeer aad ugu xidhan lacagta amaahda ee ay siiyaan guryaha lagu qaato nidaamka haftada ayaa waxay keentay in shirkadihii dhismayaasha iyaguna ay kacaan. Sababtuna waa qaabka ay u maamuleen hawshaas, taasoo ay si qeyrul masuulnimo amaah badan iska bixiyeen taasoo dadka guryaha amaahda ku qaatey aanay iska bixin karayn. Taasna waxa sabab u ahaa saraakiisha bangiyada oo iyaga hammigoodii noqday sidii ay u heli lahaayeen lacagta mushaqaayadda ah ee xadhaafka ah ee la siiyo markay kala tuuraan iibka guryahaas. Waxay kula baxeen lacagtaas faraha badan ee ay qaataan naanaysta bisadaha naaxnaaxey(fat cats).


3-Dawladaha oo iyaguna fadhadhaqda geeyay.
Dawladaha ayaa iyaguna canaan weyn ku leh sida wax u dhaceen. Waxay runtii ku talaxtageen qaadasho deyn xad-dhaaf ah oo aanay iska bixin karayn xataa dulsaarka, iska dhaaf lafaha oo. Dawladaha iyo bangiyada waxa kale oo lagu heystaa inay u heshiiyeen ummaddii, taasoo halkii laga ciqaabi lahaa bangiyada, lagu badbaadiyay lacagtii ummadda si aanay u kicin bangiyadaasi.





No comments:

Post a Comment