Nooca suuqa iyo
Siyaasaddeena shidaalka. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.
Mawduucani
malaha wuxu ku fiicnaa in aan ballaadhiyo oo aan ka hadlo tamarta (Energy)-ga oo dhan, halkaasoo ay soo galayso
dhuxusha iyo Som-gaska aan wax ku karsanno iyo sidoo kale ilaha kale ee tamarta
ee mustaqbalka sida dhuxul dhagaxda,
cadceedda iyo dabaysha.
Si kastaba
ha ahaatee, iyadoo mawduucan tamartu(energy) uu yahay mid aan kala hadhi Karin, halkan waxan
liishaanka ku saarayaa shidaalka, kaasoo kaalin muhiim ah kaga jira nolosha
dhaqaale ee dalka. Iskuma jiro shidaalkuye, naaftada(Diesel-ka) ayaa ah
shidaalka ay noloshu aad ugu xidhan tahay.
Suuqa
shidaalka, hadda waqtin xaadirka ah,
waxa soo dejiya shidaalka dhawr shirkadood. Labda shirkadood ee Red sea iyo
Haas ayaa ah labada ugu waaweyn ee shidaalka xooggisa keena. Isku dar labadoodu
waxay keenaan wax ku dhaw boqolkiiba sideetan. Halka shirkadda Red sea ay
buuxiso baahida suuqa illaa 45% qiyaastii, shirkadda Haasna waxay waraabisaa
suuqa Ilaa 35%. Boqolkiiba labaatanka soo hadhay waxa wadaaga shirkadaha yaryar
ee kale.
Markay
sidaas tahay, nooca suuqu waa Oligpoly. Suuqa waxa loo yaqaan oligopoly marka
2-4 shirkadood ay suuqa heystaan wax ka badan boqoliiba lixdan. Halkan waxaynu
aragnaa in ay laba ka mid ahi haystaan boqolkiiba sideetan. Suuqa noocan ah
tartanku ma sahlana. Maxaa yeelay waxa jira laba shirkadood oo waaweyn oo
suuqii isku heysta isuna muuqda oo ficiltamaya sidii laba dumar ah oo la wada
qabo. Tartanku markan oo kale wuxu noqonayaa
nooca loo yaqaan tartan istiraatijiyadeed (strategic competition).
Shirkad kasta inta aanay tallabo qaadin waxay ka fikiraysaa sida ay shirkadda
kale uga jawaabi doonto.
Dhinaca
kale, marka laba shirkadood oo kaliyi ay suuqa heystaan, waxa la yidhaa lababa
filo: in ay galaan tartan ciddiyo ku dagaallan ah oo ah kaas aynu kor ku soo
sheegnay iyo in ay dadka u heshiiyaan (collusion). Haddii aanan qaldanayn, illa
imika labada shirkadood ee suuqa shidaalka heystaa waxa muuqata in ay qaateen
dariiqa tartanka, taasoo tartankoodii uu
gaadhay meel adag. Sidan ayay danta
ummadu ku jirtaa waayo haddii labada cimlaaq dadka u heshiiyaan taasi dan uma
aha muwaadiniinta.
Si kastaba
ha ahaatee, waxa lagu hungoobay
sheekadii odhan jirtay haddii Total la eryo, shidaalka ayaa jabi doona. Sida aynu
la wada soconno wax ku kordha mooyee waxba iskama dhimmin sicirka shidaalka tan
iyo intii la eryay Total. Xaqiiqadu wax weeye, in aanay Total shidaal keeni
jirin intii danbe oo dhan laakiin ay maamuli jireen haamaha oo kaliya. Halkii
Total immika waxa gashay wasaaradda ganacsiga ama maamulka haamaha. Taasi waa
sababta wax isbeddel ah aynaan u dareemin. Waxa intaa dheer in xukuumaddu
cashuurta shidaalka kor u qaaday intii Total la ceydhyay kadib.
Ugu
danbeyntii anigu waxan soo jeedin lahaa in haddii sicir ama cashuur kordhin
laga fursan waayo aynu baatroolka saarno, laakiin naaftada aynu ka ilaalino in
wax korodh ahi sicirkeeda ku yimaaddo. Aniga ilama qummana siyaasadda shidaalka
ee odhanaysa isku sicir ha noqdaan baatrolka iyo naaftadu. Maxaa yeelay waxaynu
ognahay in naaftada ay wax waliba ku xidhan yihiin, taasoo haddii ay korodho ay
wax walba kordhayaan. Leydhku wuu qaali garoobayaa waayo naafto ayay
isticmaalaan, basku wuu qaali garoobayaa waayo naafto ayuu ku shaqeeyaa.
Caanaha iyo hilibku way kacayaan waayo baaburta soo qaaddaa noolka ayay kor u
qaadayaan maadaama ay naafto isticmaalaan. Sidaa darteed, haddii laga fursan
waayo fadlan aynu qaali garayno baatroolka laakiin yaan la taaban naaftada.
Sidoo kale,
tamarta oo dhan waa in aynu u maamullaa qaab aynu uga fikirnay tashiilka iyo
ilaalinta degaanka . taasi waxay u baahan tahay in aynu dhiirigalino Som-gasta
innagoo dhinaca kalena ka hawlgalayna sidii dhuxuldhagaxda iyo ilaha kale ee
tamarta looga faaidaysan lahaa mustaqbalka. Waxa la yaab leh oo arrintaa ka soo
horjeeda in xukuumaddu ay dhawaan kordhisay cashuurta Som-gasta, taaso dad badan oo dhuxusha ka wareegay ay dib
ugu soo noqdeen dhuxushii ka dib markii haantii laga siin jiray $25 ay noqotay
$30. Aan is weydiino qoyska isticamaala Somgaska, immisa geed ayuu
badbaadinayaa sannadkii?
No comments:
Post a Comment