Friday, December 21, 2012

Waa maxay hogaamintu?



Waa Maxay Hoggaamintu? W/Q. Prof. Abdi Ali Jama.

Hoggaamintu waa iyadoo la isku dayo in la xaqiijiyo ujeeddooyin  cayiman tiiyoo la hawlgalinayo dad. Sida ka muuqata qeexdan, marka hore waa inay jirtaa ujeeddo iyo higsi la gaadhayaa. Taasi waxay keenaysaa in la samaysto qorshe istiraatijyadeed(Strategic Plan) iyo miisaaniyad(Budget). Haddii aanay jirin intaas aan kor ku soo sheegnay markaa wuxu xaalku noqonayaa waraabe dhankii loo eryaaba waa u toos.

Waxa kale oo ka muuqda qeexda kor aan ku soo sheegnay in waxa la hawlgalinayaa ay yihiin banii-aadam. Waxa xoogga la saaray dad.  Qeexdan lama xusin kheyraadka kale ee maadiga ah ee la hawlgalinayo. Sababtu waxa weeye xataa haddii dadku ama waddanku aanu lahayn kheyraad kale ama adduun kale, weli dadku waxay u baahan yihiin hoggaamin. Haddii dad la hayona, adduun  ha yaraado ama ha badnaado’e waa jiraa.

Arrinta ugu muhiimsan ee hogaamiyaha u taallaa waa sidii uu isu cunsiin lahaa ujeeddooyinka uu rabo in la gaadho iyo kheyraadka weyn ee loo yaqaan dadka ee markaa uu haysto. Taasi ma hawlyara, qofkastaana ma hoggaamin karo banii-aadam waayo ma aha waxaynu ka hadlaynaa maamul(managament) ee waxaynu ka hadlaynaa(leadership). Inkastoo labadu wadaagaan waxyaalo badan, haddana aad bey u kala duwan yihiin.

Astaamaha hoggaamiyaha waxa ka mid ah: indheergaradnimo(visionary), aftahanimo(eloquence), soo jiidasho(charisma) iyo qaar kale oo badan. Laakiin intaas oo dhan isagoo leh, haddii uu ku guuldraysto inuu helo kalsoonida dadka wey adag tahay inuu ku guuleysto hoggaamiyuhu hawshiisa hoggaaminta.  Maxaa yeelay sidaynu qeexda ku soo sheegnay waxa la hawlgalinayaa waa bashar. Dadkana haddii aad weydo kalsoonidooda kuma hoggaamin kartid ujeeddoyinka aad higsanayso. Markaa waa in aftahinimadaada, heybadaada iyo indheergaradnimadaada aad ku heshaa kalsoonida dadka. Haddii ay kuu jari waydo intaasoo dhami kalsoonida dadkaaga, waxaad noqonaysaa hogaamiye aan loo qorin inuu najaxo.

Taasi waa ta keenaysa in xidhiidhka ka dhexeeya hoggaamiyaha iyo dadkiisu uu noqdo mid dareen caadifadeed ku dheehan yahay sida labada qof ee jacaylku ka dhexeeyo. Taasi macnaheedu waxa weeye ummadu hoggaamiyaheeda wey caashaqdaa isaguna sidoo kale wuu jeclaadaa iyada.  Markay is doortaana waa sidii laba is jeclayd oo is guursatay. Xidhiidka noocan oo kale ahi waa mid ku dhisan kalgacayl iyo ujeeddo mid ah.  Waxa jirta hal khatar oo haddii labada dhinac iska jiri waayaan, xidhiidhkani noqonayo mid cimrigiisu soo gaabto. Taasi waa khiyaamada ama daacad darrada. Sidaa darteed hoggamiyuhu intuu daacad yahay, wuxu heli karaa kalsoonida dadkiisa, taasoo haddii kale uu halkaas ku waayoyo joharadda ugu qaalisan….Kalsoonida.
Prof. Abdi Ali Jama.





Saturday, December 8, 2012

waa intaas oo loo gala sii dhawaado uun.



Waa intaas oo loogala sii dhawaado uun; W/Q. Prof. Abdi Ali Jama.

Waxa muuqata in aynu dhabadii jabsanay oo doorashadu immika aanay ahayn wax innagu adag ficil ahaan. Maaliyad ahaan lafteeda waxan qabaa in aynu samayn karo oo aanay jirin sabab aynu gacanta u hoorsano shisheeyaha si ay inooga caawiyaan qabashada doorashada. Waa arrin ceeb iyo gunnimo ah in aynu sugno gacantaas maadaama waxa laga hadlayaa ay tahay doorashadaadii oo ah gobonimadaadii iyo madaxbanaanidaadii(sovereignty).

Dhinaca kale, waa markii labaad ee aynu qabsano doorasho gole degaan taasoo immika gabogabo ku dhaw. Taasi waa isku day fiican. Waa intaas oo loogala sii dhawaado uun, sidii uu yidhi odaygii wiilkiisa rabay inuu sii  dhiirigaliyo.

Si kastaba ha ahaatee, markaad dheehato natiijada xildhibaanada ka soo baxay xisbiyada waxaad arkaysaa in xisbinamadii la dabamarteeyay(circumvented) oo loo xuubsiibtay reernimadii.  Haddaba waxaynu u baahanahay in haddana mar kale aan u fikirno sidii aynu jidgooyo ugu geli lahayn qabyaaladda dabin ka boodka ah. Haddii aynu u khadidno waxan qabaa in la quusin karo si aanay mar danbe dhabarjebin tan oo kale ah u suurtoobin qabyaaladda iyo kuwa ku adeegta. Laakiin taasi waa haddii iyo haddii loo fikiro iyadoo daacad laga yahay.

Markaynu runta isu sheegno, waa bilaw arrinkeenu oo fari kama qodna. Laakiin waxaynu u baahan nahay in aynu helno ka sakaw siyaasiyiinta kursi doonka ah, cid inoo fikirta oo  musdanbeed(Think tank) inoo noqota oo aan hunguri siyaasadeed lahayn. Ma jiro adduunka waddan tisqaaday oo dawladnimadiisu adkaatay oo aan lahayn musdanbeedkaas aan kor ku soo sheegnay.

Qalad hayga fahmin. Uma jeedo siyaasiga looma baahna. Waxan qabaa in uu ku jiro kaalin loo baahan yahay. Si kastaba ha ahaatee, haddana laguma wada aamini karo aayaha waddanka oo dhan.
 Taas waxa u daliil ah waddamada hanaqaadaay ama tisqaaday. Tusaale: Japan, China and USA. Ma kula tahay  Mr Bush iyo Obama ayaa waddanka mareykan lagu wada aaminay aayahiisa. Xaqiiqadu waxay tahay in ay yihiin jilayaal fiican oo fuliya ujeeddooyinka istiraatijiga ah ee ay degaan ama miiqaan musdanbeedkaasi.
Ma aha ciddaasi siyaasiyiin congress-ka ku jira ama senat-ka , inkastoo qaarkood ay ku jiri karaan. Waxay u badan yihiin cid aan siyaasiyiin aheyn oo ku xidhan ama leh maxadyo cilmi baadhiseed oo inta badan hilaadiya mustaqbalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan waddankooda .
Prof. Abdi Ali Jama.







ma ka gudbi karaa imtixaanka maamul-wanaagga.



Ma ka gudbi karnaa imtixaanka maamul wanaagga? W/Q:   Prof. Cabdi Cali Jama.

Maamul wanaagu waa habka loo adeegsado awoodda tiiyoo la rabo qofka masuulka ahi inuu muujiyo bannaanyaalnimo, iyo inuu ogalaado in lala xisaabtamo iyadoo loo wada hoggansan yahay sarraynta sharciga. Marka lagu dabaqayo dawlad ama shirkad ama haya’d, mabaadida guud waa isku mid. Waxase jira farqiyo yaryar oo u dhexeeya marka mid kasta gudihiisa laga hawlgalayo.

Taas aan kor ku soo sheegnay waxay ku biyo shubaysaa la dagaallanka musuqmaasuqa, eexda iyo danaysiga doqoniimada ah dhammaantii. Sidaa darteed waa sababta aanay u kala hadhin labada kalmadood ee maamulwanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu. Haddii musqmaasuq jiro waxay la macno tahay maamul wanaag ayaan meeshaa ka jirin. Sidaa lidkeeduna waa sax.

Innagu haddii aynu dib ugu noqonno sooyaalkeenna iyo dhaqankeenna, waxu ahaa maamulkeenu mid ku dhisan kalsooni iyo is aaminaad taasoo qofka la aaminay uu xakame u ahaa qiimigiisa iyo sharaftiisu, kan mauuliyadda u dhiibtayna uu kalsooni ku qabay in hebel aanay ka suuragalayn waxyaalaha qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay ahayd mid shaqayn karaysay waagii mujtamacu tirada yaraa, taasoo la yaqaanay qof kasta wuxu galo iyo wuxu gudo. Sidaa awgeed, waxa dhici jirtay in boqolkiiba sagaashan ay arrimuhu u socdaan si toos ah oo wax is weydaarisku ku yar yahay.

Hadda iyo maanta oo dadkii bateen, shaadhadhkii la isu soo xidhanayayna bateen, taasoo dawladnimo, ganacsi, iyo samafal intaba la isugu soo dhuuman karo, ma shaqayn karayso sheekadii ahayd in qof ama koox kaligeed lagu aamino awood ama adduun innaga dhexeeya waayo  khasaaraha ka dhalanyaa wuxuu noqonayaa mid saamayn ku leh nolosha jiilasha iyo facaca kala danbeeya. Maxaa yeelay sida dadkii u bateen ayay awooddii dawladnimo iyo tiradii adduunkuba u korodhay. Waagii hore ee dadku ay yaraayeen isla markaana ay u kala qoqobnaayeen qabiil qabiil, awoodda iyo adduunka meel ku ururi karaa wuxu ahaa mid kooban oo ay ka soo kaban karaan ciddaasi haddii wax qaldamaan. Laakiin intii qarnimada iyo dawladnimada aynu yagleelnay, waxaad ogaataa awoodda iyo adduunka aynu isugeyn karnaa inuu yahay mid aad u badan oo aan laga soo waaqsan Karin haddii cidda loo dhiibay ay la kufto xilkaa culus. Taasoo imanaysa marka la waayo xakamaha maamul wanaagga aynu ka hadlayno oo ah imitixaanka ugu adag ee u yaalla waddanka raba inuu u gudbo horumar iyo badhaadhe.
Prof. Abdi Ali Jama
Profabdiali.blogspot.com






Siyaasaddu ma wasakhad-baa?



Siyaasaddu ma wasakhadbaa? W/Q: Prof. Cabdi Cali Jamac.

 Jawaabtu waa haa iyo maya. Siyaasaddu ma aha wasakh asal ahaanteeda laakiin waxa sahlan sida ay u wasakhowdo, waxanay  ku xidhan tahay qofka siyaasiga ah qiimigiisa,  aqoontiisa ama daacadnimadiisa iyo nidaamka maamul wanaagga ee xakamaynaya ama hagaya.

Siyaasadda aan ka hadlayaa waa waxa loo yaqaan afka ingiriisiga Politics. Kama hadlayo waxa la yiraa policy. Waa laba aad u kala duwan. Tan danbe iyada lafteedu marka afkeena loo turjumo waa siyaasad uun, laakiin micnaheedu waxa weeye:  habka loo maro si loo xaqiiyo ujeeddo cayiman. Waxa ay isku macno dhaw yihiin strategy inkastoo farqi yari u dhaxeeyo. Intaa waxa dheer,  mararka qaarkood erayga policy waxay noqotaaba xeer ama sharci.  Si kastaba ha ahaatee,  macnaheedu  waxu  ku xidhan yahay kolba dulucda laga hadlayo.

Tan aan qormadeenan kaga hadlaynaa waa waxa loo yaqaan politics oo halkan macnaeedu  yahay hogaaminta ummad ama waddan ama u tartankeeda. Markaa cinwaankeena  haddaan u soo noqonno wuxu noqonayaa  micnihiiusu: politicsku ma wasakhbaa ama hogaamintu ma wax xun baa?.

Waxan filayaa in jawaabta weydiintani immika fududaatay ka dib markii aynu yara buhabuhaynay waxay tahay siyaasadi ama innagu waxaynu halkan uga jeedno. Sida aad garan karto siyaasaddu ama hogaamintu ma aha wax sideeda u kharriban; sideebay u noqon kartaa wax xun iyadoo hoggaamintu ah waxa wax lagu hagaajiyo ee dadka lagaga raro guri cas aan baad iyo biyo toona lahayn ee loogu guuro meel barwaaqo iyo badhaadhe leh.

Su’aashu waxay tahay haddaa maxaa had iyo jeer loogu tilmaamaa inay tahay wax aan fiicnayn oo wasakh ah?  Waa run oo  magac ama naanaysi ciyaar ciyaar kuma baxo’e wax baa ka jira in ay tahay wasakh,  maxaa yeelay sida iyada iyo saaxiibkeed u leexdaan ee u dhooqoobaan baa sahlan. Oo waayo?.  Waa weydiin aad fu fiican.

Jawaabtu waxay thay meesha waxa la hogaminayaa waa dad, waxa wax hoggaminayaana waa dad, meesha waxa la maamulayo ee la meelaynayaa waa adduun, awood iyo sed ama fursado. Haddii siyaasiyiintii dad yihiin, waxa meesha yaallaan  xoolo, awood  iyo fursado yihiin, saw garan maysid bani’iidam iyo damacii.

Taas aan kor ku soo  sheegnay waxay keenaysaa in hogaamiyaasha dunida saddexaad ee maamul wanaagga ka qatan ay meesha ku wasakhoobaan waayo ma  jiraan wixii maamulka ama hoggaaminta toosin lahaa. Markaa sidaas bay ku dhooqoobaan inta badan marka ay waayaan wax ka qabta waxa ay dhex dabbalanayaan. Waxaad arkaysaa uun ninkii weynaa oo isku dhammooqay qudhun iyo wasakh oo haddana dadkii  oo arkaya ku leh miyaanan xariir ahayn, side baa wax idinka noqdeen?!!!!!!!!


W/Q. Abdi Ali Jama
Abdiali.blogspot.com


Saturday, November 10, 2012

Aan kala xadayno



Aan kala xadayno si aayatiin loo helo. W/Q: Prof. Cabdi Cali Jamac.

Halkeebay siyaasaddu ka bilaabantaa, halkeebayse ku dhammaataa?  Halkeebaa xirfaddu ama shaqadu ka bilaabantaa, halkeebayse ku egtahay? Waxa jirta in aynu waddankii oo dhan,  laga soo bilaabo halka u sarreysa illaa waardiyaha ku dhammooqnay siyaasad.

Ma inkirayo in hay’adda shaqaaluhu daddaal  ugu jirtay siddii shaqaalaheenu u noqon lahaayeen kuwo lagu soo xusho aqootooda laakiin waxa jiidhay oo hafiyay dhaqankeena tusmada ku dhisan ee indhaha  la’  kaasoo aan dheg u dhigayn hay’ad shaqaale iyo cid kale toona. Arrinku waa wixii miyir qababa la hadal!!!!

Qaladku ma aha mid immika bilaabmay ee waa soojireen illaa intaan garanayo. Waxa qalad ah in laga bilaabo Agaasimo guud iyo wixii ka hooseeyaha ee shaqaalaha dawladda ah in loo eego siyaasad sida xisbi ama reer. Waxay ahayd runtii ama immikaba la rabaa in laga bilaabo heerkaas aynu soo sheegnay lagu soo xusho qofka muwaadinka ah xirfadiisa iyo waxa uu yaqaanno ee aan wax kale loo eegin.  

Sidaynu wada ognahay agaasimayaasha guud waxa loo magacaabaa sida wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada. Waxayse ahayd sid saxda ahi in agaasimaha guud uu noqdo qofka ugu sarreeya shaqaalaha meesha jooga marka laga eego xagga khibradda iyo tacliinta labadaba. Farqi weyn baa u dhaxeeya isaga iyo wasiirka oo ah qof siyaasi ah. Wasiirka waxa lagaga danbeeyaa oo lagu ixtiraamaa waa madaxweynaha soo cugtay ee wareegtada ku magacaabay, markaa waa mid haybadiisa ka soo dheeganaya ta madaxweynaha, laakiin agaasimaha guud waxa lagu qaddarinayaa oo shaqaalaha oo dhan iyo dadweynuhuba kaga danbeynayaan waa aqoontiisa iyo khibradda uu u leeyahay shaqadan  uu hayo.

. Laakiin haddii ay sheekadu noqoto qof siyaasi wax ka dhigo mooye, qof kale oo wax noqonayaa ma jiro. Taasi waa gef aayatiin xumo ina dhaxalsiinaya. waxa jira dad badan oo aan rabin in ay siyaasadda galaan laakiin jecel in lagu ixtiraamo aqoontooda, shaqsiyaddooda iyo kartidooda. Halkan ma mooddaa in siyaasigu rabo inuu dadka oo dhan wada gumeeyo oo aynu dhammaanteen ku faruur xidhnaano isaga. Taasi waxa kale oo ay dad badan ku kallifaysaa in ay siyaasadda galaan sidii gabaygii “rag siyaasi wada noqay” uu cabbirayay. Sababtana innagaa leh oo waxaynu abuurany qiimi(Values) odhanaya waxa wax lagu noqdaa waa siyaasadda inaad ka muuqato. Waar anigu waxan odhan lahaa qiimayaal kale aynu samayno maxaa yeelay waddanku wuxu u baahan yahay xirfadlayaal, mutacallimiin, ganacsadayaal hal abuur leh, shaqaale hoose iyo kuwa saraakiil ah iyo ciidan aamminsan shaqadooda oo aan u hanqal taagin siyaasad xataa haddii loo soo bandhigo fursadda. Tusaale,  waxa la rabaa(Ideally) sarkaal militari ah oo iimaansan shaqadiisa ciidannimo oo xataa haddii ay soo marto fursad uu inqilaab ku samayn karo aan samayn isagoo fali kara sidaa. Tusaale kale, waxan la rabaa bare sare oo jamacadeed ama professor aqoonta ku wadhwadhay oo ka santaagaya siyaasadda wasakhda ah kaasoo caashaqsan aqoonta iyo cilmi baadhista si uu u noqdo marjaciyad  kan siyaasiga ahi wax weydiiyo oo talada ula noqdo isagoo aan ka baqayn inuu damco booskiisa.

Dhinaca kale, waxan runtii aan innagu bogaadinayaa in aynu mid garanay; taasoo ah in shaqaalaha dawladdu aanay ololaha siyaasadda xisbiyada ka muuqan, kii ay doonaanba codka ha siiyaane. Inkastoo taa lafteeda aanay sidii la rabay u fulin, haddana aragti ahaan waxaad mooddaa in  aynu isla qaadannay laakiin dhaqangalintii ayay dhibaato ka taagan tahay; middase inoo dhuumatay waxa ay tahay shaqaalaha gaar ahaan saraakiisha xafiisyada oo aynu ku xulanno ficil ahaan tusmo reereed.
 Maalin dhawayd ayaan waxan ku idhi nin aanu saaxiib nahay, waar ninkii hebel ee bilayska ahaa shaqadii ma lagu celiyay. Markaa wuxu ahaa ninkani nin aqoon iyo khibrad u leh bileyska oo marna jago sare hayn jiray laakiinse laga qaaday oo buulka la dhigay. Wuxu iigu jawaabay waar mayee waa kii taliyihii bilaysku ku yidhi afar reerkiina ah ayaa meelo sarsare jooga’e ma idinkaan meesha idinku taxaa.  Kalmadahaasi aniga si gaar ah ayay ii damqayeen, laakiin saaxiibkay daw buu u arkayay.  waayo haddii bilayskii oo ah xirfad ama  shaqo  u baahan aqoon, tababar iyo khibrad  ay dheer tahay hufnaan aan lagu salleyn sifooyinkaas, maxaan sugaa ee  hadhay,  akhriste,  aan adiga ku su’aale.  Ta kale, aniga waxay ila tahay in marka hore si qaldan loo qaatey waayo haddii si sax ah loo qaato way adag tahay siday isugu soo beegmaan afar isku qoys ah oo ugu sarreeya meel.

Bal sidii la doonaba ha lagu soo xulo wasiirada ;ama qabyaalad ha lagu soo xulo ama gobol, ama saaxiibtinimo, inkastoo halkan lafteeda aan jeclaan lahaa in degaamo iyo gobollo lagu saleeyo, haddana bal taasi waa siyaasad oo waa yeelkeeda’e, maxaynu shaqada iyo shaqaalaha ula daba soconaa  tusmada iyo qabyaaladda. Ma waxaynu rabnaa in aynaan waligeen boodhka ka kicin oo aynu galgalimadaa fadhino!!!!! waar miyaynaan aayo ka damcsanayn waddankan!!!!!Waar miyaynaan rabin in aan dhaxal uga tagno caruurteena!!!!!, ma waxaynu nahay macaan jecel eegta uun dhadhamada maanta, mise waxaynu nahay ciil kama korihii la sheegi jiray ee aan waligii tashan jirin. Ma sidaas baa innaga bes ah oo garasho ayay innaga tahay. Fili maayo , ee waynu is hagranaynaa!!!!!

Taas sare waxan uga jeedaa, marka laga yimaaddo wasiirada iyo wasiir ku xigeenada,  wixii ka hooseeya laga bilaabo agaasimah guud, haddii aynu ku xulanno aqoon, khibrad iyo karti, waxay taasi dhiirigalinaysaa dhalinta doonaysa in ay dadaalkooda meel ku gaadhaan. Waxay keenaysaa in ay wax bartaan, oo  u dhabar adaygaan jidka dheer ee tacliinta, marka danbe ee shaqada la qorona ay u adkaystaan oo u sabraan jidka dheer ee jaranjarada shaqada isagoo og in waxa uu ku dallacayo iyo wuxu halka ugu sarreysa ku gaadhayaa ay tahay dadaalkiisa iyo aqoontiisa. Markaa,  akhriste,  aayaha aan sheegayaa waa kaas. Haddii la diido oo la yidhaa wiilkii ama gabadhiiba mid reerkiina ah ayaa qeybtaa heysta ee adigu iska joog isagoo u qalma meeshii, ka dibna booskii madhnaa loo sadqeeyo mid reer hebel ah, waa kii meesha reerkoodu ka maqnaaye, kaasoo ay dhici karto in aanu u qalmin booskii dhan kasta marka laga eego, ogaada foosto gun la’ ayaynu dhaaminaynaa. Ubadkeenana dhaxalka aynu uga tagaynaa waa in ay bartaan afminshaarnimada, qabyaaladda iyo qabqablaynta; maxaa yeelay, waa dariiq gaaban oo kuwii ka horreyay ku ceesheen oo maal iyo mansabba ku heleen. Maxaa daalinaya isaga ee jidka dheer ee tacliinta iyo jaranjarada dhibka badan ee shaqada uu uga baahan yahay.
W/Q: Prof. Abdi Ali Jama.
Profabdiali.blogspot.com