Saturday, January 26, 2013

Maxaa laga sugi karaa hoggaan mucuurtoon ah?




Maxaa laga sugi karaa hoggaan mucuurtoon ah?W/Q.Prof.cabdi cali Jamac.

Maamulka iyo qaab dhismeedka shirkad, haya’ad ama dawlad waa isku mid. Board-ka shirkadda ama hay’addu wuxu ka dhigan yahay barlamaanka dawladda. General manager-ku waa madaxweynihii, halka managers-ka laamuhuna ka dhigan yihiin wasiirada xukuumadda. Haddii laga tagi waayo, garsoorka ayaa ka maqan shirkadaha iyo hay’adaha, inkastoo la odhan karo iyaga laftoodu waxay leeyihiin guddiyo anshaxmarin iyo wixii la mid ah.

Si kastaba ha ahaatee uma baahna in ay garsoor gaar ah yeeshaan waayo garsoorka qaranka ayaa ka dhexeeya waddanka oo dhan. Hadddii ay dhacdo in is qabsi sharciga la xidhiidha  ka dhex dhaco shirkadaha ama hay’adaha, halka ay isla tagayaan waa maxkamadaha dalka. Sidaa darteed garsoorku wuxu leeyahay dabeecad gaar ah oo ah in uu u dhexeeyo cid walba, dawlad iyo shicibba. Sidaa darteed, waxaad halkaas arkaysaa in cid kasta ku shaqayso saddexda dhardhaar ee fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka.

Haddaba,  maqaalkan waxan kaga hadlaynaa dhardhaarka xukuumadda oo aad mooddo inuu u shaqaynayo ama uu u hawlgalo qaab ka dhigtay hawlwadeenada xukuumadda, gaar ahaan halka u sarreysa, madaxtooyada,  mid mucuurtoon ah,  marka aad aragto culayska hawsha ku dhacaysa masuuliyiintaas oo uu  ku jiro madaxweynuhu.  masuuliyiin naftii hayso oo culayskii ka batay, lagama sugi karo iny u fikiraan si istraatiji ah. Waxa laga fili karaa oo kaliya inay la tacaalaan maalin walba waxa soo kordha, taasoo midiba mid masaxayso.

Su’aasha laga yaabo inaad is weydiinayso waxa weeye: ma iyagaa isugu wacan arrintan mise duruufo kale ayaa keenay culsyskan xad-dhaafka ah?  Si kooban haddii aynu uga jawaabno suaashaas, waxaynu odhan karaa waxa sababay arrintan waa habka maamul ee soo jireenka noqday xukumadihii kala danbeeyay, taasoo shimbirtii dhaqaaqdaba aan qasriga la’aantii  waxba laga qaban Karin. Haddii ay ka tahay wax walba adiga ha kaa go’aanna, taasi waa korriinkeena xagga garaadka oo aad u danbeeya, maxaa yeelay hawsha meesha taallaa waa mid ka weyn wax qof iyo laba ka go’a.

Sidee baa looga bixi karaa mashkiladdan? Waxay ila tahay sida looga bixi karaa waa macruuf laakiin innaga oo kale inooma sahlana. Taas macnaheedu ma aha lama samayn karo.  Qaab dhismeedka maamul ee Shirkad, hay’ad ama xukuumad wuxu u qeybsamaa heer sare, mid dhexe iyo mid hoose. Afka ingiriisiga waa: strategic level, supervisional level and operational level.  Labada hoose ayuu culaysku ku dhacaa, taasoo keenta in xagga sare ay hesho fursad iyo waqti ku filan si ay u gudato qeybta ay shaqada ku leedahay oo ah in ay dejiso istriraatijiyadaha, xeeladaha iyo diyaarinta xeerarka waddanka lagu hoggaaminayo. Taasi innaga oo kale oo xero- ka- bax ah inooma dhib yara.

Waxay u baahan tahay in la soo celiyo iimaanka iyo kalsoonida ay dadku ku qabaan heerarka  hoose iyo dhexe ee maamulka taasoo beri hore luntay. Si loo soo celiyo kalsoonidaas waxay u baahan tahay in si taxadir leh loo soo xusho kaadir hufan, karti iyo aqoonna leh ka dibna awood la siiyo. Taasina waxay u baahan tahay in la dejiyo qaabdhismeed is jeeg garaynaya, taasoo suuraglinaysa in masuul kasta ay jirto cid looga ashkatoon karo. Dadkeennu waxay moodaan in maxkamadaha oo kaliya laga qaato ambiilka, laakiin sidoo kale go’aanada maamulkana waa laga qaadan karaa. Haddii tiro kala sarreysa oo dadkaas hufan ay isku raacaan go’aan idaariya, waa in sidaa lagu socodsiiyaa.

Halkaas waxaad arki kartaa in ay arrintani u baahan tahay mashruuc dib u habayn ah oo dhidibada loogu aasayo maamul hawl kar ah oo wax tar ah. Haddaan lagu dhiirran oo  immika la bilaabin waa qabyo ina sugi doonta. Waxan rajaynayaa in aynaan caruurtieena u dhaafi doonin hawshaas, saa inta kale ee sugaysa ayaaba ciiddaas ka badan.


Wednesday, January 23, 2013

Globolization; vice or virtue

warqad furan iyo guddiga wadahalada



Warqad furan iyo wadahadalada S/land iyo Somalia. W/Q. Prof Abdi Ali Jama.

Ku: Guddiga wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Salaan ka bacdi, inta aynaan ku daalin wadahadallada,  bal ha la weydiiyo Somalida aynu la hadlayno su’aalaha soo socda. Aniga waxay ila tahay in sheekadu halkaa ka bilaabanto, markaa waxa inoo caddaanaysa in aynu wada hadli karno iyo in aynaan wada hadli Karin.

1-Miyaad nagu raacsan tihiin in halgankii SNM uu xaq u dirir ahaa? Haddii jawaabtu haa tahay miyaad ogoshihiin in caruurtiina aanu sidaa ugu dhigno iskuullada oo manhajka lagu daro taariikhdii SNM iyo halgamayaasheedii waaweynaa sida Mujaahid Lixle iyo kuwa la midka ah?
2-miyaad ogoshihiin in maxkamad la soo taago Cali Mahdi iyo kooxdiisii ku dhawaaqday inuu madaxweyne yahay? (hoos ka akhri sababta)
3-Miyaad ogoshihiin ama qirsantihiin in aynu kala ahayn laba dawladood intii aynaan midoobin.
4-miyaynu isla ogollahay cidda ka masuulka ah wixii Somali ku dhacay?
5-maxaa laga yeelayaa ciddaas?


Somaliland waxay ku dhawaaqday in ay dawlad gooniya tahay 18 May 1991. Wuxu ahaa go’aan shacbigu iska leeyahay. Siyaasiyiinta aan fikirkan ku qanacsanayn ikhtiyaar kale oo u furnaa muu jirin, oo aan ahayn in ay u hoggaansamaan go’aankan. Ma doonayo inaan ka hadlo sidii go’aankaas masiiriga ah loo qaatay. Maxaa yeelay waxa inagaga filan inuu ahaan go’aan taarikhiya oo shacbiya (very popular.)

Sababaha keenay in laga noqdo midawga, waxa loo kala qaadi karaa laba: ta hore waxay ahayd tabasho iyo qoomamo dadkeenu ay dareemayeen tan iyo midawgii lixdankii; taasoo ay u arkayeen in Somali oo dhami aany ugu hanbayn sidii ay ugu liseen. Taana daayoo, waxaba loo adeegsaday awooddii qaranka Somaliyeed ee  iyagu ay kow ka ahaayeen dhismihiisa; halkaasoo si fool xun loo xasuuqay dadkii, isla markaana la baa’biiyo hantidii iyo magaaloyinkii boqolaalka sano la soo dhisayay.

Iyadoo khasaaraha intaa le’eg  inna soo gaadhay, haddana SNM may qaadan wali inay dalka ka jarto Somali inta kale. Taana daayoo, waxaba jiray qorshayaal lala galay garabyadii kale ee halganka koonfurta, taasoo  la rabay in dawlad Somaliyeed lagu soo dhiso marka waraabihii siyaad Barre waddanka laga caydhiyo. Haddaba halkee wax ka qaldameen?

Ma maqashay cawdii awrka dhabarka ka jabisay, ama anigoo ooyaya ayay weylina igu joogsatay. Tiiyoo xaalku sidaa yahay oo markaa kaligii taliyihii la ceydhsaday ayaa koox yar oo aragti gaabani ku shirtay Muqdisho halkaasoo ay ku dhawaaqeen in Cali Mahdi yahay madaxweyne. Kaba sii darane isagii baa hadlay oo yidhi kalmad ama weedh ay dadkeenu candhuuftoodii dib u liqeen iyadoo marka horeba cunaha joogta.”Halganku wuxu ka soo bilaabmay gobolada dhexe”.  Waligay maan arag kalmad ka saamayn badan. Maxaa yeelay waxay ku soo beegantay awrkii oo qaadkiisii buuxsamay halkaasoo  markii taa lagu darayna uu dhabarka ka jabay. Waa maalintii Somali midnimadeedii dhabarka ka jabtay.

Innagii markaa waxaynu ku dhawaaqnay in aynu gooni isu taagnay, taasoo degaanadii kale ee aan SNM ahayni ay iyaguna inala qaateen go’aankii. Hase yeeshee, waxa u bilaabmay Koonfurta Somalia marka laga reebo Puntland casharro qadhaadh oo dadnimada iyo insaaniyadda ka baxsan. Yaa ka masuula danbiyadaas oo dhan?

Ciil maan qabeen haddii danbi Somali ka dhexdhacay loo helayo cid loo qabsado oo ka masuula. Bal iskaba daayee ma laha illaa maanta qaar Somali ka mid ah ayaabu Siyaad Barre agtooda geesi ka qoran yahay, qaar kale oo aan anigu ka mid ahayna waxay qabaan in Siyad Barre iyo cidii garab siin jirtay laga dhigo sidii NAZI-gii jarmalka. Maxaa diidaya in wixii oo kale mar kale dhacaan, haddii aan cid lagu canbaarayn oo la daba galin. Iska daa dabagal la sameeyo oo Maslax Siyad Barre ayaaba mar walba isu soo sharraxa madaxtinimada Somalida.  Uma jeedo waa inankiisii oo danbiga aabbihii ayaa loo qabsan karaa. Waxan u jeedaa waa nin sarkaal sare noqday oo ka qeb  qaatey burburka waddanka, waliba isagoo helay awoodda aabbihii, gaar ahaan sannadihii u danbeeyay ee wax waliba qaldameen.







Maxaa ugu qiimo iyo qaayo weyn!!!!



Maxaa ugu Qiimo iyo Qaayo Weyn?W/Q:Prof. Abdi Ali Jama.

Ma dahabkaa, ma dheemantaa, ma moodkaa mise waa noolka. Intaa midna ma aha ee waa dadka. Foqorka ugu xun waa ka dadka. Haddii aad qani ka tahay xagga dadka, wax subaxaa saaka ah kaa maqan ma jirto. Sidaa darteed waa in aynu tacabka ugu badan galino dadka gaar ahaan dhallinta, rag iyo dumarba.

Waxa laga yaabaa inaad su’aal is weydiinayso. Talaw ma tirada dadka ayuu u jeedaa mise tayada. Runtii labaduba waa muhiim. Laakiin, aniga aragtiyada, waxa horraysa tayada. Haddii aanad labada isku helayn tayada raac. Haddii aad isku heli karayso labadaba ka sii fiican. Xagga cilmiga dhaqaalaha, labaduba macno weyn bay sameeyaan. Tirada badani waa suuq, dhinaca kalena waa xoog wax soo saar. Laakiin, haddii jeebku ka xun yahay, ceydhi suuq kuu noqon maso, saa waxba ma haystaan; sidoo kale, haddii aanay waxba baran, xooggoda laftiisu waa bar kuma taal. Taasi waa sababta aan u I idhi, tayada raac haddii aanad labada isku helayn.

Waxaynu wada ognahay waddamada dunidu inaanay sinnayn dhincac kasta oo laga eego.  Shaki  la’aan, waxa is dhaafiyay waa tayada  dadkooda (marka aynu tirada iska dhaafno) ee ma aha qaaradda ay ku yaallaan, ama indhahooda oo kala waawayn ama kala yaryar. Japan ma aha waddan ku yaal Yurub. China oo immika soo baxdayna ma aha caddaan.

Waxa laga yaabaa in aad is weydiinayso su’aashan:  maxaa looga jeedaa waxa la isku dhaafay waa dadka. Miyaanay sagaal bilood ku wada dhalan dadku? Waa runtaa, laakiin tayada dadka ayaan isku mid ahayn. Tayadaasina wax kale ma aha ee waa Tacliinta iyo rabbaayada oo lagu kala horreeyo. U fiirso maynaan odhan tacliin oo kaliya.

Rabbaayadada ayaa ka muhiimsan tacliinta. Iyada waxbarashada garanay oo waxa laga helaa dugsiyada iyo Jaamacadaha. Rabbaayadda iyada xaggee laga helaa. Waa dhaqan soo jireen noqday oo facyada kala danbeeyaa isu gudbiyaan. Oo maxaa ka mid ah? Waxaa ka mid ah shaqo jacaylka, run sheegga, daacadnimada, ixtiraamka iyo xaqdhawrka. Halka ummadi milgahaas isu gudbinayso, ummad kalena waxay isu gudbinaysaa shaqo nacayb, been sheegid, khiyaamo, xaqdhawr la’aan, damaacinimo iyo wixii la mid ah.

Dhaqanadaas aan kor ku soo sheegnay xaggee la isu mariyaa marka la isu gubinayo. Casharadan la isuguma dhigo sabuurad, wacdi iyo waanana waxba kama tarto. Waxase la isugu gudbiyaa ficil iyo dhaqanka qofba qofka kale uu ka arko . Waligaaba I wacdi oo I waani, anigu waxan daalacanayaa ficilkaaga ee qawlkaaga dheg u dhigi maayo.
Laakiin, waxbarashada iyadu waxay kaga duwan tahay waxa la isugu gudbiyaa qalin iyo buug ama wax sheegid. Iyada lafteeda, waa waxbarshada’e, waa ta la isku dhaafay, laakiin haddii aanay wehelin rabbaayaddii ama barbaarintii saxda ahayd, iyada lafteedu waa hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa ugu qiimaha iyo qaayaha weyni waa rabbaayadda oo ah dhaqanka dadkaasi leeyahay.