Wednesday, January 23, 2013

warqad furan iyo guddiga wadahalada



Warqad furan iyo wadahadalada S/land iyo Somalia. W/Q. Prof Abdi Ali Jama.

Ku: Guddiga wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Salaan ka bacdi, inta aynaan ku daalin wadahadallada,  bal ha la weydiiyo Somalida aynu la hadlayno su’aalaha soo socda. Aniga waxay ila tahay in sheekadu halkaa ka bilaabanto, markaa waxa inoo caddaanaysa in aynu wada hadli karno iyo in aynaan wada hadli Karin.

1-Miyaad nagu raacsan tihiin in halgankii SNM uu xaq u dirir ahaa? Haddii jawaabtu haa tahay miyaad ogoshihiin in caruurtiina aanu sidaa ugu dhigno iskuullada oo manhajka lagu daro taariikhdii SNM iyo halgamayaasheedii waaweynaa sida Mujaahid Lixle iyo kuwa la midka ah?
2-miyaad ogoshihiin in maxkamad la soo taago Cali Mahdi iyo kooxdiisii ku dhawaaqday inuu madaxweyne yahay? (hoos ka akhri sababta)
3-Miyaad ogoshihiin ama qirsantihiin in aynu kala ahayn laba dawladood intii aynaan midoobin.
4-miyaynu isla ogollahay cidda ka masuulka ah wixii Somali ku dhacay?
5-maxaa laga yeelayaa ciddaas?


Somaliland waxay ku dhawaaqday in ay dawlad gooniya tahay 18 May 1991. Wuxu ahaa go’aan shacbigu iska leeyahay. Siyaasiyiinta aan fikirkan ku qanacsanayn ikhtiyaar kale oo u furnaa muu jirin, oo aan ahayn in ay u hoggaansamaan go’aankan. Ma doonayo inaan ka hadlo sidii go’aankaas masiiriga ah loo qaatay. Maxaa yeelay waxa inagaga filan inuu ahaan go’aan taarikhiya oo shacbiya (very popular.)

Sababaha keenay in laga noqdo midawga, waxa loo kala qaadi karaa laba: ta hore waxay ahayd tabasho iyo qoomamo dadkeenu ay dareemayeen tan iyo midawgii lixdankii; taasoo ay u arkayeen in Somali oo dhami aany ugu hanbayn sidii ay ugu liseen. Taana daayoo, waxaba loo adeegsaday awooddii qaranka Somaliyeed ee  iyagu ay kow ka ahaayeen dhismihiisa; halkaasoo si fool xun loo xasuuqay dadkii, isla markaana la baa’biiyo hantidii iyo magaaloyinkii boqolaalka sano la soo dhisayay.

Iyadoo khasaaraha intaa le’eg  inna soo gaadhay, haddana SNM may qaadan wali inay dalka ka jarto Somali inta kale. Taana daayoo, waxaba jiray qorshayaal lala galay garabyadii kale ee halganka koonfurta, taasoo  la rabay in dawlad Somaliyeed lagu soo dhiso marka waraabihii siyaad Barre waddanka laga caydhiyo. Haddaba halkee wax ka qaldameen?

Ma maqashay cawdii awrka dhabarka ka jabisay, ama anigoo ooyaya ayay weylina igu joogsatay. Tiiyoo xaalku sidaa yahay oo markaa kaligii taliyihii la ceydhsaday ayaa koox yar oo aragti gaabani ku shirtay Muqdisho halkaasoo ay ku dhawaaqeen in Cali Mahdi yahay madaxweyne. Kaba sii darane isagii baa hadlay oo yidhi kalmad ama weedh ay dadkeenu candhuuftoodii dib u liqeen iyadoo marka horeba cunaha joogta.”Halganku wuxu ka soo bilaabmay gobolada dhexe”.  Waligay maan arag kalmad ka saamayn badan. Maxaa yeelay waxay ku soo beegantay awrkii oo qaadkiisii buuxsamay halkaasoo  markii taa lagu darayna uu dhabarka ka jabay. Waa maalintii Somali midnimadeedii dhabarka ka jabtay.

Innagii markaa waxaynu ku dhawaaqnay in aynu gooni isu taagnay, taasoo degaanadii kale ee aan SNM ahayni ay iyaguna inala qaateen go’aankii. Hase yeeshee, waxa u bilaabmay Koonfurta Somalia marka laga reebo Puntland casharro qadhaadh oo dadnimada iyo insaaniyadda ka baxsan. Yaa ka masuula danbiyadaas oo dhan?

Ciil maan qabeen haddii danbi Somali ka dhexdhacay loo helayo cid loo qabsado oo ka masuula. Bal iskaba daayee ma laha illaa maanta qaar Somali ka mid ah ayaabu Siyaad Barre agtooda geesi ka qoran yahay, qaar kale oo aan anigu ka mid ahayna waxay qabaan in Siyad Barre iyo cidii garab siin jirtay laga dhigo sidii NAZI-gii jarmalka. Maxaa diidaya in wixii oo kale mar kale dhacaan, haddii aan cid lagu canbaarayn oo la daba galin. Iska daa dabagal la sameeyo oo Maslax Siyad Barre ayaaba mar walba isu soo sharraxa madaxtinimada Somalida.  Uma jeedo waa inankiisii oo danbiga aabbihii ayaa loo qabsan karaa. Waxan u jeedaa waa nin sarkaal sare noqday oo ka qeb  qaatey burburka waddanka, waliba isagoo helay awoodda aabbihii, gaar ahaan sannadihii u danbeeyay ee wax waliba qaldameen.







1 comment: