Saturday, January 26, 2013

Maxaa laga sugi karaa hoggaan mucuurtoon ah?




Maxaa laga sugi karaa hoggaan mucuurtoon ah?W/Q.Prof.cabdi cali Jamac.

Maamulka iyo qaab dhismeedka shirkad, haya’ad ama dawlad waa isku mid. Board-ka shirkadda ama hay’addu wuxu ka dhigan yahay barlamaanka dawladda. General manager-ku waa madaxweynihii, halka managers-ka laamuhuna ka dhigan yihiin wasiirada xukuumadda. Haddii laga tagi waayo, garsoorka ayaa ka maqan shirkadaha iyo hay’adaha, inkastoo la odhan karo iyaga laftoodu waxay leeyihiin guddiyo anshaxmarin iyo wixii la mid ah.

Si kastaba ha ahaatee uma baahna in ay garsoor gaar ah yeeshaan waayo garsoorka qaranka ayaa ka dhexeeya waddanka oo dhan. Hadddii ay dhacdo in is qabsi sharciga la xidhiidha  ka dhex dhaco shirkadaha ama hay’adaha, halka ay isla tagayaan waa maxkamadaha dalka. Sidaa darteed garsoorku wuxu leeyahay dabeecad gaar ah oo ah in uu u dhexeeyo cid walba, dawlad iyo shicibba. Sidaa darteed, waxaad halkaas arkaysaa in cid kasta ku shaqayso saddexda dhardhaar ee fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka.

Haddaba,  maqaalkan waxan kaga hadlaynaa dhardhaarka xukuumadda oo aad mooddo inuu u shaqaynayo ama uu u hawlgalo qaab ka dhigtay hawlwadeenada xukuumadda, gaar ahaan halka u sarreysa, madaxtooyada,  mid mucuurtoon ah,  marka aad aragto culayska hawsha ku dhacaysa masuuliyiintaas oo uu  ku jiro madaxweynuhu.  masuuliyiin naftii hayso oo culayskii ka batay, lagama sugi karo iny u fikiraan si istraatiji ah. Waxa laga fili karaa oo kaliya inay la tacaalaan maalin walba waxa soo kordha, taasoo midiba mid masaxayso.

Su’aasha laga yaabo inaad is weydiinayso waxa weeye: ma iyagaa isugu wacan arrintan mise duruufo kale ayaa keenay culsyskan xad-dhaafka ah?  Si kooban haddii aynu uga jawaabno suaashaas, waxaynu odhan karaa waxa sababay arrintan waa habka maamul ee soo jireenka noqday xukumadihii kala danbeeyay, taasoo shimbirtii dhaqaaqdaba aan qasriga la’aantii  waxba laga qaban Karin. Haddii ay ka tahay wax walba adiga ha kaa go’aanna, taasi waa korriinkeena xagga garaadka oo aad u danbeeya, maxaa yeelay hawsha meesha taallaa waa mid ka weyn wax qof iyo laba ka go’a.

Sidee baa looga bixi karaa mashkiladdan? Waxay ila tahay sida looga bixi karaa waa macruuf laakiin innaga oo kale inooma sahlana. Taas macnaheedu ma aha lama samayn karo.  Qaab dhismeedka maamul ee Shirkad, hay’ad ama xukuumad wuxu u qeybsamaa heer sare, mid dhexe iyo mid hoose. Afka ingiriisiga waa: strategic level, supervisional level and operational level.  Labada hoose ayuu culaysku ku dhacaa, taasoo keenta in xagga sare ay hesho fursad iyo waqti ku filan si ay u gudato qeybta ay shaqada ku leedahay oo ah in ay dejiso istriraatijiyadaha, xeeladaha iyo diyaarinta xeerarka waddanka lagu hoggaaminayo. Taasi innaga oo kale oo xero- ka- bax ah inooma dhib yara.

Waxay u baahan tahay in la soo celiyo iimaanka iyo kalsoonida ay dadku ku qabaan heerarka  hoose iyo dhexe ee maamulka taasoo beri hore luntay. Si loo soo celiyo kalsoonidaas waxay u baahan tahay in si taxadir leh loo soo xusho kaadir hufan, karti iyo aqoonna leh ka dibna awood la siiyo. Taasina waxay u baahan tahay in la dejiyo qaabdhismeed is jeeg garaynaya, taasoo suuraglinaysa in masuul kasta ay jirto cid looga ashkatoon karo. Dadkeennu waxay moodaan in maxkamadaha oo kaliya laga qaato ambiilka, laakiin sidoo kale go’aanada maamulkana waa laga qaadan karaa. Haddii tiro kala sarreysa oo dadkaas hufan ay isku raacaan go’aan idaariya, waa in sidaa lagu socodsiiyaa.

Halkaas waxaad arki kartaa in ay arrintani u baahan tahay mashruuc dib u habayn ah oo dhidibada loogu aasayo maamul hawl kar ah oo wax tar ah. Haddaan lagu dhiirran oo  immika la bilaabin waa qabyo ina sugi doonta. Waxan rajaynayaa in aynaan caruurtieena u dhaafi doonin hawshaas, saa inta kale ee sugaysa ayaaba ciiddaas ka badan.


No comments:

Post a Comment