Saturday, October 27, 2012

Waa illaa goorma kubbadan sharabaadka ahi?



Waa illaa goorma kubbaddan sharabaadka ahi?: By: Prof. Abdi Ali Jama.

Innagu waxaynu u haysanaa in aynu ciyaarayno kubbad hagaagsan, laakiin aniga waxay ila tahay in aynu dheelayno kubbad sharabaad ah. Waagii aanu dhallaanka  yar yar ee soo koraya  ahayn umaanu nasiib badnayn sida ubadka maanta nool ee sida sahlan u heli kara kubbad raqiis ah oo ay ku ciyaari karaan. Sidaadarteed, waxay dantu nagu qasbi jirtay in aanu farsamaysanno kubbad ka samaysan sharaabaad, oo  lagu cabbeeyay walxo kala duwan. Laakiin ujeedadu waxay ahayd uun inaanu ku ciyaaro, may jirin ujeeddo kale oo sidaa u sii ridan inkastoo goolal lakala dhalin jiray.

Tan iyo intii aynu calanka qaadanay 1960kii, waxad mooddaa inaynu ciyaarayno kubbaddaas sharabaadka ah. Haddaba waxa is weydiin leh goormaynu  u gudbaynaa kubaddii caadiga ahayd ee ujeeddada lahayd ee istaraatiyadda iyo shuruucda lahayd. Annagu markii aanu kornay waxanu u gudubanay kubbadii hagaagsanayd. Si kastaba ha ahaatee,  ma diidani in aynu ku bilawno kubbadda sharabaadka ah, laakiin waxaa wax lala yaabo ah rag waawayn—dumarku awalba kubbada iyo siyaasadda midna may ciyaari jirine—oo kubbad sharabaad ah ku ciyaaraya hadh iyo habeen oo aan ka daalayn,  kana dallacayn.

Immika ayaa sidii  ugu weyneyd loogu saftay kubbadii sharabaadka ahayd. Waa doorashada golaha degaanka oo sida xisbiyadu ugula soo baxayaan musharaxa qabiilka ay I xasuusisay sidii labada hoggaamiye ee caruurtu u cugan jireen ciyaartoyga mid walba kooxdiisa u ciyaaraya. Alla astaqfurallah!!! Taas baa caddaaladda iyo runta uga dhawayd. Haa waayo? Wuxu ku soo xulan jiray aqoon iyo garasho uu u leeyahay inanka uu rabo inuu kooxdiisa u dheelo, halka kuwan xisbiyadu ay iska qaadanayaan qof reer hebel u soo duuduubeen oo aanay waxba ka aqoon,  ama waabay yaqaannaan laakiin arrinku waa awrka aan isku kacsano oo meesha qiyaastii digo iyo danbas baa la kala iibsanayaa!!!!

Taasi waa xulashadii iyo doorashadii, ee waxa igaga sii daran halka ay u socdaan oo aan aan xogogaal u ahay  sida xaalkeedu yahay iyo  in aanay maanta u baahnayn kooxo kubbad sharabaad ah ku ciyaara. Waa meel ay dishootay kubbadda caruurta ee aynu ka hadlaynaa.  Tusaale ahaan, gole degaan oo aan ka mid ahay ayaa loo doortay Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 2002. Maayar iyo maayar xigeen ayaanu annaguna iska sii dhex dooranay.  Intayada kale  ayaa laga rabay in aanu ka diidno in ay meesha ku ciyaaraan kubbadda caruurta, laakin golaha laftiisii ayaa ka mid noqday kooxihii ciyaarayay kubbada sharabadka ah.  Haddii aad isku daydo inaad wax u sheegto ama u caqli celiso waxa ka dhacday wixii miyir qababa la hadal. Waayo, akhriste,  arrintu ma aha meel soke  ee waa sida qofku u fikirayo iyo waxa u qiimeynayo(values and attitude). Faan weynaa!!!! ma adigaa ka joojin kara nin u arka inuu helay fursaddii cimrigiisa oo aan malaha dib usoo marayn.

Mar mar baan is idhaa malaha waxa roon in aynaan is daalin oo aynu iska dooranno madaxweyne iyo maayarro kaliya mar haddii aynaan dheelayn ciyaarta runta ah,  taas oo ah marka golayaasha degaanka iyo barlammanku miisaankii loo baahnaa leeyihiin; waa marka ay qaadan karaan doorka siidhiwalaha iyo calanwalaha, taasoo ciyaarta ka dhigaysa mid nadiif ah oo sharciyo leh, ujeeddo iyo ka jeeddana leh.  Waa marka uu ogyahay ka ciyaaraya in uu jiro siidhiwale siinaya huruud ama casaan haddii uu ciyaarta si fiican oo hufan u dheeliwaayo.
Prof. Abdi Ali Jama
Profabdiali.blogspot.com



No comments:

Post a Comment