Saturday, June 1, 2013

Labadaa qalad aan daba qabatayno




Labadaa Qalad Aan Daba Qabatayno. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

Waa mabaadida yacyacoodka ah iyo reer waqooyinimada shaashowday. Aan mid mid u kala qaadno.

Mabaadi’da aynu ka dhignay yac-yacoodka.

Markii aynu dalka soo galay mid weynu ku guulaysannay illaa xad, laakiin mid baa jirtay ina seegtay. Si fiican baa laga yeelay dadkii ka soo jeeday degaanadii  aan SNM-ta ahayn ee dawladdii Siyaad Barre taageri jiray. Muu  dhicin aargoosigii uu ku bajin jiray Af-weyne si ay u difaacaan taliskiisa. Taasi waa heer guud(mid degaan iyo qaran)—Macro level- si fiican baany u dhacday dadkaas laguma xadgudbin bal iskaba daaye waxa isku dhacay oo isku xa-gudbay oo dagaalamay degaanadii SNM-ta isku ahaa. Waa se laga bogsaday iyadana. Carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw oo wey is qaniinaan.
Halka sartu ka qudhuntay waa heerka qofka—Micro level  oo macnaheedu yahay sidii loola xisaabtami lahaa dadkii(afraaaddii) madaxda ama saraakiisha ka ahaa taliskii afweyne illaa intuu ka dhacayay. Uma jeedo madax oo dhan; waxan u jeedaa kuwa danbi siyaasadeed ama dagaal galay. Waxay ahayd-iyadoon heyb loo eegin- in shaqo laga qabto iyadoo sharciga la waafajinayo. Waxan u jeedaa xukun tawriya oo muujnaya in isbeddel meesha ka dhacay. Bal iska ba daayee waxa u suuragashay in ay talada waddanka ka qeyb galaan oo heshiisyadii dadka dhex maray ka faaiidaystaan. Taas oo keentay in ay arrintani inoo dhuumato. Waana gaf weyn oo taariikhi ah. Waa jiho la’aan. Waa akhaalq xumo. Waa la jiifiyaana bannaan,  mar haddii qofkii danbiilaha ahaa isaga oo qabiil ku gabbanaya ay taasi u suuragashay.

Sidoo kale waa kala jaad in beelaha iyo degaanadu walaaloobaan iyo in dhagar qabahu  ku dhex gabbado.  Manay ahayn in labadaa la I sku qaldo. Anigu waxan qabaa waa halkii Cumar Iid’e in ay furan tahay igama qudhunto igama gubato. Waayo waa arrin mabada’ ah oo aynaan ka tanaasuli Karin. Wixii ka nool waa in sharciga la horkeeno ama isagoo  maqan la xukumo. Haddii kale ii sheeg halgankii aynu soo galnay macnihiisii. Maxaynu u sheegnaa caruurta iyo jiilasha danbe. Waliba waxay ahayd in laga bilaabo kuwo ka soo jeeda degaannada SNM-ta taageeri jiray. Maalintaas ayuu u ogaan lahaa qof kasta oo madax noqdaa mustaqbalka in aan shakhsiyan looga dhaafi Karin danbi uu galay haddii xataa dadku hesshiiyaan. Halkaasi, waxay ahayd fursad lagu kala saari karo qofka iyo qabiilka. Waxay ahayd fursad qaaaliya oo sharciga dhidibka loo taagi lahaa. Waxay ahayd fursad xaqa iyo baadilka si fudud loo kala saari lahaa.

Immika tan sare waxay keenaysaa in ay innaga biyowdo doodii aynu kula dagaal gallay Siyaad Barre iyo taliskiisii. Waxay odhanayaan kuwii qabiilka ku taageeri jiray Siyad Barre, idinka laftiinu qabyaalad ahaan ayaa Siyaad Barre ula dagaal gasheen. Waa arrin u muuqan karta in aynu isku mid ahayn iyaga iyo innagu. Markaa dhaqankeena ayaa beenin kara ama rumayn kara dooddaa adag ee illaa immika dabada haysa gobollo ka mid ah Somaliland. Waxay ahayd in aynaan leexleexan. Maxaa yeealay taasi waxay macno tiraysaa halgankii xaqa ahaa. Waxay kaloo dhaawacaysaa is aaminka iyo kalsoonida aad dawlad ku dhisayso. Waxay cawaraysaa taariikhda suuban ee aad u gudbin lahayd jiilasha danbe.

  Reer waqooyinimada .
Mabada’ ahaa in beelaha iyo degaanadu nabdaan oo dawladda Somaliland ku wada dhawaaqaaan waxay ahayd tallaabo fiican oo hore loo qaaday marka laga hadlayo soo noolaynta reer waqooyinimadii shaashowday ee dhaawacantay. Horta taariikh ahaan nabarka  ugu horreeya wuxu soo gaadhay reer waqooyinimada markii aynu la midownay koonfur. Dhaawacii labaad wuxu soo gaadhay reer waqooyinimada ka dib markii SNM ay ku guulaysan kari weyday in beelaha kale ay ka mid noqdaan ururkooda.  Sidaa darteed, halgankaas aynu kaligeen galnay wuxu haaa qallooca ugu weyn ee galay reer waqooyinimada. Qallocaa waxa la odhan karaa shirkii Burco ayaa badh ahaan daweeyay.

Waxa kale oo xusid mudan  hantidii gaarka ahayd ee dadkaasi lahaayeen sida dhismayaasha oo aan lagu talo xumoobin sida Xamar ka dhacday. Taasi waxay ahayd in ay soo dhawayso qoysaskii deganaa magaaloyinka waaweyn. Taasi, laakiin, may dhicin. Haddaba waxa jirta mid ina hoos martay taasoo ah inynu  qoys qoys  –Micro level--   ula xidhiidhno dadkii  degi jiray Hargeisa, Burco iyo Berbera ee aan beesha dhexe ahayn. Waxaad moodda in ay dadkaasi ay is qalbi raaciyeen taliskii afweyne, dhinaca kalena aynu innaga lafteenu ku guul darraysanay in aynu ka iibino qaran cusub oo loo siman yahay. Kalsoonida dhaawacantay may ahayn mid si fudud ku soo noqonaysa, laakiin halka innagu aynu isku mashquulay ama is cajabinay waxay ahayd in aynu qeyb ka mid ah maamulka dawladda cusub u xil saaro hawshaas. Waxan qabaa in maanta qarankeenu muuqaal kale yeelan lahaa.

Si kastaba ha ahaatee immikaba waynu daba qabatayn karnaaa  wixi inna seegay. Waayo immikaba fari kama qodna qaranka quruxda badan ee aynu rabno inaynu dhisno. Markaa immikaba waa laga hawl  gali karaa. Waxaan wada ognahay in dad badan oo reer Hargeisa ama Burco ahaa ay maalintii Af-weyne dhacay laga bilaabo noqdeen dad ka tirsan kilinka shanaad ee Itoobiya ama Puntland . xataa kuwooda qurbaha degan waxay ku xidhan yihiin meelahaas aynu soo sheegnay.  Ka warran dhibka intaa le’eg ee soo gaadhay dadkaas iyo innaga lafteena khasaaraha innaga soo gaadhay maqnaanshahooda. Maxaa yeelay horaa loo yidhi oodi ab ka dhaw. Haddii aynu rabno in aynu immikaba soo dhawayno dadkaas, waxa loo baahan yahay dadaalkeedii iyo aragtideedii.  Laakiin ogow cidna ma qaldi karno. Waxay dadkaasi innagu aamini karaan mabaadi’ cad cad oo ku dhisan muwaadinimo dhab ah oo aanay dadkaasi tirsan in wax la dheer yahay.

Ugu danbayntii, qaranka cusub ee Somaliland ee aan ku riyoonayo ama aan hilaadinayo waa mid saxi kara labadaa qalad ee waaweyn ee aynu galnay ee aynu kor ku soo sheegnay. Mabaadi’da yac-yacoodka ah oo laga badheedho iyo reer waqooyinimada oo la dhammaystiro inta ka dhiman ayaa dul iyo hoos qarankeena qabyo tiri karta.

1 comment:

  1. This is one of the best articles ever, especially your first point. I agree wholeheartedly that without offending a whole tribe or sub-set of people, we should have punished the people who committed human rights violations and the to deal with them in a very transparent legal manner.

    I agree again that not having done that will go down as one of our greatest mistakes and transgressions against the people who had to be lead by a man who might have ordered the murders and killings of their family members, a very very sad situation.

    ReplyDelete