Friday, June 21, 2013

Question about the humdrum recognition.




Question about the Humdrum Recognition. BY:Prof. Abdi A. Jama.             

Is recognition a political or legal issue? The answer would be: it is both ways indeed. However, in my view, it is much more political than legal. In this context, the politics we are talking about is foreign policy whereas the law we are talking about is international law. They both interact in a very dynamic way to such an extent that it would often render international law unethical, double-standard and immoral. Some times, you might, as an observer, come up to a conclusion that what we call international law—per se-- does not exist, but just mere super power game.

As Somalilanders, shall we follow the political way or the legal one to attain the humdrum recognition we aspire to? In succinct answer: no matter which path you pursue, both of them might end up to international political arena. However, the political one is much easier, for it starts and ends with politics without involving any legal or military mission. This can be attained by building partnership with some regional and international governments that might recognize you out of their geopolitical interest in the region. However, building partnership with such outside forces requires caution and creativity simultaneously.

The legal path starts dialogue with Mogadisho, --as being done right now—and might end to one of two scenarios. The first scenario is to get Mogadisho recognize us, and this would finish all the complications that are associated to the issue. The second scenario arises if Mogadsiho refuses to recognize us. This might lead to military confrontation in the long run that would inflict heavy losses on both sides. Therefore this should be preculeded at any cost.

In the case of second scenario, foreign countries would consequently intervene ostensibly trying to stop war and start negotiation. However, this usually happens after both sides already went under heavy devastation and loss of life.
So, given that Somaliland is doggedly determined to break away, it is up to Mogadisho not to choose the devastating bloody war path. In this scenario, the issue would be automatically regional and international. It would be discussed in OAU as well as in UN conferences. So it would turn out to be political down the road. And therefore, it is regional and international superpowers that would harness it for their geopolitical interests, perhaps by giving military support to this side or to that side.  

However, history teaches us that things would end up to divorce with the help of outside powers, knowing the fact that separation is much easier than imposing unification. If Mogadisho people do not read the situation in the same manner, it is waste of time trying to convince them!!!!!!











Su'aal la xidhiidha ictiraafkan bilaa xiisa ah.




  Su’aal la xidhiidha ictiraafkan bilaa xiisaha ah. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

Ictiraafku ma masalo siyaasadeed-baa mise waa mid sharci ah. Jawaabtu waa haa labadaba. Laakiin inta ay tahay masalo siyaasiya ayaa ka badan inta ay tahay masalo sharci ah. Halkan sharciga aynu ka hadlayaa, akhriste,  waa sharciga caalamaiga ah(International law), siyaasadda aynu ka haldynaana waa siyaasadda arrimaha dibadda(Foreing policy). Labadoodu waxay isula falgalaan si joogto ah, taasoo marar badan ka dhigaysa sharciga caalmiga ah mid ku sifooba la jiifiyaana bannaan. Mararka qaarkood waxa ba aad is odhanaysaa ma jiro wax la yidhaa sharci caalami ah ee arrinkuba waa dano siyaasadeed oo ay dheelayaan quwadaha waawaayn ee adduunku.

Ictiraafka Somaliland marka aynu raadinayno ma waxa aynu u marnaa dariiqa sharciga ah mise ka siyaasiga ah? Jawaabta oo kooban wax weeye: mid kastood raacdo ba, wuxu arrinku ku biyo-shubanayaa siyaasadda caalamka iyo sida aad ula jaan-qaaddo. Si kastaba ha ahaatee, waxa fudud dariiqa siyaasiga ah. Maxaa yeelay isagu kula gali maayo iska hor imaad meletari ama arrimo sharci oo adag. Tani waxay u baahan tahay in aad la bahawdo qaar ka mid ah dawladaha gobolka iyo kuw caalamka, kuwaasoo iyaguna dan geo-political ah kaa leh. Laakiin ma sahlana in aad la bahawdo, waayo waxay arrintani u baahan tahay taxadar iyo calool adayg wadajir ah.

Dariiqa sharciga ahi wuxu ku bilaabmayaa in Muqdisho la la hadlo—sida immika la wado. Taasina waxay ku danbayn doontaa laba mid:  waa ta kowaade, in Muqdisho  ina aqoonsato. Tani waxay meesha ka saaraysaa dhibkii ku xeernaa arrinka o odhan. Haddii ay ina diido, tani waxay keeni kartaa iska hor imaad melatari muddada dheer. Waxana ay dhalin kartaa khasaare laxaad leh oo soo gaadha labada dhinacba. Waa in laga hortagaa sidii aanay taasi u dhici lahayn wax kasta oo ay ina kallifayso.

Haddii isku dhacaasi yimaaddo, waxa dhacaysa in dawladaha shisheeye soo faro-gashadaan iyagoo ku marmarsoonaya dhexdexaadin. Laakiin tani waxay had iyo jeer dhacdaa goor labada dhinacba isla baab’een.

Haddaba, maadaama Somaliland ay ka go’an tahay in ay iska tagto, reer xamarka  ayay u taallaa in ay ka  leexdaan dariiqaa dhiiga badan iyo burburka keeni kara. Hadday sidani dhacdo oo la iska hor yimaaddo, arrinku wxu gaadhayaa heer gobol ama caalami. Waxa lagaga hadli doona OAu iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Waxa arrinku xagga danbe ka noqonayaa siyaasad iyo in dawladaha danaha inaga lihi ay uga faa’iidaystaan sida dantoodu ku jirto, iyada oo laga yaabo in dhinacyada is haya ay kala taageeraan, xataa meliteri ahaan.

Calaa kulli xaal, waxay taariikhdu ina baraysaa in arrinka noocan oo kala ahi uu ku danbeeyo in la kala gurto oo la kala go’o, gaar ahaan marka adduunku soo faragashado. Maxaa yeelay kala guridda iyo kala goynta ayaa had iyo jeer ka sahlan in la isku qasbo dad aan is doonayn. Haddii intaa ay fahmi kari waayaan reer xamarku, gu’ ba may jirin ee aniga ayuun baa iska daalaya.!!!!!!!!






Friday, June 7, 2013

Wali ma lagaa raacay maqaal aad qortay?!!!!!





Wali maqaal aad qortay  ma lagaa raacay?!!!W/Q: prof.Abdi A. Jama.

Muddo laga joogo qiiyaastii shan bilood ayaan qoray maqaal. Waana kan hoos ku qoran ee akhriste bal ila eeg:

Warqad furan oo ku socota Wasiirka Qorshaynta iyo lacagta lagu soo rogayo qurbajooga. By: Dhaqaalayahan: Abdi Ali Jama.
Salaan ka bacdi, waxa aan u  holladay qalinka si aan waxooga talooyin iyo iftiimin ah uga soo jeediyo qorshaha qurba jooga  laga rabo in ay bixiyaan lacag yar oo dheeraad ah,  markasta oo ay xawaalad soo dirayaan. Qorshahaas wuxu u baahan yahay in laga baaraandego oo aynu lafagurno sida uu u hirgalayo iyo saamaynta taban ama togan ee uu ku yeelanayo dhinacyada uu khuseeyo.

Waxa jira saddex dhinac oo aasaas u ah hirgalinta mashruucan, kuwaasoo ah xawaaladaha, dawladda iyo muwaadiniinta lacagta bixinaya.  Anigu waxan qabaa in arrintani ay tahay fikrad qurux badan laakiin gidaarka waaqaca madaxa ku dhufan doonta marka la is yidhaa fuliya. Bal aan mid mid u soo qaadanno saddexda dhinac ee mashruucani taabanayo.

Dawladda:
Haddiiba qurbajoogu u hogaansamo mashruucan,  dawladdu ma laha awood farsamo oo ay ku xisaabin karto lacagta ay qubojoogu soo dhigeen. Tani waxay la mid tahay cashuurta iibka ee lagu soo rogay illaa hoteelada cuntada taasoo wasaaradda maaliyaduu aanay haysan farsamo iyo hannaan ay kula xisaabtanto meheradaha, taasina waxay keentaa in qofkii muwaadinka ahaa laga qaado lacagtii, isla markaana aanay lacagtaasi wada gaadhin qasnadda dawladda. Taasina waxay ka dhigan tahay tiiyoo meheradaha loo fasaxay in ay baadhaan jeebadaha muwadiniiinta marka horeba ka dakhli  hooseeyay kuwa meheradaha leh ee ladan(negative impact on income distribution)

Shirkadaha xawaaladaha.
Dhinaca labaad ee arrintani khusayso waa xawaaladaha, kuwaasoo dawladda u qabanaya lacagta. Way adkaan doontaa in ay ina siiyaan macluumaad sax ah oo lagu ogaado lacagtii la soo diray, waayo waxay ka baqanayaan in la ogaado xaddiga  lacagta ay soo xawilaan taasoo sidaynu ognahay immikaba dawladdu dhibaato kala kulanto inay ogaato tirada lacagta dhabta ah ee ay soo xawilaan xawaaladuhu,  si looga qaado cashuurta loo yaqaan cashurrta daqliga(income tax). Haddi ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta ay dawladda u soo direen qurba joogu marka mashruucani hirgalo, waxay ka baqanayaan in aynu xisaabin karno lacagta guud ee ay soo xawileen dabdeedna ay halkaa ku dhammato dhibatadii kala haysatay iyaga iyo wasaaradda maaliyadda.  Haddii boqol dollar oo kasta qofka qurba jooga ahi soo raaciyo hal dollar oo kaliya, oo aynu ogaano  wadarta lacagtaas, waxa si sahlan loo xisaabin karaa lacagta guud ahaan xawaaladduhu soo xawileen.  Shirkadaha xawaaladuhuna ma aha qaar intaa aan fahmayn,  sidaa darteed waxan qabaa in aanay xaggooda ka suuragalayn in ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta qaadhaanka ah ee la soo diray. Haddii ay sidaasi dhacdana, waxay noqonaysaa in aynu  iyaga marti uga noqonno inta lacag qurbo- joogu dawladda u soo direen, si la mid ah sidii awalba w.maaliyaddu ugu qasbanayd in ay la xaajooto xawaaladaha si ay uga qaaddo cashuurta.

Muwaadiniinta.
Ugu danbayntii dhinaca saddexaad ee mashruucani  khuseeyo waa muwaadinka taasoo arrintani ay keenayso saamayn aan fiincayn oo caddaalad darro ku ah muwadiniinta lacagta soo diraya,  maadaama lacagtu ay ka imanayso dad u badan danyar oo qurbaha  jooga,  isla markaan ay ku dhacayso shirkado xawaalado oo marka horeba ladnaa ama si kale haddii aynu u dhigno,  maadaama lacagtu ka imanayso dad fara badan oo baahsan isla markaana ay ku soo dhacayso  gacmo tiro yar oo ah mulkilayaasha xawaaladaha taasi waxay keenaysaa in la sii kala fogaado xagga qeybsiga dakhliga(inequality gets worse by the project).  Bal ka warran haddii aniga immika qof kasta oo muwaadin ahi ii soo diro hal dollar, saw daqiiqad ku  taajiri maayo!!!! Waxaba aan soo jeedin lahaa inta aynu wan weyn subag ku shubayno, in aynu isla qaadanno mashruuc aynu maalinba muwaadin inaga mid ah aynu taajirino; aan waliba codsigayga raacsadee, aniga ha la  iigu horreysiiyo sacadutul wasiir!!!!!!!!!!

Sidaa darteed waxan ku soo koobayaa talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa,  ee aynu isaga nimaadno marka hawlaha ceynkaas oo kale ah la galayo, waayo ma aha dadka aan xilka haynin in ay u fekeraan in laga xigo talada waddanka, kuwa talada hayaana ay is xigsiiyaan talada. Waxan qabaa in arrin walba cidda u ehelka ah ee aqoonta la bidayo ay isaga yimaaddaan oo ay lafaguraan inta aan laga dhigin sharci ku soo baxa amar dawladeed oo aan markaas waxba laga odhan Karin.




Saturday, June 1, 2013

Labadaa qalad aan daba qabatayno




Labadaa Qalad Aan Daba Qabatayno. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

Waa mabaadida yacyacoodka ah iyo reer waqooyinimada shaashowday. Aan mid mid u kala qaadno.

Mabaadi’da aynu ka dhignay yac-yacoodka.

Markii aynu dalka soo galay mid weynu ku guulaysannay illaa xad, laakiin mid baa jirtay ina seegtay. Si fiican baa laga yeelay dadkii ka soo jeeday degaanadii  aan SNM-ta ahayn ee dawladdii Siyaad Barre taageri jiray. Muu  dhicin aargoosigii uu ku bajin jiray Af-weyne si ay u difaacaan taliskiisa. Taasi waa heer guud(mid degaan iyo qaran)—Macro level- si fiican baany u dhacday dadkaas laguma xadgudbin bal iskaba daaye waxa isku dhacay oo isku xa-gudbay oo dagaalamay degaanadii SNM-ta isku ahaa. Waa se laga bogsaday iyadana. Carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw oo wey is qaniinaan.
Halka sartu ka qudhuntay waa heerka qofka—Micro level  oo macnaheedu yahay sidii loola xisaabtami lahaa dadkii(afraaaddii) madaxda ama saraakiisha ka ahaa taliskii afweyne illaa intuu ka dhacayay. Uma jeedo madax oo dhan; waxan u jeedaa kuwa danbi siyaasadeed ama dagaal galay. Waxay ahayd-iyadoon heyb loo eegin- in shaqo laga qabto iyadoo sharciga la waafajinayo. Waxan u jeedaa xukun tawriya oo muujnaya in isbeddel meesha ka dhacay. Bal iska ba daayee waxa u suuragashay in ay talada waddanka ka qeyb galaan oo heshiisyadii dadka dhex maray ka faaiidaystaan. Taas oo keentay in ay arrintani inoo dhuumato. Waana gaf weyn oo taariikhi ah. Waa jiho la’aan. Waa akhaalq xumo. Waa la jiifiyaana bannaan,  mar haddii qofkii danbiilaha ahaa isaga oo qabiil ku gabbanaya ay taasi u suuragashay.

Sidoo kale waa kala jaad in beelaha iyo degaanadu walaaloobaan iyo in dhagar qabahu  ku dhex gabbado.  Manay ahayn in labadaa la I sku qaldo. Anigu waxan qabaa waa halkii Cumar Iid’e in ay furan tahay igama qudhunto igama gubato. Waayo waa arrin mabada’ ah oo aynaan ka tanaasuli Karin. Wixii ka nool waa in sharciga la horkeeno ama isagoo  maqan la xukumo. Haddii kale ii sheeg halgankii aynu soo galnay macnihiisii. Maxaynu u sheegnaa caruurta iyo jiilasha danbe. Waliba waxay ahayd in laga bilaabo kuwo ka soo jeeda degaannada SNM-ta taageeri jiray. Maalintaas ayuu u ogaan lahaa qof kasta oo madax noqdaa mustaqbalka in aan shakhsiyan looga dhaafi Karin danbi uu galay haddii xataa dadku hesshiiyaan. Halkaasi, waxay ahayd fursad lagu kala saari karo qofka iyo qabiilka. Waxay ahayd fursad qaaaliya oo sharciga dhidibka loo taagi lahaa. Waxay ahayd fursad xaqa iyo baadilka si fudud loo kala saari lahaa.

Immika tan sare waxay keenaysaa in ay innaga biyowdo doodii aynu kula dagaal gallay Siyaad Barre iyo taliskiisii. Waxay odhanayaan kuwii qabiilka ku taageeri jiray Siyad Barre, idinka laftiinu qabyaalad ahaan ayaa Siyaad Barre ula dagaal gasheen. Waa arrin u muuqan karta in aynu isku mid ahayn iyaga iyo innagu. Markaa dhaqankeena ayaa beenin kara ama rumayn kara dooddaa adag ee illaa immika dabada haysa gobollo ka mid ah Somaliland. Waxay ahayd in aynaan leexleexan. Maxaa yeealay taasi waxay macno tiraysaa halgankii xaqa ahaa. Waxay kaloo dhaawacaysaa is aaminka iyo kalsoonida aad dawlad ku dhisayso. Waxay cawaraysaa taariikhda suuban ee aad u gudbin lahayd jiilasha danbe.

  Reer waqooyinimada .
Mabada’ ahaa in beelaha iyo degaanadu nabdaan oo dawladda Somaliland ku wada dhawaaqaaan waxay ahayd tallaabo fiican oo hore loo qaaday marka laga hadlayo soo noolaynta reer waqooyinimadii shaashowday ee dhaawacantay. Horta taariikh ahaan nabarka  ugu horreeya wuxu soo gaadhay reer waqooyinimada markii aynu la midownay koonfur. Dhaawacii labaad wuxu soo gaadhay reer waqooyinimada ka dib markii SNM ay ku guulaysan kari weyday in beelaha kale ay ka mid noqdaan ururkooda.  Sidaa darteed, halgankaas aynu kaligeen galnay wuxu haaa qallooca ugu weyn ee galay reer waqooyinimada. Qallocaa waxa la odhan karaa shirkii Burco ayaa badh ahaan daweeyay.

Waxa kale oo xusid mudan  hantidii gaarka ahayd ee dadkaasi lahaayeen sida dhismayaasha oo aan lagu talo xumoobin sida Xamar ka dhacday. Taasi waxay ahayd in ay soo dhawayso qoysaskii deganaa magaaloyinka waaweyn. Taasi, laakiin, may dhicin. Haddaba waxa jirta mid ina hoos martay taasoo ah inynu  qoys qoys  –Micro level--   ula xidhiidhno dadkii  degi jiray Hargeisa, Burco iyo Berbera ee aan beesha dhexe ahayn. Waxaad moodda in ay dadkaasi ay is qalbi raaciyeen taliskii afweyne, dhinaca kalena aynu innaga lafteenu ku guul darraysanay in aynu ka iibino qaran cusub oo loo siman yahay. Kalsoonida dhaawacantay may ahayn mid si fudud ku soo noqonaysa, laakiin halka innagu aynu isku mashquulay ama is cajabinay waxay ahayd in aynu qeyb ka mid ah maamulka dawladda cusub u xil saaro hawshaas. Waxan qabaa in maanta qarankeenu muuqaal kale yeelan lahaa.

Si kastaba ha ahaatee immikaba waynu daba qabatayn karnaaa  wixi inna seegay. Waayo immikaba fari kama qodna qaranka quruxda badan ee aynu rabno inaynu dhisno. Markaa immikaba waa laga hawl  gali karaa. Waxaan wada ognahay in dad badan oo reer Hargeisa ama Burco ahaa ay maalintii Af-weyne dhacay laga bilaabo noqdeen dad ka tirsan kilinka shanaad ee Itoobiya ama Puntland . xataa kuwooda qurbaha degan waxay ku xidhan yihiin meelahaas aynu soo sheegnay.  Ka warran dhibka intaa le’eg ee soo gaadhay dadkaas iyo innaga lafteena khasaaraha innaga soo gaadhay maqnaanshahooda. Maxaa yeelay horaa loo yidhi oodi ab ka dhaw. Haddii aynu rabno in aynu immikaba soo dhawayno dadkaas, waxa loo baahan yahay dadaalkeedii iyo aragtideedii.  Laakiin ogow cidna ma qaldi karno. Waxay dadkaasi innagu aamini karaan mabaadi’ cad cad oo ku dhisan muwaadinimo dhab ah oo aanay dadkaasi tirsan in wax la dheer yahay.

Ugu danbayntii, qaranka cusub ee Somaliland ee aan ku riyoonayo ama aan hilaadinayo waa mid saxi kara labadaa qalad ee waaweyn ee aynu galnay ee aynu kor ku soo sheegnay. Mabaadi’da yac-yacoodka ah oo laga badheedho iyo reer waqooyinimada oo la dhammaystiro inta ka dhiman ayaa dul iyo hoos qarankeena qabyo tiri karta.