Friday, March 15, 2013

Haddaba, maxaa kiciyay shidaalka.




Haddaba, maxaa kiciyay shidaalka (Q. 2aad). w/q:  Prof. Abdi A. Jama.

Maadaama meeshii uu tartan jiro, kaasoo gaar ahaan u dhexeeya labada shirkadood ee u waaweyn, maxaa kiciyaya shidaalka?. Waaa su’aal muhiim ah. Jawaabtuna waa dhawr arrimood oo is biirsaday.

Waa ta hore’e, waxa la celiyay tiraba dhawr markab oo shidaal ah xagga tayada awgeed. Waa la dadaalay, laakiin mar baa jirta waxtarkaagu noqon karo waxyeello. Waxa loo baahnaa in go’aan qaadashada la hagaajiyo(decision making process) taasoo ah in go’aan kasta oo aad qaadanayso aad isu eegto dhibkiisa iyo dheeftiisa. Waliba markaad ogaato ka warran shidaalkii la celiyay inuu ahaa mid la aqbali karayay, yaanu gaadhin ba heerkii tayada laga rabaye.  Celintaasi waxay keentay shidaalkii oo yaraaday(shortage of supply), taasina waxay keentay in sicirku kaco. Sidaasi waxay waafaqsantahay xeerka dabiiciga ah ee dhaqaalaha.

Taasi waxay dhacdaa marka suuqu yahay mid tartan ku dhisan, halkaasoo dalabka iyo bandhiga(Demand and supply) oo kaliyi ka adeegayaan, dawladduna aanay faraha kula jirin, ha yaraato ama ha badnaato farogalintaasi ye.  Haddaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay, dawladdu faraha miyay kula jirtaa suuqa shidaalkeenna?. Jawaabtu waa haa. Sdiee?. Dawladdu waxay maamushaa haamaha shidaalka, sidaa darteed saamayn ayay ku leedahay suuqa shidaalka. Tani waxay u suuragalinaysaa dawladda in ay saamayn ku yeelato xaddiga iyo sicirka shidaalka(Quantity and Price). Mar haddii ay weelkii heyso kaasoo –monopoly-- u ah , dawladdu waxay kantaroli kartaa xaddiga shidaalka iyo tayadiisa, sida immikaba ay yeeshay iyadoo celisay shidaal.

Sidaas oo kale, weelku wuxu siinayaa dawladda in ay saamayn ku yeelato sicirka. Waagii Total joogtay, may dhicin marna in shirkaddaasi shidaalka keligeed kor u qaaddo(sicirka) iyadoon dawladdu kula socon ama ka ogolaan. Maanta oo aanay Total joogin, wax iska baddalay xaalkii ceynkaas ahaa ma jiro. Maxaa yeelay, dawladdu wali haamihii iyadaa iska leh, halkii Totalna waxa gashay wasaaradda ganacsiga. Waliba muddadii u danbaysay Total wax shidaal ah may keeni jirin ee haamaha ayuunbay maamuli jirtay. Taasi waxay ku tusaysaa in xaalku xaalkii uun yahay.

Waxa intaa dheer, culaysyo ku soo kordhay shirkadaha shidaalka, gaar ahaan intii Total ka baxday meesha, ha ugu horrayso cashuur kordhin, celin shidaal iyo culaysyada aad garan karto ee madax dawlad innagoo kala ah. Taasi waxay keentay in wasaaradda ganacsigu maadaama ay ogtahay xaalka shirkadahaas in ay u garaabto ama ugu yaraan u bislaato in aanay ka hor iman kordhinta sicirka shidaalka. Waxa midhkaa laga fahmi karayay dooddii telifishanka qaranka, halkaasoo wasiirku dooddiisa uu xoogga saarayay sida aanay isugu miisaanayn inta sicirka shidaalku kordhay iyo inta leydhka iyo adeegyada kale kordheen isagoo leh intaasaa ku korodhay shidaalkee, maxaa intaasuun u kordhin weydeen. Rutii waa dood caqli ku dhisan, waxan se ka xumahay suuqa oo isaguna caqligiisa u goonida ah is ka leh. Wasiirku wuxu la garnaqsaday shirkadaha leydhka oo madasha fadhiyay, laakiin maan maqal isagoo la garnaqsanaya shirkadaha shidaalka ee meesha fadhiyay oo leh maxaad u kordhiseen sicirka, maxaa yeelay iyaga war iskuma seeganayn qiyaastayda, haddii aanan qaldanayn.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jira keyd shidaal oo shirkadaha laga dhigo, kaasoo loogu talo galay laba arrimood:
1-in dawladdu qiimo nasilan ku iibsan karto, haddii baahi degdeg ah oo qaran timaaddo.
2-in laga iibiyo adeegyada halbawlaha ah sida shirkadaha leydhka iyo basaska, haddii shidaalku kala go’o.
Maanta waxay ahayd maalintii qodobka danbe la fulin lahaa ee shidaalka keydka ah laga iibin lahaa shirkadaha leydhka iyadoo loo xisaabinayo sicirkii hore. Mayse dhicin. Waxa isaguna war xiiso leh noqon kara—haddii uu sugmo-- in shirkadaha leydhka ee Berbera iyo Hargeisa ee dawladdu leedahay laga iibiyay shidaalkii keydka ahaa iyadoo loo xisaabinayo qiimihii hore halka kuwii gaarka loo lahaa ay ku qasban yihiin in ay sicirka kacay ku iibsadaan. Waa yaabee, miyaanay ujeedada ugu danbaysaa ahayn in loo daneeyo qofka muwaadinka ah. Boqolkiiba inteebay adeeg leydh siiyaan shirkadaha dawladda ee ka jira Hargeysa iyo Berbera oo kaliya. Halkaas mays tidhi fahanka dawladnimada ayaa naaqis ah.  Shirkadahaas oo awalba aan is bixin jirin oo aynu aragnay lacagta miisaniyadda ku jirta ee lagu kabay, miyaan ogolaan karnaa haddana in lagu naasnuujiyo keydka shidaalka. Allaylee, waxay ahayd in la daayo oo ay suuqa iska celiyaan sida kuwa gaarka loo leeyahay ba ay beerka ugu dhigayaan. Markii horena daw may ahayn in lacagta cashuur bixiyaha lagu kabo. Balse waxay ku fiicnayd in aan la kabin ee la daayo ha kacaan oo ha la arko tamar-darradooda(inefficiency) iyo maamul xumadooda(poor management).  Yaase yidhi, xoolaha cashuur bixiyuhu waa timir xabaal taal.

Guntii iyo gabogabadii, suaasha is weydiinta lehi waa: side baa looga gaashaman karaa in aanay tanoo kale mar kale dhicin. Yaase lagala xisaabtamayaa oo masuul ka noqonaya, waayo ma rabno in la isku tuurtuuro—macnaha shirkadaha iyo dawladda dhexdooda.

Jawaabta suaasha hore waa in la hubsado in shidaal yaraan aanay dhacayn haddii la is yidhaa shidaal celiya. Maxaa yeelay,  waxa jirta mar aad is leedahay wax taranso laakiin ay ka daran tahay waxyeelada aad geysanayso, gaar ahaan haddii shidaalku uu yahay mid tayadiisa la aqbali karo, yaanu ba gaadhin heerkii tayada la rabay.
Ta kale, keydka shidaalka ee awalba jiray ee aan ka soo hadalay in la sii xoojiyo. Isla markaana laga qeyb galiyo shirkadaha leydhka gaarka loo leeyahay ee aan lagu koobin uun kuwa dawladda, marka sidan oo kale shidaal yaraw dhaco.















1 comment: