Sunday, March 10, 2013

Nooca suuqa iyo siyaasaddeena shidaalka



 Nooca suuqa iyo Siyaasaddeena shidaalka. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

Mawduucani malaha wuxu ku fiicnaa in aan ballaadhiyo oo aan ka hadlo tamarta  (Energy)-ga oo dhan, halkaasoo ay soo galayso dhuxusha iyo Som-gaska aan wax ku karsanno iyo sidoo kale ilaha kale ee tamarta ee mustaqbalka sida dhuxul dhagaxda,  cadceedda iyo dabaysha.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo mawduucan tamartu(energy) uu yahay  mid aan kala hadhi Karin, halkan waxan liishaanka ku saarayaa shidaalka, kaasoo kaalin muhiim ah kaga jira nolosha dhaqaale ee dalka. Iskuma jiro shidaalkuye, naaftada(Diesel-ka) ayaa ah shidaalka ay noloshu aad ugu xidhan tahay.

Suuqa shidaalka,  hadda waqtin xaadirka ah, waxa soo dejiya shidaalka dhawr shirkadood. Labda shirkadood ee Red sea iyo Haas ayaa ah labada ugu waaweyn ee shidaalka xooggisa keena. Isku dar labadoodu waxay keenaan wax ku dhaw boqolkiiba sideetan. Halka shirkadda Red sea ay buuxiso baahida suuqa illaa 45% qiyaastii, shirkadda Haasna waxay waraabisaa suuqa Ilaa 35%. Boqolkiiba labaatanka soo hadhay waxa wadaaga shirkadaha yaryar ee kale.

Markay sidaas tahay, nooca suuqu waa Oligpoly. Suuqa waxa loo yaqaan oligopoly marka 2-4 shirkadood ay suuqa heystaan wax ka badan boqoliiba lixdan. Halkan waxaynu aragnaa in ay laba ka mid ahi haystaan boqolkiiba sideetan. Suuqa noocan ah tartanku ma sahlana. Maxaa yeelay waxa jira laba shirkadood oo waaweyn oo suuqii isku heysta isuna muuqda oo ficiltamaya sidii laba dumar ah oo la wada qabo. Tartanku markan oo kale wuxu noqonayaa  nooca loo yaqaan tartan istiraatijiyadeed (strategic competition). Shirkad kasta inta aanay tallabo qaadin waxay ka fikiraysaa sida ay shirkadda kale uga jawaabi doonto.

Dhinaca kale, marka laba shirkadood oo kaliyi ay suuqa heystaan, waxa la yidhaa lababa filo: in ay galaan tartan ciddiyo ku dagaallan ah oo ah kaas aynu kor ku soo sheegnay iyo in ay dadka u heshiiyaan (collusion). Haddii aanan qaldanayn, illa imika labada shirkadood ee suuqa shidaalka heystaa waxa muuqata in ay qaateen dariiqa tartanka,  taasoo tartankoodii uu gaadhay meel adag.  Sidan ayay danta ummadu ku jirtaa waayo haddii labada cimlaaq dadka u heshiiyaan taasi dan uma aha muwaadiniinta.

Si kastaba ha ahaatee,  waxa lagu hungoobay sheekadii odhan jirtay haddii Total la eryo, shidaalka ayaa jabi doona. Sida aynu la wada soconno wax ku kordha mooyee waxba iskama dhimmin sicirka shidaalka tan iyo intii la eryay Total. Xaqiiqadu wax weeye, in aanay Total shidaal keeni jirin intii danbe oo dhan laakiin ay maamuli jireen haamaha oo kaliya. Halkii Total immika waxa gashay wasaaradda ganacsiga ama maamulka haamaha. Taasi waa sababta wax isbeddel ah aynaan u dareemin. Waxa intaa dheer in xukuumaddu cashuurta shidaalka kor u qaaday intii Total la ceydhyay kadib.

Ugu danbeyntii anigu waxan soo jeedin lahaa in haddii sicir ama cashuur kordhin laga fursan waayo aynu baatroolka saarno, laakiin naaftada aynu ka ilaalino in wax korodh ahi sicirkeeda ku yimaaddo. Aniga ilama qummana siyaasadda shidaalka ee odhanaysa isku sicir ha noqdaan baatrolka iyo naaftadu. Maxaa yeelay waxaynu ognahay in naaftada ay wax waliba ku xidhan yihiin, taasoo haddii ay korodho ay wax walba kordhayaan. Leydhku wuu qaali garoobayaa waayo naafto ayay isticmaalaan, basku wuu qaali garoobayaa waayo naafto ayuu ku shaqeeyaa. Caanaha iyo hilibku way kacayaan waayo baaburta soo qaaddaa noolka ayay kor u qaadayaan maadaama ay naafto isticmaalaan. Sidaa darteed, haddii laga fursan waayo fadlan aynu qaali garayno baatroolka laakiin yaan la taaban naaftada.

Sidoo kale, tamarta oo dhan waa in aynu u maamullaa qaab aynu uga fikirnay tashiilka iyo ilaalinta degaanka . taasi waxay u baahan tahay in aynu dhiirigalino Som-gasta innagoo dhinaca kalena ka hawlgalayna sidii dhuxuldhagaxda iyo ilaha kale ee tamarta looga faaidaysan lahaa mustaqbalka. Waxa la yaab leh oo arrintaa ka soo horjeeda in xukuumaddu ay dhawaan kordhisay cashuurta Som-gasta,  taaso dad badan oo dhuxusha ka wareegay ay dib ugu soo noqdeen dhuxushii ka dib markii haantii laga siin jiray $25 ay noqotay $30. Aan is weydiino qoyska isticamaala Somgaska, immisa geed ayuu badbaadinayaa sannadkii?





No comments:

Post a Comment