Saturday, April 20, 2013

Dawladda hoose: turjumaad qaldantay.





Dawladda hoose: Turjumaad qaldantay!!!W/Q:Prof.Abdi A. Jama.
Ma sidaas baa oo dawladda hoose waa mid hoosaysa marka loo eego dawladda dhexe. Kalmadaha la turjumay waa: “Local government”. Afka carabiga si saxa ayaa loo turjumay waxayna noqotay: “A-dawla al-maxaliya ama Baladiya” oo micnaheedu yahay dawladdii degaanka; halka innagu aynu nidhi: “Dawladda hoose” taasoo ah turjumaad qaldan ama la qalad-fahmay.

Xaqiiqadu waxa weeye marka laga hadlayo dawladaha dimuqraadiga ah ee sharcigu sarreynta leeyahay in labada dawladood,  waa ta dhexe iyo ta hoose’e, ay ku wada shaqeeyaan sharciga kaasoo u kala xadeeya mid kasta awooddeeda, ilaheeda dhaqaale iyo adeegyada ay bixinayso. Sidaas waxa lagu caddeeyaa sharci ka soo baxay barlmaanka dadku doorteen. Sharcigaasi, Matalan, wuxu odhanayaa: dawladda dhexe waxay urursanaysaa cashuraha kastamada; dawladdda hoosena waxay qaadanaysaa cashuurta ardiyada. Dhinaca kale, isla sharcigaasi wuxu odhanayaa, Matalan, dawladda dhexe waxay ku shaqo leedahay samaynta iyo hagaajinta waddooyinka magaalooyinka isku xidha; dawladaha hoosena waxay masuul ka yihiin hagaajinta waddooyinka gudaha magaalada.

Marka sidaas sare ku qoran arrinku yahay, waxaynu fahmi karnaa in dawladda dhexe tahay dawladda weyn, tan hoosena tahay dawladda yar, oo macnaha ay kala weyn yihiin. Sidaa darteedna xagga protocol-ka ay mudan tahay dawladda dhexe.  Laakiin looma fahmi karo dawladda hoose hadday yar tahay way hoosaysaa oo ta dhexe ayaa dhakada ka saaran. Waayo waad aragtaa in aan waxba isugu  jirin. Maxaa isgu jira haddii loo kala duway meelihii ay dhaqaalaha ka helayeen iyo adeegyadii ay qabanayeen. Saw ma aha arrinku mid walowba, dhaqaalahaaga halkaa ka qaado, waxaas iyo waxaasna u qabo dadka.

Xaqiiqadu waxa weeye in labadoodaba laga rabo in ay raacaan sharciga. Haddii ay wax isku qabtaan ay ku kala baxaan qeynuunka. Waa suuragal in ay maxkamadda isla galaan oo runta loo kala sheego.

Haddaba, haddii arrinku sidaas kor ku qoran yahay, waa maxay mashkiladdan ina haysata ee marar badan ay madaxa isula galaan dawladda dhexe iyo ta hoose. Ama ta dhexe ay hoosta u gashato dawladdii dhamayd ee degaanka?

Jawaabtu waa: dhaxalka fikirka dawladeed ee uu inagaga tagay taliskii af-weyne halkaasoo dawladda dhexe ay dhaxal wareejisay maamulada degaanka, kana dhigtay waxaan jirin ama midiidin u ah dawladda dhexe. Taasoo ka dhigan in aynu erinay kaligii taliyihii Afweyne iyo taliskiisii  bustaha qoyan inna saaray, laakiin bustihii qoyanaa aynu iska dul qaadi kari la’nahay. Talaw, waa maxay sababtu? sababahu waa dhawr arrimood: danaysiga doqonniimada ah wax kaga dar, fiqiga dawladnimada oo inagu yarna eedda badh saar.






No comments:

Post a Comment