Sunday, April 7, 2013

Qeexidda qofka suubban, basarka leh ee edebsan.





Qeexidda Qof suubban, Basar leh oo edebsan. W/Q: Prof.Abdi A.Jama(Abdo).

Afeef: suubbanida, basarka iyo edebta waxan uga hadlayaa waa sida internationalka ah; macnaha sida qofka chineska ah, japaneska ama mareykanka ahi isku waafaqsan yihiin. Waxay ila tahaya aragtida islaamka lafteedu inay wax badan ku raacsan tahay. Sidoo kale dhaqanka Somaliga ahi wax badan buu la wadaagaa. )
Suubbanaanta iyo edebta.(integrity and etiquette).
Waa maxay farqiga u dhexeeya: suubbanida, Basarka iyo edebtu.  Horta, saddexdu way kala duwan yihiin, haddana ,wey is dhexgalayaan. macnaha, ma jiro xarriiq cad oo kala qeybiya.  Maxaa yeelay, waxa jira dhaqano ama ficilo ban’iidamku sameeyo, oo ay adag tahay in la kala sheego inay edeb-darro tahay ama basar-xumo ama suubbanaan la’aan.

Si kastaba ha ahaatee, waxan isku dayi doonaa inaan kala qalo saddexda intaan kari karo. Markaynu leenahay qof edebsan, waxaynu u jeednaa, Matalan, qof dad la dhaqankiisu xagga muuqaalka sare fiican yahay. Tusaale, hadddii qof marka maqaayadaha la fadhiyo aad u qeylqeylyo illaa xad dadku soo wada eegaan, waxaynu odhan karnaa qofkaasi wuu edeb daran yahay. Laakiin qasab ma aha inuu qofkaasi yahay qof aan suubbanayn ama xun. Markan leeyahay qof suubban waxan u jeedaa qof, matalan, daacad ah, aan anaani ahayn,  beenta aan sheegin ama ay ku adag tahay inuu been sheego, haddii uu sheegana damiirkiisu canaanto. Waxa suuragal ah qofkaa edebta daran in aanu beenta sheegin ama aanu khayaamada aqoon sidaa darteed qofkaas waxa laga yaabaa inay ka maqan tahay uun aadaabta wanaagsan ee magaalada lagu joogo.
 Suubanaanta iyo basarka.(integrity and discipline)
Basarku waa qofka oo noqda mid naftiisa kantarooli kara. Tusaale ahaan haddii qofku marka lala ballamo waqti go’an aanu ilaalin Karin waqtigii, ama uu had iyo jeer ka soo habsaamo waqtiga shaqada la bilaabo, waxa la odhan karaa qofkaasi wuu basar xun yahay. Laakiin, u fiirso, haddii uu ballantii oofin waayo gabigeedii oo dhan ama shaqadii ama xilkii uu qaaday gudan waayo iyadii oo dhan ama dayaco, markaa arrintu waxay noqonaysaa in suubanaantiisa qofnimo wax weyni ka maqan tahay, gaar ahaan marka aan la arkayn ee cidi ku kantaroolayn shaqadaas ee aarrinku yahay isaga iyo qofnimadii. Tusaale, meeshaba isagaa u sarreya ama saxeexa ugu danbeeya leh. Markaas weeye marka suubbanaanta qofku soo baxaysaa ee ma aha marka uu ka baqayo in shaqada laga eryo haddii uu dayaco shaqada ama uu ka baqayo in lagu qabto adduun uu xaday. Haddii uu sidaa darteed isaga daayay tuugada, lama odhan kara waa qof suubban.
 La yaab ma leh xaggeena waayo innagu dad muslin ah ayaynu nahay oo waxaynu aaminsannahay haddii aanay cidi ku arkayn ilaahay baa ku arkaya ee si fiican u gudo ammaanada, xilka ama shaqada laguu dhiibay; laakiin waxa la yaab leh in qofka chineska-ah, Japaneska-ah ama mareykan ah ay isku waafaqsan yihiin in suubanaanta qofnimo(integrity or ethics) ay tahay in qofku u guto ammaanadiisa ama xilkiisa sida ugu wanaagsan tiiyoo aanay cidina arkayn.
Basarka iyo edebta.(discipline and etiquette)
Labadani aad bey isugu dhaw yihiin, taasoo keenta in la isku qaldo. Edeb darradu, Matalan, waa qofkii oo marku Matalan ballantii oofiyay, waqtigeedii ku yimid, halkaana ku noqday qof suubban oo basar leh, laakiin, matalan qofkii uu la ballansanaa si fiican u salaami waayay, ama markii la salaamay, si fiican u qaadi waayay salaantii. Markii uu soo fadhiistayna, Matalan, qofkii  si toos ah ugu hindhisay isagoo aan wejigiisa ka leexin ama, matalan, qofkii hoosta ka galay tiiyoo uu arkaayo qofkii oo ka durkaya, taasoo isaguna mar walba uu ku sii durkayo. Qofka sidan ah waa qof suubban waayo ballantii wuu oofshay, waana qof discipline leh waayo waqtigii ballanta ayuu ku yimid laakiin waa qof ay ka maqan tahay edebta fiican ama waxa loo yaqaan ethiquite-ka.

Su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, maxaa qofka ama dadka ka dhiga qof suubban ama basar leh ama edebsan. Su,aashan waa su’aal ay dad badani uga jawaabi karaan si durduro ah iyagoon ku marganayn iyagoo odhanaya: Diinta qofka oo fiicnaata ayaa keenta subbanaanta, basarka iyo edebta intaba. Laakin su’aashu waxay tahay: ma jiraan dad aanay diintoodu fiicnayn ama gaalaba ah oo ku sifoobay suubbanaan, basar wanaag iyo edeb fiican, gaar ahaan meelaha qaar?!!!!!! Su’aashaas jawaabteeda dadka akhristayaasha ah ayaan u dhaafayaa.


No comments:

Post a Comment