Saturday, August 10, 2013

Dhaqaalaha Iyo Caafimaadka




Dhaqaalaha iyo caafimaadka, W/Q: Prof. Abdi Ali Jama.

Waxa muddo aan yarayn aan muxaadarooyin dhaqaalaha la xidhiidha ka jeedinayay Jaamacadaheena. Biyuhu markay gororaan waxay isugu tagaan meel godan. Nuxurka muxaadarooyinkaasi oo dhami ku soo urureen waxay noqotay in kheyraadka loo yaqaan dadku(Human resource) yihiin lafdhabarta dhaqaalaha ummad kasta.  Sida loo kala horumarsan yahay waxay noqotay mid la xidhiidha tirada iyo tayada xoogga shaqeeya ee waddan waliba leeyahay.

Dadka waddan leeyahay wuxu u qeybsamaa saddex raac. laba Raac waxay kala yihiin inta duqowday iyo ubadka yaryar ee aan qaangaadhin. Raaca saddexaad waa kan u dhaxeeya labada. Waa raaca xoogga ah ee u shaqeeya ama masruufa labada kooxood ee kale. Sidaasi waa sax marka qoys la eegayo iyo marka qaran laga hadlayo labadaba.

Saddexda kooxoodba waxay u baahan yihiin, xaqna u leeyihiin in ay helaan nolol fiican oo tayo leh. Waxay u baahan  yihiin caafimaad, dhaqaale ay ku noolaadaan iyo qaddarin la siiyo. Waxase jirta in labada kooxood ee kale tayada iyo daryeelka noloshoodu wuxu ku xidhan yahay waxsoosaarka ay samayn karaan kooxda xoogga ah ee shaqaysa, waa da’da dhexe’e. taasina waxay ku xidhan tahay kooxdani dhexe sida ay u haystaan adeeg caafimaad, sida ay u tababarn yihiin oo noqonaysa waxbarashadii iyo sida ay tahay tayada maamulkoodu, oo noqonaysa kartida iyo hogaaminta ay leeyihiin.
Cudurka dilaaga ah ee Hiv-aids-ku wxu si gaar ah u abbaaraa da’da dhexe oo ah xooggii dalka u shaqyanayay. Markasta tirade dadka qaba xanuunka waxa ugu fara badan dadka xoogga ah ee da’da dhexe. Qoys kasta cidda u kallahda ee masruuftaa waxa ay ka mid tahay raacan dhexe.

Haddii xanuunkan laga hortagi waayo, wuxu keenaa in dhaqaalaha dalkaasi burburo, ka dib marka dadka xoogga ahi meesha ka baxaan, taasina ay keento in waddankaasi jilbaha u dhaco oo af-weynta goosto. Taasi waxay ku dhacday waddamo dhawr ah oo Afrikaan ah, kuwaasoo ku sigtay in ay burburaan illaa markii danbe ay qaateen tallaabo adag oo ay kula dagaalamayaan cudurkan. Dalalkaas waxa ka mid ah Ugandha.

Ugu danbayntii, dadaal kasta oo aynu  ka samayno kor u qaadidda daryeelka caafimaadka iyo wacyigalinta dadkeena, waxaad ogaataan in uu badbaado u yahay dhaqaalaheenna iyo tayada nolosheena. Dhalinyarada xoogga ah oo la ilaashadaa waa dhaqaalihii  oo la dhawrayo inuu hoos u dhaco. Sidaa darteed caafimaadka iyo dhaqaaluhu waa laba isku xidhan oo isu dhimanaya.

No comments:

Post a Comment