Saturday, August 10, 2013

HIV aids-ka iyo mukhadaraaka




 Hiv aids-ka iyo mukhadaraadka By: Prof. Abdi A. Jama.

Marka laga yimaaddo hababka kala duwan ee sida tooska ah loogu kala qaado cudurkan halista ah ee Hiv aids-ka, waxa jirta in mukhadaraadku ka mid yahay mid qeyb weyn ka qaata fiditaanka xanuunkan. Wuxu uga qeyb qaata si toos ah iyo si aan toos ahayn.

Marka la soo hadal qaado mukhadaraadka iyo Aids-ka waxa maskaxda dadka ku soo dhacda irbadaha ay isticmaalaan dadka isku muda mukhadaraadka. Dadkaasi waxay dabeecad u leeyihiin in ay irbad kaliya ay wadaagaan dhawr qof, sidaas oo ay isugu gudbiyaan cudurkan masiibada ah.

Markaa taas laga yimaaddo, waxa jirta in mukhadaraadka uu ka mid yahay khamriga, xashisshadda la cabbo iyo  mararka qaarkood qaadka aynu isticmaalo in ay ka qeyb qaataan khatarta xanuunka. Macnaha dadka isticmaala mukhadaraadkan waxay u bandhigan yihiin xaunnuunkan si ka badan dadka aan isticmaalin.

Waxa laga yaabaa, akhriste inaad is weydiinayso, side bay dadkani ugu bandhigan yihiin khatarta xanuunka?. Runtii sababtu waxa weeye iyadoo qofka isticamaala daroogooyinkan ay ka lumayso qiyaasta saxa ah ama go’aan qaadashada  saxda ah(Sound judgment), sidoo kale waxa qofka ka luma xishoodka ama iscalinta(inhibition) taasoo keenaysa inuu qaato go’aano qaldan oo aanu qaateen sida inuu isku qaado qof aanu la sameeyeen galmo haddii uu saaxi yahay. Waxa dhici karta inuu la qurux bato ama uu soo jiito qof aanu waxba weydiiyeen haddii uu saaxi yahay. Jaadka ama qaadka laftiisu wuu lumiyaa qiyaasta saxda ah ee quruxda iyo soo jiidashada.

Sidaa darteed, anigoo ah masuulka dhawaan loo magacaabay hay’adda la dagaalanka Aids-ka waxan ku fikirayaa in aan hawsha ku darsano sidii arrinkaa wax looga qaban lahaa. Taasina dabcan waxay u baahan tahay in marka hore loo sameeyo siyaasad iyo xeerar. Haddii ay jiraana dib loo eego. Idinkana waxan idinka codsanayaa in aad wixii talo ah ama tusaale ah aad iigu soo dirtaan email-kaga oo ah abdirrahman99@hotmail.com




No comments:

Post a Comment