Friday, May 24, 2013

Reer Xamarkaw, ma aha sidaas.




Reer xamarkaw, ma aha sidaas. W/Q: Prof. Abdi A. Jama.

 Miyaanay dhici karteen in xaggiina ba ay ka timaaddo aan iska kala tagno!!!! Haa…….haa…Annaga ayaa go’aansanay oo ku adag in aan la soo  noqonno dawladnimadayadii oo madax bannaan. Haddii aan nala icitiraafin illaa immika ma aha , wax sidaad mooddeen,  annaga gaar noo ah. Waa arrin idinkaba idin ku dhici kari lahayd, haddii aad halkayaga oo kale taagan tihiin. Haddii hindisaha gooni isu taaggu idinka xaggiina ka iman lahaa, Matalan, suuragal idiin may ahaateen marka la eegayo sharciga caalamiga ah in aad iska tagtaan. Macnaha, Hargeisa iska may daan jari karteen illaa dadka Hargeisa idinka  yeelaan. Si kastaba ha ahaatee, immika Hageisa ayaa codsigu ka yimid in ay iska jarto Muqdisho. Lamana icitiraafin wali, markaa maxaa ku jaban?
                                                                                             
Makaan intaa sare idhaa, ma aha inaan ka xishoonno inaan idin weydiisanno in aan iska tagno, idinkuna ma aha inaad is mooddaan inaad cid wax dheer tihiin maadaama wax la idin weydiistay. Maxaa yeelay, arrinku wuxu noqon karayay sidan lidkeeda. Tusaale ahaan Moosko oo xaurun ama caasimad u ahayd dawladdii weyneyd ee Sovietkii buruburay,  markii ay rabtay in ay iska jarto jamhuuriyadaha kale, is ka may tagin uun ee mid kasta waxay la gashay heshiis ah aan iska kala tagno. Haddi aanay sidaa yeelin suuragal umay noqoteen Moscow In ay iska tagto oo iskaga dhawaaqdo dawlad gooninya.  Maxaa yeelay,  taasi waxay ka soo horjeedda curfiga qeynuunka dawliga ah.

Markaas , waa wax iska caadi ah in sidan loo macaamilo oo lays weydiisto aan iska kala tagno, laakiin waa mid subxaanalah, haddii dhinaca kale qalad fahmo oo uu u qaato in fadli uu dheer yahay kan kale awgiis wax loo weydiisanayo. Waliba reer xamarku in ay sidan qaldan u fikiraan oo ku saaqidaan fahanka sheekadan aad bey ugu nugul yihiin. Markaan arday ka ahaa Muqdisho muddo shan sano ah, waxan fahmi karaa sida ay u fikiraan. Xataa marka sheeko caadiya uu ka sheekaynayo qofka reer xamarka ahi waxa ku jirta hadal micnihhiisu yahay cid baa laga takhalusay, loo dhammeyay, aakhiro loo diray IWM. Markaa waxad fahmi karta in ay nolosha u arkaan meel lagu kala aargoosto oo lagu kala reeyo. Waa sida aan u qiimeeyay anigu. Waanan qaldanaan karaa. Dabcan, waxa laga hadlayaa,  had iyo jeer,  waa isku celcelis ee lama caam yeeli karo, maxaa yeelay waxa jira dad badan oo fiican oo reer xamar ah.

Dadka u fikiraya sidaa aynu kor ku soo sheegnay, waxay si qaldan u fahmi karaan qadiyadda Somaliland. Ma aha inay dafirayaan midawgii aynu wada galay inagoo laba dawladood ah oo kaliya, laakiin waxay u fahmi karaan weydiisashada aynu nidhi aynu iska kala tagno in ay iyaga u tahay guul iyo awood , innagana guul darro iyo jilayc. Taasi waxay keenaysaa in ay is adkeeyaan oo ay u qaataan in ay wax gaar ah Muqdisho ay Hargeisa u hayso. Nassib darro , tani waxay keenaysaa in Somaliland ay weydo cid ay la xaajooto oo garawshiiyo leh. Taasi waa sababta aan u qoray maqaalkan. Waxa la arkaa in kuwooda wax bartay ee ka xoroobi kara dhaqanka fikirka liita, in ay inoo soo joogsadaan oo ay u caqli celiyaan kuwo kale.

Ugu danbeyntii, Hargeisa waxba uma hayso  muqdisho, Muqdishona waxba uma hayso Hargeysa. Waa wax iska caadi ah  oo dhex mara banii’aadamka. Shalay waxay ahayd aan midowno, maantana waa ma iska kala tagnaa. Midkeen uun baa bilaabi lahaa, markaa ka kale waa inuu si masuuliyadi ku jirto ula shaqeeyo kan kale. Haddii kale dariiq adag ayaynu labadeenuba afka saari doonaa. Bal weydii taariikhda sida arrimahan  oo kale ku danbeeyaan haddii si masuuliyadi ku jirto labda dhinac u wada shaqayn waayaan.
Magac-qalin: Abdo

No comments:

Post a Comment