Friday, May 24, 2013

Tahriibe Mise Qurbo-jooge, Jaahil Mise Mutacallin.




Garnaqsi: Tahrribe mise Qurbajooge; Jaahil mise mutacalin.W/Q: Prof.Abdi A. Jama.

Haddii uu ku guulaysto tahriibta iyo dalandoolka wuxu u dallacayaa qurbojoog. Markaa waa qof muwaadin ah oo fiican.  Wuxu ka mid noqonayaa  kuwa dalka soo dhisa, dadkeenana soo masruufa, Haddii uu ku guuldarraysto waa qof aan la jeclayn, waxana dusha lagaga tuuraa nacdal.........Ma sidaas-baa?!!!!

Dhinaca kale, markaynu ka hadlayno maxaa sabab u ah tahriibta.  Marka hore, wali ma ka samaynay daraasad cilmiyeysan, marka laga yimaado fikradaha aynu meelahaa ku qor-qorno ama hadallada gole ka fuulka ah ee aynu ka tuur-tuuro kulamada iyo xafladaha faraha badan ee aynu gaalaa baxno.

Waxan halkan ku soo gudbinayaa fikrad laga yaabo in ay sees u noqon karto cilmi-baadhista loo baahan yahay in lagu sameeyo arrinkan labada weji leh: Qurbo joogVsTahriibe. Daraasadda aynu kor ku soo sheegnay marka la sameeyo, waxa dhici karta in ay beeniso ama ay ayiddo fikraddan aan halkan ku soo bandhigi doono ee la xidhiidha sababta keentay tahriibka.

Figradda u horraysaa waxay odhanaysaa, Tahriibta waxa salka u ah ma aha inankii ama inantii oo darxumo ku dhacday. Waxay u badan yihiin dad la daryeelay hadday noqoto xagga cuntada, huga, ama hoyga, maadaama inta badan ay ka soo jeedaan qoysas iska ladan ama meel dhexaad ah. Markaa sababtu maxay noqon kartaa? Waxay figraddu leedahay: Sababta Tahriibtu waa arrin nafsi ah(psychology), taasoo uu inanku ama inantu ay tabayso wax ka maqan. Talow, waxaasi waa maxay?

Figraddu waxay leedahay dhallintu waxay tabayaan in aynaan u samayn tusaalihii ay ku dayan lahaayeen ee ay higsan lahaayeen(Role models). Matalan, waxay u arkaan in ay luntay mudnaantii iyo wixii lagu mutaysanayay mudnaanta. Waxaan is leeyahay mashkiladdan ayaa ugu muhiimsan marka laga hadlayo waxyaalaha sababa tahriibta , taasoo ka dhigaysa  asbaabaha kale qaar soo- raac ah.

Arrinkaas aynu kor ku soo sheegnay ee mudnaanta luntay waxay xidhiidh la leedahy inqilaabka la yaabka leh ee ku dhacay dadkeena dhawr iyo labaatankii sannadood ee u danbeeyay, halkaas oo turubkii nolosha oo dhan uu isku dhex-daatay. Wixii innagu dhacay wax sahlan muu ahayn. Haddii aad u haysato in waddankan iyo dadkani u baahan yihiin maamul kaliya, gu’ maad j irin. Wuxu waddankani u baahan yahay dib u unkid iyo dib u qaabayn. Waxba yaan lagu deg-degin gidaar dhisid iyo bilic samayn.  Maah-maah  Somaaliyeed baa tidhaa : “Milil dusha lagama dhayo”.

Qalad hayga fahmin, ma ahi qof aad u muxaafid  ah ama  midigta fog ah. Runtii, anigu,  shaqsi ahaan,  isbeddelka waan jecelahay, laakiin kii ina soo maray wuxu ahaa mid qiyaame ah(Revolution not evolution) oo ay adag tahay sida wax-walba  halkii saxda ahaa dib loogu soo celiyo. Jaahilkii ama badawgii ayaa ina fahmay intii aynu rogmad-ka ku jiray, ka dib markii uu arkay kuwii mutacallimiinta sheeganayay ee hoggaanka dalka  lagu aaminay oo qabyaalad walaaqanaya. Oo yaa ka badiya isaga taas, yaase ka laan-dheeraysan, haddii arrinka meesha lagu hayaa intaas uun yahay.  Aniguna--qoraaga maqaalka—daw iyo garba waan siiyay ninkaa odayga ah, waliba xaal-na waan ugu darayaa soo hadal qaadkaa aan soo hadal qaaday. Hooraayihii Burco ayaa laga hayaa:  “Ciyaalkii baa i ogaaday”. Laakiin,  ma laga yaabaa inuu Hooraaye isagu foolka lahaa.!!!!!!!


Magac-qoraal:Abdo











1 comment:

  1. Great Article, I read it in the newspapers a month or so back but it still resonates with me, enjoyed the second reading!

    ReplyDelete