Friday, May 3, 2013

Somaliland iyo kala kaca siyaasadda Somaliya.




Somaliland iyo Kala kaca siyaasadda Somaliya.W/Q:Prof.Abdi A.Jama

Shaki kuma jiro in wadahadalladii London, Dubai iyo Ankara ay yihiin kuwa taariikhiya oo aan rajaynayno in ay ku dhammadaan guul dhinac kastaba ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa soo ifbaxday in dhinacyo ka mid ah dawladda Somaliya oo aan ahayn reer Banaadir ay ka biyo diideen sida wadahadalladu u socdaan. Dadkani waxay ku andacoonayaan in Somaliland loo sameeyay waxyaalo aanay ahayn in laga yeelo. Iyagu waxay malaha u fadhiyeen in si duuddub ah oo degdeg ah loogu sheego Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Somalia, midnimada Somaliyana muqaddas tahay. Sidaasna muu samayn wafdiga Somaliya ee Ankara tegay.

Haddaba, muxuu daaran yahay warwarka ciddan aynu kor ku soo sheegnay? Runtii, aniga aragtiyada, wuxu warwarkoodu la xidhiidha laba arrimood . Waa ta hore, in wadahadalladani ku dhammaadaan arrin aanay jeclayn oo ah Somaliland oo gooni isu taagta. Waa ta labaade, in haddiiba ay ka badbaadaan qalladaa ama ballaayadaa hore (gooni isu taagga), waa sida ay u arkaane, in dawladda Somaliyeed ee mustaqbalku noqoto mid isu booddo ah—South-North arc—taasoo ka shidan ama ka nool Muqdisho iyo Hargeysa, halka waddanka intiisa kale uu noqonayo soo raac—Annex-- waa sida ay u arkaane.

Si aanay u dhicin ama ay uga hortaagaan suuragalnimada labadaa arrimood ee aynu kor ku soo sheegnay, waxay ciddani bilawday in ay ku eedeeyaan dawladda Somaliya in ay meel kaga dhacayso nidaamkii fedraalka ahaa ee lagu heshiiyay iyagoo u u jeeda wa mare:  marka Somaliland loola xaajoodo sidii dawlad madax bannaan waxa meel lagaga dhacay federaalkii maxaa yeelay waxay ahayd in loola macaamilo sidii gobol ka mid ah Somaliya. Wa marka kale’e: haddiiba Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Somaliya, wali ma aha in la siiyo ahmiyad ka badan tan gobolada kale, macnaha in meesha laga saaro in Somaliland ay lixdankii ahayd dawlad gooniya oo ku soo biirtay Somaliya, balse loo arko gobol la mid ah Kismayo ama Baydhabo oo kale’e, si aanay meesha u iman jeegaanta waqooyi-Konfur ee ay ka dabin dhawrayaan.

Waxan u sheegi lahaa ciddaas kor aan ku soo sheegay:  Waa ta kowaad’e, Caqliyadda aad ku fikiraysaan waa mid gabawday ama waqtigeedii dhacay, maxaa yeelay, haddaan tiina idiin raaco, labada arrimood ee aad ka baqanysaan, waa ta hore’e, haddii wadahadladu ku biyo shubtaan ictiraafka Somaliland, taasi idiin ma dara oo ma ha sida moodaysaan, maxaa yeelay bal is weydii oo maanta Djibouti ma dhib bay kugu haysaa. Bal iskaba daaye,  Somaliland baa kaaga sii fiicnaanaysa, waayo iyada waxbaad ku leedahay. Waa ta labaade, haddiiba la is raaco—dood ahaan—wixii is doonaya cidina ma kala celin karto, marka doorashooyin la galo Matalan, waxa dhici karta in reer Garoowe iyo reer Hargeyasa is raacaan sidii horeba u dhacday markii ay is raaceen A/rashii Ali Sharmarke iyo Ina Cigaal. Taas macnaheedu waxa weeye wuxu waa siyaasad oo khasab ma aha in laba degaan ay waligood is caashaqsanaadaan.

Haddii arrinku sidaa sare yahay, waxan idiin soo jeedin lahaa in aydaan inoo horseedin balaayo iyo colaado hor leh oo aan Alle ina badin,  maadaamaa maanta ninna aanay waxba ka maqnayn. Waa haddii aynu gar-waaqsannahay inuu dhammaaday cahdigii is  muquuninta iyo sadbursiga banii’aadan sameega ah.

Magac-qalin: Abdo.


No comments:

Post a Comment